12/05/2026
Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya ayaa soo agaasintay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Kalkaaliyaasha, taasoo sanad walba la xuso 12ka May,
Maalintan waxa ay fursad u tahay in lagu maamuuso kaalinta muhiimka ah ee kalkaaliyaashu kaga jiraan daryeelka caafimaadka, badbaadinta nolosha iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee bulshada.
Jaamacadda Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa dhammaan kalkaaliyaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, waxaad tihiin geesiyaal u heellan badbaadinta nolosha.
06/05/2026
The Faculty of Health Sciences, University of Somalia (UNISO), proudly congratulates Abdirahman Mohamed Jimale, Head of Department of Public Health, Laboratory, Pharmacy, and Nutrition & Food Science, for presenting his research on โAntimicrobial Resistance in Somalia: A Silent Public Health Crisis Demanding Immediate Action.โ
The presentation was delivered during a high-level discussion organized by the Somali One Health platform, focusing on integrated approaches to AMR and pandemic preparedness. It underscored the growing threat of antimicrobial resistance in Somalia and the urgent need for coordinated, multi-sectoral action under the One Health framework, contributing valuable insights to strengthen surveillance, stewardship, and response systems.
05/05/2026
Iyadoo maanta ay ku beegantahay Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka Adduunka, Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan Umulisooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda dhigata qeybta Umulisooyinka ee kulliyadda.
Waxaan idiin rajeyneynaa guul, horumar, iyo in aad door muuqda ka qaadataan badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.
29/04/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN:
Hambalyo Dr. Hassan Mohamed Sayid, Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), oo loo doortay xilka weyn ee Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed.
Isku darka labadan xil waxay marag u yihiin kalsoonida iyo kartida uu u leeyahay hoggaaminta bahda waxbarashada. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu xilka u fududeeyo, kuna garab galo gudashada waajibaadkiisa si uu dalka iyo dadka ugu adeego aqoon iyo daacadnimo.
Guul iyo Horumar joogto ah!
25/04/2026
Maanta oo Sabti ah, ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ (๐๐๐๐๐) waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay ๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ (๐๐โ๐๐ ๐๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ).
Ardayda Shaybaarka ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ayaa soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo bandhigyo muujinaya muhiimadda Shaybaarka, iyagoo sidoo kale bixiyay baaritaanno caafimaad oo bilaash ah.
Munaasabaddan waxay muujisay doorka weyn ee Shaybaarku ku leeyahay ogaanshaha cudurrada iyo horumarinta caafimaadka bulshada.
25/04/2026
Sawiro: Munaasabad lagu xusaayoTodobaaka sheybaarka oo si heer sare ah loogu qabtay University of Somalia (Uniso)
Ardayda iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa isu yimid si ay u muujiyaan doorka muhiimka ah ee sheybaarradu ku leeyihiin ilaalinta caafimaadka bulshada.
05/04/2026
Waxaa si heer sare ah uga qabsoomay garoonka Indha-Buur Stadium ee degmada Howlwadaag, tartankii Final-ka Sports ee Kulliyadda Culuumta Caafimaadka Jaamacadda Soomaaliya.
Tartankan oo si habsami leh ay u soo agaasimeen Association-ka Kulliyadda, ayaa dhex maray labada department ee kala ah Pharmacy iyo Medical Laboratory Science.
Ciyaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay dareenka daawadayaasha kadib, waxaa guusha si cad ugu raacday Department-ka Medical Laboratory oo ku adkaaday 5โ1, taasoo muujinaysa dadaalkooda, xirfaddooda iyo isku duubnidooda.
Ugu dambayn, Kulliyaddu waxay hambalyo u diraysaa Department-ga Medical Laboratory guusha ay gaareen, sidoo kale waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ardaydii, macallimiintii iyo Association-ka ka qayb qaatay qabsoomidda tartankan.
02/04/2026
Maanta oo Khamiis ah, Hall-ka Jaamacadda Soomaliya ee Xarunta OGR waxaa lagu qabtay seminar cinwaankiisu ahaa โFrom Research Idea to Approved Proposal.โ
Seminar-ka waxaa soo jeediyay Ustaad Nor Haji Osman iyo Ustaad Mohamed Ahmed Ali, oo ardayda siiyay faham iyo xirfado ku saabsan sida fikradda cilmi-baarista loogu beddelo proposal la ansixiyay, si ay uga faaโiideystaan diyaarinta buugga qalinjebinta (Thesis Book).