21/05/2022
Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan
bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista
imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.
Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la
sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga
qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku
beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.
Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda
dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda.
F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo
ardayda ku hartay imtixaankii h**e ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka
sanadkaan waxaa loo diyaarinayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka
heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin k**a qayb-geli doono
imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021
22/03/2022
Waxaan uhambalyaynayna gudoomiyihii dufcadii 16 ee ardayda iskuulka SYL Mustafa Mohamed Ali oo maanta loo doortay gudoomiyaha Golaha dhexe ee ardayda jamacada mogdisho
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
22/07/2021
Linkiga natiijada imtaxaanka
soneb.gov.so
22/07/2021
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee DFS Waxay goor Dhaw shaacin doonta natiijadda Imtixaanka F12aad Ee dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2020-2021.
Fadlan la Soco
20/07/2021
(انا لله وانا اليه راجعون )
Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh udiraynaa
Abdifitah Ibrahim axmed
Ahmed ibrahim Axmed
Iyo Dhamaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Aabe : ibraahim axmed buurane, Runtii Waxa ay aheyd Geeri Naxdin leh.
Qabrigiisa Allaha u Waasiciyo , Janatul Fardosana Allaha ku Abaalmariyo ...
Aamin ..
قولوا أمين رحمكم الله.
27/05/2021
Ogeysiis Muhiim ah
Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 27ka Maajo, 2021 la wadaagayaa dhammaan ardayda cabashada u soo gudbiyay Wasaaradda oo aan loo diiwaangelin imtixaanka F12aad ee sanad dugsiyeedka 2021 in:
1- Cabashadoodii si qorsheysan loo tixgeliyay,
2- Dib loo fiirin doono cabashooyinkooda muddo ku siman laba todobaad,
3- Natiijada baaritaanka xogtooda lala soo wadaagi doono,
4- Laga qaadi doono imtixaan gaar ah kuwa xogtoodu sax noqoto.
Xafiiska, oo la wadaagaya ardayda iyo waaliddiinta warkaan farxadda leh, waxa uu ku dhiira-gelinayaa ardayda in ay dadaal muujiyaan, waxa uuna u rajeynayaa nasiib wacan iyo mustaqbal horumar leh.
20/05/2021
Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare waxeey halkaan ku soo bandhigayaan magacayada jaamacadaha dalka ee ka gudbay wajiga 1aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diwaangashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.
Hadaba, jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad aay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda.
Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas.
Wa billahi towfiq
20/05/2021
Wargelin Muhiim ah
Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa uu la wadaagayaa dhammaan ardayda u farriisan doonta imtixaanka dugsiga sare ee F12aad macluumaad aad muhiim u ah xilliga imtixaanka. Sidaas awgeed waxaa laga rajeynayaa ardayda in ay ku baraarugsanaan doonaan macluumaadkaan oo ka caawinaya in ay si fudud uga qayb-galaan imtixaanka. Mahadsanidiin
Form Four SYL Part One Aims 2020 - 2021
06/05/2021
Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS waxa uu halkaan kula wadaagayaa ardayda ku nool Gobalka Banaadir, Deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Garasbaaley xarumaha imtixaanka si ay waqti h**e u sii ogaadaan. Wasaaraddu waxay markale u rajaynaysaa ardayda nasiib wanaagsan iyo mustaqbal horumarsan.
Ardayda SYL ceymiska waxay ku gali doonaan degmada Howl-wadaag gaar ahaan iskuulka A Axmed Gurey
Allha idinku guuleeeyo
Form Four SYL Part One Aims 2020 - 2021
05/05/2021
Wasaaradda Waxbarashada oo hal todobaad dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay imtixaanka Shahaadia ah ee dugsiga sare.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan kula wadaagaysaa dhammaan bahda Waxbarashada gaar ahaan masuuliyiinta dalladaha, maamulayaasha dugsiyada, ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ku yimid dib dhac kooban oo ah asbuuc. Dib u dhacaan oo ka yimid culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, ayay Wasaaraddu garawsatay in lagama maarmaan ay tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.
Haddaba, Wasaaraddu iyada oo ka amba-qaadeysa dib-u-dhacaas ayaa waxay halkaan idinkula wadaageysa in imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doono 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021. Sidaas daraadeed, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay waqti siiyaan muraajacada cashirrada si ay ugu guuleeystaan imtixaanka ayna u helaan natiijo ku habboon dedaalkooda.
Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan imtixaanka u fariisanaya Nasiib Wanaagsan iyo Mustaqbal Horumarsan.
Guul baan idin rajaynaynaa dhamaan ardaryda f4ka iyo 8aad ee iskuulla syl gaar ahaan qeybya caymiska
Form Four SYL Part One Aims 2020 - 2021