04/02/2024
TACSI
Maamulka, macallimiinta iyo shaqaalaha Gahery Teacher Training College waxey ka tacsiyadeynayaan geerida ku timid tababare Xasan Tahliil Cabdi oo ka mid ahaa tababarayaasha xarunta Gaheyr kaasoo dhowaanahan xanuunsanayey.
Ehelka, qaraabada iyo bahda tacliinta ayaan leenahay samir iyo iimaan, ustaad Xasan oo ahaa shaqsi dun wanaagsan kuna amaanaa shaqadiisa ayaan Alle waxaan uga rajeneynaa inuu ku arsaaqo naxariistiisa kana yeelo hoygiisa Jannada.
24/11/2022
24 November 2022
Waxaa maanta si rasmi ah Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Ee Gaheyr uga bilowday Imtixaanka Dhexe (Midterm Exam) kuwaasoo ay u fadhiisteen 400 oo Macallimiin kuwaaasoo Tababarka Macallimiinta Shaqeysa (Inservice Teacher Training) uu uga socdo Kulliyadda
Macallimiintan ayaa wax ka dhiga dugsiyda H/Dhexe ee Dowlada (Public Schools) kuwaasoo iyagoo shaqada ku guda jiro lagu tababaro shaqada Macallinnimada waxna loogu dhigo Manhaj u gaar ah oo ay dhowaan u dejisay WWH&TS iyadoo ujeedadu ay tahay la tayeeyo tayada Macallinka si waxbarashada dalka ay u noqoto mid tayeysan.
19/11/2022
Macallin Tayeysan, Bulsho Tayo leh!