21/11/2023
Xuska Maalinka Macallimka Soomaaliyeed 21 November.
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from TAYO Basic Education School, School, isgoyska bar ubax iyo inta dhaxaysa carwa iidko, Mogadishu.
21/11/2023
Xuska Maalinka Macallimka Soomaaliyeed 21 November.
21/11/2023
Xuska Maalinta Macalinka 21 - November
Waxaan hambalyo diiran u dirayaan macalimiinta Soomaaliyeed meel kasto oo ay dunida ka jogaan, waxa aynu ku bogaadineynaaa howsha adag oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, waxana u rajeeynayaa horumar iyo baraare.
Sido kale waxan bulsha weynta somaaliyeed iyo dhamaan Waalidiinta ku boorineynaa ineey mudnaantiisa siiyaan Macalimiinta Soomaaliyeed kuwaas oo ku shaqeeyaan duruufo adag loona baahan yahay in Bulshada il gaar ah ku eegaan.
Macalinku waa waalidka 2- aad ee arday kasta ee waxbarsho u dareera”.
Allah (SWT) wuxuu dadka baray wax aysan aqoon u lahayn, cilmigaa ilaahay barayna dadka wax aad u yar uunbaa Ilaahay ka siiyey, cilmiga intiisa soo hartay oo dhanna Alle SWT ayaa milkigeeda iskaleh, waxaase xaqiiq jirta ah in aan aqoonta macallin la, aan cidna kasban Karin, waxaana tusaale wanaagsan middaa u noqon kara Rasuulkeenna Muxammed Sallallahu Caleyhi Wasallama in markii uu waxyigu kusoo degayey in uu Jibriil u ahaa bare oo uu quraanka ku dul akhrinayey.
Macallimku Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waxaan Ku Werwereynaa
Waddankiinna Wax U Barta
Oo Xambaara Waajibkiisa
Wahsan Meynno, Waaban Meynno Warwareegi Meynno
Oo Weec weecan Meynno
Guul Wacan Oo Cadow Ka Waabto
Nolol Wanaagsan Iyo Barwaaqo
Nabad Lagu Wadaago
Ha Ku Waaro Waddankeennu
27/09/2023
Maanta Waxay dunida muslimku u tahay maalin weyn oo ku beegan dhalashadii Nebi Maxamed Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee NNKH.
28/07/2023
“Jumca Mubarak”
Gabo gabadii sheekadii Ardaydii, Macalinkooda iyo ninkii dhimirka loogajiray.
Idinkuse waxaad isku qaladeen anigu idin ma waydiin in aad ii qeexdaan shaaha iyo waxa uu ka kooban yahay iyo sida loo sameeyo iyo cida laga rabo in ay samayso balse waxaan idin waydiiyay kalmada ama erayga shaah goormuu shaah noqdaa !! sidaad lawada socotaan dunida waxaa ku nool balaayiin dad ah oo kala luqad ah oo kala dhaqan ah oo aan isku medeb ahayn oo aan isku diin ahayn waliba ku kala nool wadamo aan isku cimilo ( jawi) ahayn balse mid waliba waxuu leeyahay Kalmad uu garanayo amaba ay u baxsadeen Erayga aad idinku u taqaanaan Shaah, waxaana dhici karta shaaha sidaad adiga u samaysato in aysan iyagu u samaysan waxaa dhici karta shaaha ay iyagu karsadaan in uusan u dhadhamayn sidaad adiga shaaha u karsato hadii ay noqon lahayd caleenta aad u isticmaasho , sidaad sokorta ugu darsato iyo wax yaabaha carcarfiska ah ee aad ku darsato,
Hadaba isku soo wada duuboow erayga shaah waxuu adiga shaah kuu noqdaa marki aad adigu u aqoon sato inuu yahay shaah waayo marka koowaad erayga shaah kalmadaa adigaa u baxsaday oo dad badan ayaa u garanaya magac taa ka duwan marka xigta dhadhanka iyo waxa aad u isticmaalaysidna adigaa u doortay oo waxaa jira dad badan oo aysan ugu dhadhamayn shaaha sida uu adigu kuuugla dhadhamayo.
Run ahaantii ninkan aad aflagaadayseen waxuu u hadlay si caalami ah idinkuse waxaad u hadasheen si gaar ah oo waxaad wixii oo dhan ku cabirteen sidaad idinku u doonaysaan inuu noqdo shaaha balse ninkaan waxa uu bixiyay jawaab dadka oo dhan ku filan waxuuna fursad siiyay cid kasta in ay iyadu go’aanka leedahay oo aan loogu qeexin sida ay adigu kuugula muuqato waana hadal Qof waaya arag ah amaba caaqil ah uu fahmi karo ”
DHAMAAD:
Hadii aan seddex arimood oo muhiim ah ku soo koobo faa’iidada qisadaan waxa ay noqon karaan sidan.
1- Waxaa la yiri caaqilka carabkiisa waxuu ka shisheeyaa caqligiisa oo inta uusan hadlin ayuu ka fikiraa waxa uu ku hadli lahaa. Doqonkase carabkiisa waxuu ka soo horeeyaa caqligiisa oo markii uu wixii uu doono sheego kadib ayuu is waydiiyaa. hadaba iska ilaali in aad hadalka la dag dagto adigoon ka fiirsan waxaa la arkaa inbadan si aadan filayn in aad khalad ugu dhacdo.
2-Hadii ay dhacdo in aad go’aan ka qaadato arin ummad dhan ka dhaxaysa marna ha isku dayin sidaad adigu jeceshahay in aadan ku xukmin dadka intiisa kale ee waa in aad tixgelisaa aragtida dadka kale oo aad u hadashaa si dhexdhexaad ah oo daacadnimo ku dhisan.
3- Jooji isla waynida oo dadka ha quudhsan ( ha yasin) waxaadna ogaataa aqoontaada mar waliba in aysan kugu filnayn ee aad u baahan tahay xikmad ruux waaya arag ah , Mar marka qaarna waxaaba dhacda ruuxa aan aqoon lahayn balse waaya arag ah oo alle caqli siiyay inuu keeno maskax ama aragti uusan keeni karin ruuxa aqoonta leh , Taa macnaheeduna waxa ay tahay xikmada iyo fahanka iyo tala bixintaba waxay ku jirtaa gacantii alle ciduu doono ayuuna siiyaa.
Ugudambayntii waxaan Alle (SW) waydiisanaynaa inuu qalbigeena ka saaro isla wayni iyo xaasid nimo iyo inuu qalbiyadeena isku furo oo aan noqono ummad is jecel oo isku naxariisata oo keeda liita garab qabta . Aamiin
Intii aan saxay Allah ( SW ) ayaa i waafajiyaay , Intii aan khaldayna Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .
25/07/2023
Maamule kuxigeenka Dugsiga TAYO Mdne Faysal Shariif Cumar oo ladardaarmay ardayda ayaa yiri hadaba samee waxyaabahaan soo socda si aad hormar ugaarto
1. Akhri, faham oo dadaal dheeraada kubixi duruustaada.
2. Fasalka u soo xaadir si joogta ah.
3. Ka shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor.
4. Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.
5. Wakhtigaaga maamul.
24/07/2023
Waxaa laguwargalinayaa ummada soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta ladoonayo ubadkooda waxbarashada in Dugsiga TAYO P&SS qaadanayo Arday cusub Sanad dugsiyeedka 2023-2024
Wuxuu dugsiga fursad gaar ah siiyay ardayda dugsiga qur’aanka kujirto, wixii warbixin
Ah xafiiska Dugsiga ee xamarjadiid kala xariir isqoristana ay kasocoto.
Mahadsanidiin.
23/07/2023
Assalamu Caleekum Waraxmatullahi wabarakatuhu.
Bahda TAYO P&SS Waxaa nagu soofoodleh maalmihii dib ugu soo noqoshada waxbarashada, waxaan waalidiinta iyo ardayda soomaaliyeed gaar ahaan TAYO u rajeynaynaa in alle SW idinku sugo Caafimaad, Cimri, cibaado iyo kheyr kuna soo noqotaan Firfircooni, dadaal iyo maskax caafimaad qabta.
Hadaba ardayga waxaa laga rabaa in uu dhameystiro adaabta waxbarasho ee hoos kuxusan
1- Dharka waxbarashada (Uniform).
2- Buugga muqararka, Buugga Layliga, qalinka wax lagu qoro iyo midka lagu calaamadaysto cashirka.
3-Boorsada lagu ilaashada buugta Ama agabka ardayga si uu ugu xafidto.
4- Jarmo isla eg ama tima siman iyo kaba siman oo kuwa daboolan ah.
5- Aroornimo inuu usoojarmaada dugsiga ilaaliya waqtiga dugsiga boos munaasab ah kaqabsada fasalka ardayga.
6- kafogow banaanka dugsiga in arday taagan in lagu arko.
Kusoonoqo Nabad, Caafimaad iyo Dadaalka kadheeri sanadkii tagay.
TAYO PSS KAMID NOQO WAXBARASHO TAYO LEH KAKORORSO.
22/07/2023
20/04/2023
CIID WANAAGSAN - bisha shawaal ay kow tahay waa maalin Ciid ah.
Waxaan umadda muslimka ah, ummmada Soomaaliyeed guud ahaan iyo Gaar ahaan Bahda Dugsiga H/dhexe sare ee TAYO ugu hambalyeyneynaa munaasabadda Ciidu Fitriga, waxaanna dhammaantood Allaah uga baryeynaa inuu aqballo cibaadadoodii bishii barakeysneyd ee Ramadaan - AMIIN -
Umadda Soomaaliyeed waxaan Ilaah uga baryeynaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo, sidoo kalena uu Allaah u sugo iimaankooda iyo caqiidadooda.
BAHDA DUGSIGA TAYO Primary And Secondary School WUXUU DIRAYAA HAMBALYO DIIRAN OO KU AADDAN BILASHADA BISHA RAMADAN.
dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummada muslimiin Waxaan ugu Bishaaraynaa Bilashada Bisha qiimaha badan ee ku aaddan munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.
“Bisha barakaysan ee Ramadan waa waqti gaar u ah isku-duubni iyo isku-naxariisasho; dib-u-milicsiga wixii tegay iyo u-diraargarowga waxa soo socda.
RAMADAAN MUBAARAK.
03/02/2023
Bahda macalimiinta Dugsiga TAYO qeyb kamid ah iyo qeyb ardayda kamid ah Jumca mubarak bulsho soomaaliyeed.