Abdullahi Abdi Rahmaan

Abdullahi Abdi Rahmaan

Share

wll Abdalla

07/12/2022

Noqo ___ qof _ ayka_ go,antahay______inuu__ Hormmar___ gaaro___waayo____ qofku_____ hadaanu___laxaheyn___ go,aan___ qaadasho___dhaba_ way_adagtahay__ inuu__ hormmar___shaqsiyadeed__gaadho___ __
HBN WANAAGSAN

07/12/2022

Waqtiga iyo lacagta midkee ayaad keydsataa
Jawaabtu Waa Ii Muhiim

07/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO JABUUTI KAGA QEYB GALAY MADASHA ARAGTI-WADAAGGA EE HERITAGE

Jabuuti, Diseembar 06, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

"Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa."

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go'an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter:

24/10/2022
23/10/2022
Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu