16/07/2026
🎓 Hambalyo!
Waxaan hambalyo u direynaa Mudane Bakar Ibrahim Muktar oo ka tirsan maamulka Bay University, kuna guuleystay difaaca Master of Educational Planning and Management.
Waxaan u rajaynaynaa guulo iyo horumar joogto ah.
11/07/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Mudane Fuad Ali Mohammed Dheere oo loo magacaabay Director of Admission and Students Affairs ee Bay University.
Waxaan u rajaynaynaa guul iyo in Alle u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa cusub.
10/07/2026
Hambalyo Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bay
Maamulka, macallimiinta, shaqaalaha, iyo ardayda Jaamacadda Bay waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Prof. Abdirashid Mohamed Ibrahim (Trafico) oo loo magacaabay Guddoomiyaha Jaamacadda Bay.
Waxaan kuu rajaynaynaa in Alle ku waafajiyo gudashada xilkan muhiimka ah, kana dhigo hoggaan horseeda horumar, midnimo, iyo tayada waxbarashada ee Jaamacadda Bay. Waxaan kalsooni ku qabnaa in khibraddaada iyo hoggaamintaadu ay door weyn ka qaadan doonaan xaqiijinta himilooyinka jaamacadda.
Hambalyo Guddoomiye, waxaana kuu rajaynaynaa guul iyo barwaaqo.
03/07/2026
Sawirradii maanta ee difaacashada buugga – Maalinta labaad (Health Science).
02/07/2026
Sawirradii maanta ee difaacashada buugga – Maalinta kwaad (Management).
29/06/2026
Waxaa la ogeysiinayaa in Difaaca Thesis-ka uu qabsoomi doono:
🗓️ 02-03 july 2026
26/06/2026
Qaar ka mid ah ardayda dhigata Kulliyadda Caafimaadka, gaar ahaan qaybta Nursing Semester 7, ayaa casuumaad gaar ah iyo munaasabad lagu maamuusayo u sameeyey labada macallin ee qiimaha badan, Ustaad Abdiaziz Mukhtar iyo Ustaad Ahmed Dheere.
Ardaydu waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin kaalinta muuqata ee ay labada Ustaad ka qaateen hagistooda, tababarkooda iyo dhiirrigelintooda muddadii ay waxbarashada ku jireen.
🙏 Jaamacadda Bay waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaysaa ardayda Nursing Semester 7 sida wanaagsan ee ay u muujiyeen qaddarinta iyo ixtiraamka ay u hayaan macallimiintooda. Sidoo kale, Jaamacaddu waxay uga mahadcelinaysaa Ustaad Abdiaziz Mukhtar iyo Ustaad Ahmed Dheere dadaalkooda joogtada ah, daacadnimadooda iyo doorka weyn ee ay ku leeyihiin tayeynta waxbarashada iyo kobcinta jiilka mustaqbalka.
Hambalyo ardayda iyo labada macallin ee sharafta leh.
13/06/2026
Jaamacadda waxaa si rasmi ah uga bilowday Imtixaanka Final-ka ee Semester-ka Labaad 2025/2026.
25/05/2026
Maalintii 3abaad ee Campaign-ka wacyigelinta iyo dhiirrigelinta waxbarashada ee Jaamacadda Bay ayaa si guul leh uga socota iskuulaadka magaalada Baydhabo.
Maanta waxaan sii xoojinay fariimaha ku saabsan muhiimadda waxbarashada, horumarinta aqoonta, iyo kaalinta dhalinyarada ay ku leeyihiin dhismaha mustaqbalka dalka.
Jaamacadda Bay waxay mar walba u taagan tahay horumarinta waxbarashada iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
23/05/2026
Maanta waxaan si rasmi ah uga bilownay Campaign wacyigelin iyo dhiirrigelin waxbarasho iskuulaadka magaalada Baydhabo.
Campaign-kan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Jaamacadda Bay ee kor loogu qaadayo tayada waxbarashada, kobcinta aqoonta ardayda, iyo dhiirrigelinta mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaan uga mahadcelineynaa maamulka iyo ardayda iskuulaadka sida wanaagsan ee ay noogu soo dhaweeyeen iyo wada shaqeynta ay nala yeesheen.