23/11/2025
إنا لله و انا اليه راجعون
Guud ahaan maamulka, Mu'asasada Jaabir Bin Xayaan, Maamulada Dugsiyada, Macallimiinta, Ardayda iyo guud ahaan howlwadeenadeeda waxa ay tacsi u dirayaan Maamulaha dugsiga Jaabir Bin Xayaan Jardiinka Maxamed Axmed Badal Dheere oo ay maanta gabadhiisa Nasra Maxamed Axmed ku geeriyootay Muqdishu.
Marxuumadda Ayaan eebe weeyne kaga baryeeynaa janatul firdawsa sidoo kale maamule badal iyo ehelka kale ayaan ilaaheey u weeydiinay in quluubta u dajiyo insha Allah.
21/11/2025
HAMBALYO IYO BOGAADIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED EE KU ASTEEYSAN 21 NOFEEMBAR.
Maanta waa maalin aad u qiima badan, waa maalin ay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u dabaal dagaan una mahad noqaan Macallimiinta iftiimiyay jidadka aqoonta iyo jiheenta waxbarashada, gacan weeyna ka geestay barbaarinta iyo hanuuninta ardayda.
21 Nofeember ee sanad walba waa maalin u gaar ah halgamaa kasta oo qalinka iyo afka ku hagay jiilalka mustaqbalka.
Maamulka dugsiga, ardayda iyo waalidiinta ayaa isugu soo baxay munaasabadaan oo maanta ka dhacday xaruunta dugsiga si ugu muujiyaan xushmad macallinka kaas oo anan abaalkiisa lagudi Karin, abaalmarino iyo hambalyeen kadib macallimiinta ayaa halkooda kasii waday dhiiri galinta ardaydooda.
Hal ku dhigeena macallinka ee maanta..
Macallinkeen Allow kaal Macallinkiis Allow kaal.
Mahadsanid Macallin meel kasta oo aad joogto.
20/11/2025
Hambalyo hambalyo hambalyo
Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u direeynaa garsooraha Soomaaliyeed Omar Abdulkadir Artan, oo xalay loo magacaabay garsoorka kubadda gacta qaaradda Africa ugu fiican.
Dadaalkiisa iyo kartidiisa waanu ugu hambalyayneenaa waxaana u rajeeyna in uu noqodo kan aduunka ugu horeeyo, sharafta uu usoo hoomeeyay garsoorka soomaaliyane waxaanu rajo ween ka qabnaa in uu hormarin doono kan soomaaliyane.
04/11/2025
Maamulka dugsiga, Macallimiinta, Ardayda iyo guud ahaan howlwadeena dugsiga waxa aynu ilaheey u baryaynaa ardaygeena Xasan Cabdi Suufi oo shalay xiligii danbe ku geeriyooday magaalada muqdisho rabi naxariistiisa hasiiyo e sidoo kale ilaaheey waxaan u waydiinaynaa janataul firdawsa.
Dhanka kale waxaan tiiraanyada la qeeysaneeynaa reerka oo ay ugu horeeyaan hooyo, Aabo, walaalaha iyo guud ahaan qaraabada waxaan ilaaheey u waydiinay in uu qalbiga u qaboojiyo insha Allah.
20/10/2025
WARBIXINTA XAFLADII MAANTA EE FURITAANKA MID KAMID AH TARTAMADA DUGSIGA.
Maanta waxaa si rasmi ah u furmay tartanka aqoonta oo ah mid kamid ah waxqabadaka dugsiga ee sanadlaha ah kaas oo looga gol leeyahay in saro loo qaado aqoonta iyo garaadka ardayda, tartanka sidoo kale waxa uu ardayda fursad usii isdhaxgal iyo in ay isdhiiri galiyaan.
Taariikhda waa 20/10/2025, sanad waxbarasheedka waa 2025/2026, Xaruuunta dugsiga waa Jaabir Bin Xayaan Primary and Secondary School - 1 - Jardiinka .
Tartanka waxaa daah furay maamulka dugsiga, kadib qudbo dheer oo ay isaga daba mareen guud ahaan maamulka dugsiga, gudiga tartanka iyo qeeyb kamid ah barayaasha ayaa diirada lagu saaray faa'iidooyinka baratanka sidoo kale waxaa lagu dhiiri galiyay ilaalinta nidaamka iyo in ay aad iskuugu kalsoonaadaan intaas kadib ardayda ayaa aad ugu riyaaqay dardaarankaas oo waa ay ka Mahad-celiyeen.
Maamulka dugsiga ayaa ku wargaliyay ardayda in dhawaan la bilaabi doono qeeybaha kale ee ka dhiman waxqabadka sanadlaha ah sida isboortga nuucyadiisa kala duwan.
Tartamayaashada fasalada ayaa ah ilaa sadax group oo group kastaa ay is arki doonaan, maanta tartanka waxaa lagu daah furay F3A vs f1B oo ka wada tirsan group A, gudiga tartanka ayaa natiijada ku dhawaaqay waxa ayna noqotay f3A 8 vs 6 F1B.
Ugu danbeyn maamule xigeenka dugsiga ayaa u mahad-celiyay gudiga tartanka, tartamayaasha, iyo guud ahaan ardayda si wanaaga badneed oo ay uga qeebqaateen qabsoomida tartanka.
29/08/2025
School starts again on August/30/2025.
27/08/2025
Hambalyo!
Guud ahaan bahda Mu'asasada Jaabir Bin Xayaan, waxa ay hambalyo u dirayaan Mr Abdiaziz Yasin Ali, oo soo afmeeray mid kamid ah heerarka waxbarashada sare gaar ahaan heerka 2aad (Master degree).
Waxaan qiraal iyo marqaati u heeynaa tayadiisa tacliimeed, hogaamintiisa ku saleesneed aqoonta iyo waaya aragnimda guud iyo tiisa gaar ahaaneed ee barbaarinta ardayda iyo sida xilkasnimada leh ee uu garaadka ardayda u dhiso.
Waxaan mar kale ugu hambalyeeynay hor-umarka uu ka gaaray barashada maamulka iyo hor-marinta waxbarashada.
Waxaan sidoo kale ilaahey uga rajeeynay in ummadda ku anfaco aqoontiisa insha Allah
11/08/2025
Maamulka dugsiga, macallimiinta, ardayda iyo guud ahaan howlwadeenada dugsiga waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan ahalka iyo qaraabada reer Sheekh Cumar Cali Faqay kadib geeridii ku timid ardaygeena Cali Cumar Cali oo ka kid ahaa Ardayda dugsiga Jaabir Bin Xayaan Suuqbacaad., waxaan si gaar ah tacsi ugu direeynaa Sheekh Maxamed Cumar Cali Faqay oo ahaa Walaalka Cali. Waxaan ilaaheey kaga rajeeynay in uu naxariistiisa siiyo insha Allah sidoo kale ehelkana ilaaheey waxaan u weeydiinay in qalbiyada u qaboojiyo.
22/07/2025
Maamulka dugsiga, macallimiinta, ardayda iyo guud ahaan howlwadeenada dugsiga waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan ahalka Aabo Cusmaan Caydiid oo shalay gelinkii danbe ku geeriyooday magaalada muqdisho, waxaan si gaar ah tacsi ugu direeynaa Ardaydeena kala ah Cabdullahi Cusmaan Caydiid iyo Fahma Cusmaan Caydiid. Waxaan ilaaheey kaga rajeeynay in uu naxariistiisa siiyo aabo insha Allah ayagana sidoo kale ilaaheey waxaan u weeydiinay in qalbiyada u qaboojiyo.
08/06/2025
Sawirada kulankii sanadlaha ahaa ee Maamulka sare ee Mu'asasada, maamulka dugsiyada, Macallimiinta iyo guud ahaan howl wadeenada kale.
Taariikhda 11/Dulxaj/1446 ku beegan 07/June/2025.
Xaruunta Jaabir Bin Xayaan Jardiinka.
05/06/2025
Maamulka dugsiga waxa uu munaasabadda ciidda carafo la qeybsanayaa dhamaan waalidiinta, macallimiinta, shaqaalaha, ardayda iyo guud ahaan bahda waxbarashada iyo muslimiinta guud ahaan innagoo Allaah uga baryayna inuu ciiddan teeda kale nagu gaarsiiyo horumar iyo nabad waarta waxaana idin leenahay
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال