18/06/2026
Hambalyo Hambalyo Ardayda Fasalka 8-aad ee Maanta Imtixaanka u Soo Dhammaaday πΉ
Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa dhammaan ardayda fasalka 8-aad ee maanta soo gabagabeeyey imtixaankoodii. Waxaad muujiseen dadaal, adkaysi, iyo karti mudan in lagu faano.
Maanta waa dhammaadka hal marxalad iyo bilowga marxalad cusub oo rajo iyo guul leh.
Dadaalkiinnu maanta waa guushiinna berrito.
ππ Hambalyo mar kale adaydeena qiimaha badan ee imtixaanka fasalka 8aad u soo idlaaday ! πβ¨
π€²Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.
14/06/2026
Al-xamdulillaah, maanta waxaan ardayda fasalka 8-aad ee shahaadiga ah u qabannay kulan Qur'aan saar iyo duco ah, iyagoo isu diyaarinaya imtixaanka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. Waxaan Alle (SWT) uga baryeynay inuu u fududeeyo imtixaanka, faham iyo xifdin suubban siiyo, kana dhigo kuwo ku guulaysta dadaalkooda. Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul, horumar iyo natiijooyin lagu farxo. Alle ha idin waafajiyo guul iyo heer sare. Aamiin. π€²πβ¨πΉ
04/06/2026
Guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Darul Dayib Primary and Secondary School. Alle ha idin waafajiyo natiijooyin farxad leh. Aamiin.
26/05/2026
πβ¨ Darul Dayib Primary and Secondary School β¨π
Eid Mubarak
Eid Al-Adxa Mubarak
Waxaan dhammaan maamulka, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta ugu hambalyeyneynaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.
Alle hanaga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana inagu gaarsiiyo ciidan caafimaad, nabad iyo barwaaqo.
π Eid Mubarak to You All π
26/05/2026
Hambalyo iyo bogaadin ππ
Tartankii aqooneed ee ka socday Iskuulka Darul Dayib Primary and Secondary School ayaa si heer sare ah kusoo gabagaboobay, waxaana finalka isugu soo haray fasallada kala ah F2 iyo Fasalka 6aad.
Tartan aad u xiiso badan kadib, ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 14 β 10, waxaana koobka iyo guusha qaaday Fasalka 6aad oo muujiyay dadaal, aqoon iyo wada shaqeyn wanaagsan. ππ
Waxaan hambalyo gaar ah u direynaa ardayda Fasalka 6aad guusha ay gaareen, sidoo kalena bogaadin u jeedinaynaa Fasalka F2 oo soo bandhigay tartan qurux badan iyo dadaal muuqda.
Guul iyo horumar ayaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda, macalimiinta iyo maamulka Iskuulka Darul Dayib Primary and Secondary School. π
15/05/2026
π Jumca Kariim πΈ
Waxbarashadu waa furaha mustaqbalka, aqoontuna waa iftiin aan marnaba damin.
Qof kasta oo maanta wax baranaya, berri ayuu bulshada hoggaaminayaa. β¨
Allaha ubadkeenna iyo ardaydeenna ku anfaco cilmiga, kana dhigo kuwo dalkooda iyo dadkooda anfaca. π€
08/05/2026
Taariikh 6-5-2026, waxaa tartan adag oo xiiso leh dhex maray ardayda galableyda, gaar ahaan fasallada kala ah Fasalka 5aad B iyo Fasalka 6aad B.
Natiijada tartanka ayaa noqotay:
Fasalka 5aad B: 16 dhibcood
Fasalka 6aad B: 10 dhibcood
Sidaas darteed, guushu waxay raacday Fasalka 5aad B ππ
Hambalyo Fasalka 5aad B, sidoo kale Fasalka 6aad B dadaalkooda waa lagu amaanayaa. Guul iyo horumar ayaan u rajeynaynaa dhammaan ardayda galableyda. πͺπ
06/05/2026
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 6-5-2026, waxaa tartan adag oo xiiso leh dhex maray fasallada kala ah F1 iyo F2.
Tartankaas oo ahaa mid aad u xamaasad badan, ardayduna muujiyeen dadaal iyo firfircooni, ayaa natiijadu noqotay:
F1: 16 dhibcood
F2: 18 dhibcood
Sidaas darteed, guushu waxay raacday fasalka F2 ππ
Hambalyo F2, sidoo kale F1 dadaalkooda waa lagu amaanayaa πͺ
02/05/2026
π₯ Tartan Xiiso Leh oo La Isku Arkay! π₯
Taariikhdu markay ahayd 1-5-2026, waxaa si weyn u kulmay ardayda dhigata maalmaha iyo , iyadoo uu dhex maray tartan aad u adag oo xiiso gaar ah lahaa fasalada 4aad A iyo 3aad.
Labada fasal waxay muujiyeen dadaal, karti iyo isgarab istaag, iyadoo tartanku marba dhinac u leexanayay, xiisahana uu sii kordhayay daqiiqad kasta.
Ugu dambeyn, kadib loollan dheer oo aan sahlaneyn, guushu waxay si sharaf leh u raacday fasalka 4aad A ππ
Hambalyo 4aad! π
Fasalka 3aadna waxaad muujiseen geesinimo iyo dadaalβguushu waa dhowdahay haddii aad sii wadaan halgankiinna πͺ