24/09/2025
Maamulka, Macallimiinta, Waalidiinta iyo Ardayda Dugsiga Yaasiin Cisman.
waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhammaan bahda waxbarashada geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ubah Mohamed Ali, oo aheyd Maamule ku-xigeenkii dugsiga Cali Xuseen Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Marxuumaddu waxay ka mid ahayd haldoorrada waxbarashada, door muuqda kasoo qaatay horumarinta tacliinta ubadka Soomaaliyeed, waxayna kaga tegtay raad iyo xusuus qaali ah oo ay ku xasuusan doonaan ardaydii iyo asxaabteedii.
Waxaan Alle uga baryaynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo bahda waxbarashadana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
😭😭🤲🤲
إنا لله وإنا إليه راجعون
23/08/2025
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ayaa sheegtay in natiijada la shaacin doono, berri oo Axad ah, 24-ka Agoosto 2025, 4:00PM.
Guuleysta dhammaan aradayda Soomaaliyeed.✊️
Dugsiga Yaasiin Cismaan Primary and Secondary School. ✊️✊️✊️✊️
14/08/2025
Si aad u hesho natiijada imtixaanka aad gashay, booqo website-ka: https://banadir.exams.so/
11/08/2025
Ogeysiis
Waxaa la ogeysiinayaa waalidiinta ubadkooda lajacel waxbarashada in dugsiga Yaasiin Cismaan Primary and Secondary School uu qaadanayo ardey cusub heerarkoodu kala duwan yahay sanad dugsiyeedka 2025 - 2026. Dugsigu wuxuu idiin diyaariyey wxabarasho tayadeeda aad usareeso sidaas darteed yaanan lagaa buuxinin. Ardeyda la qaadanayo waa ay xadidan tahay fadlan oo gaar dugsiga.
Wixii faah faahin ah waxaad kala soo xiriiri kartaa xafiiska maamulka dusgsiga oo ku yaala degmada Boondheere ka soo horjeedka Taalada Daljirka Daahsoon ama kala xariir numbarada shaashada kaaga muuqdo.
31/07/2025
Waxaa halkan ugu hambalyeenayaa Ardeyda galay 3da kaalin ugu sareeyso fasalada heerarka kala duwan Sanad Dugsiyeedka 2024 - 2025 ee Dugsiga Yaasiin Cismaan Primary and Secondary School .
Waxaa idiin rajeenayaa guul wcn Insha allah. 👏👏
31/07/2025
Waxaan shaacindonaa natiijada dugsiga Yaasiin Cismaan Primary and Secondary School e page ka kala socda 👀
09/06/2025
Guddomiyaha gobalka banaadir iyo maamulaha dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa daah-furay maanta imtixaanka shahaadiga e dugsiga dhexe.
Maamule Siman Abdirashid .
25/05/2025
SHAACINTA JADWALKA IMTIXAANKA FASALKA SIDEEDAAD (FASALKA 8-AAD)
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. AWGB waxa uu la wadaagayaa dhammaan ardayda, waalidiinta, maamulayaasha dugsiyada iyo bahda waxbarashada jadwalka imtixaanka Fasalka Sideedaad ee sannad dugsiyeedka 2024/2025.
Guul Wacan!!!!!