Akhris iyo Ogaal

Akhris iyo Ogaal

Share

Akhrisku wuxuu inoo yahay lambar 1.

Akhris iyo Ogaal waa madal dhalinyaro soomaliyeed ay sameeyeen looguna tala galay in lagu soo gudbiyo wax kasta oo faaiido inoo leh dhalinyaro ahaan oo aqoonteena iyo ogaalkeenaba kobcinaya.

05/03/2022

Barnaamijka: Taxanaha Nuxurka Buugaagta
Madasha: Akhris Iyo Ogaal
Kaltanka: 15-aad
Buugga: Yididdiilo: Timaaddada Islaamka
Qore: Cabdijabbaar Aadan Cabdi(Qarni)
Soo jeediye: Suleiman Iidow

01/03/2022

Barnaamijka: Taxanaha Nuxurka buugaagta
Madasha: Akhris Iyo Ogaal
Kaltanka: 14-aad
Buugga: The one minute manager
Qore: Spencer Johnson and Ken blenchard
Soo jeediye: Buhal Moalim Adam

Buuggan dulucdiisu waxay daarran tahay in la fududeeyo maamulka iyo maaraynta, laga soo billaabo dejinta ahdaafta, wax-soosaarka, La socodka, la xisaabtanka iyo Qiimaynta. Waxaa kale oo uu ku doodayaa in shaqaalaha laftirkooda xaqooda la ilaaliyo, shaqadana loo madax-bannaaneeyo, laguna caawiyo xal-u-helidda caqabadaha iman kara si ay cashar uga bartaan xirfaddoodana kor ugu qaadaan.

In ahdaaftu iyaga oo faahfaahsan lagu qoro warqad yar, iyada oo lagu soo koobayo 250 eray si fahanka iyo fulintuba u fududaadaan. Waxaa sidoo kale fududaanaysa maamuluhu in uu si dhib yar ula wada socon karo dhammaan qaybaha kala duwan ee hay’addiisa.

Daawasho wacan.

La wadaag saaxiibbadaa

31/12/2021

Ninkaan waa wiil Muslim ah oo dhashay wadanka ruushka, wuxuuna ahaa actor wayn oo laga yaqaano wadanka dhalinyaro badana u ahaa qof ay ku daydaan, intaas marka laga soo tago wuxuu islaanimada qaatay ka dib markii uu akhriyay Qur’aanka kariimka, sababo badan ayaana ka horeeyay akhrintiisa qur’aanka ee halkaas uga bogo.

الحمد لله على نعمة الاسلام ❤️

17/12/2021

Isky higgy nuhurky Buugty.
Buuggy: 12aad:
Maghaaghy buugy: Dhiiriye
Abtugeegy buuggy: Xuseen Aadan Yarow
Tebiyaagy: Abdimalik Suleiman Hussein.

28/11/2021

Isky higgy nuhurky Buugty.
Buuggy: 11wad:
Maghaaghy buugy: Ten arguments for deleting social media accounts right now.
Abtugeegy buuggy: Jaron lanier
Tebiyaagy: Abdinasir Zakariye Mohamed.

04/10/2021

مَّا يَلْفِظُ مِن قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ

“Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo catiid (Oo qori)”-Suratu Qaaf aayada 18aad.

Malaa’igtu waxaa carabka aad ka tiraahdo keliya qori mayso, balse waxay xittaa qortaa waxaa aad baraha Bulshada ku qorayso.

Kalaamka wanaagsan ee aad baraha bulshada ku faafinayso waa Xasanaad aad kororsanayso, kelimadii xun ee aad barasha bulshada ku faafinaysidna waa dembi!

Wax kasta oo aad bartaada bulshada (Facebook, Instagram, Twitter, WhatsApp Status IWM) way kula soconayaan marka aad dhimato.

Sidaas darteed marba haddii aadan waxaa aad meelaha ku faafinayso ama ku qorayso aysan kuu noqonayn Sadaqo jaari ah, ugu yaraan Dembi jaari ah (Kuu soconaya geeridaada bacdigeed) yuusan kaa harin!

Fariinta 10aad.

رسائل من القرآن

ادهم شرقاوي

03/10/2021

Isky higgy nuhurky Buugty.
Buuggy: 10naad:
Maghaaghy buugy: المفاتيح عشر (١٠) للنجاح
Abtugeegy buuggy:د. ابراهيم الفقي
Tebiyaagy: Abdimalik Suleiman

29/09/2021

وَاسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلَّا عَلَى الْخَاشِعِينَ

“Kaalmaysta samirka iyo Salaada, waynu ku wayn tahay salaadu (ku culus tahay) kuwo khushuuca mooyee” Suratu Al-Baqara aayada 45-aad.

Aduunkaan waa guri tacbasho ee ma aha guri goosasho oo wixii la tacbay la goosanayo, waana guri imtixaan ee ma aha guri natiijada intixaamka lagu helayo!

Imtixaanaadka Illaahay SW adoonadiisa ku imtixaamayo waxaa ka mid ah inu musiibooyin ku soo diro sida:-
In qof la jecel yahay la waayo waa musiibo.
Faqrigu waa musiibo.
Deriska xun, Xaaska faajirada ah/ Zowjka faajirka ah, qofka madaxda ah ee hadana dulmiilowga ah, dhamaan waa musiibo!

Qofkii ku sabra imtixaamkaas wuu ku barmoosay!
Qofkii se ka xanaaqo musiibadaas Rabi SW ku saladay intixaamku wuu ku dhacay!

Qofna musiibo ka badbaadi maayo wuxuu doono ha ahaadee xittaa Nebiyada, bal iyagaaba ugu musiibo badnaa!

Waxaa la soo weriyaa in Dulqarnayn markuu Baabila soo gaaray uu aad u xanuunsaday, wuxuuna garaystay in geeridii u timid oo xanuunkaan kii uu ka badbaadyay uusan ahayn, markaasuu hooyadii soo xasuustay inay murug badan la kulmi doonto geeridiisa gadaaasheed, markaasuu u diray Wan wayn, wuxuuna u dardaarmay marka uu dhinto inay gowracdo oo ay kariso Hulu kiisa ugu a yeerta dadka aan weligood musiibo ku dhicin ama qof ay jeclaayeen aanan waayin.

Ka dib geeridiisa waxay samaysay intii uu la dardaarmay, Laakiin waxaa layaab noqotay in qofna uusan iman sababtoo ah qoys kasta ama qof kasta wax uu jeclaa ayuu waayay ama musiibo kale ayaa ku dhacday, Markaasay fahamtay fariinta wiilkeeda, waxayna dhahday “Illaahay ha kuu naxriiso, adigoo nool iyo adigoo dhintayba waad ii baariday”.

Fariinta 9aad

رسائل من القرآن
ادهم شرقاوي

28/09/2021

‎كُلُّ نَفْسٍۢ ذَآئِقَةُ ٱلْمَوْتِ ۗ وَنَبْلُوكُم بِٱلشَّرِّ وَٱلْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ

“Naf kasta way dhadhamin geeri! waxaan idinku imtixaami shar iyo kheyrba ibtilo darteed, xageenana waa la idin soo celin” Al-ambiyaa, aayada 35-aad.

“Geeridu- waa koobka ay dadka oo dhani ka cabayaan; kan muslimka ah, kan gaalka ah, Nebiyada, kuwo daaquudka caabuda, Jinniga iyo malaa’igta. Illaahay SW keligiisa ayaa soo haraya!

Geeriduna ma ahan gebagebada sheekada bal e waaba bilowga sheekada!
Wacdi waxa inoogu filan in geeri ay jirto!

Abii Nawaas oo ahaa qof Khamriga ku caan ahaa ayaa nin Wanaagsan oo ehlu kheyra deris la ahaa, kaasoo mar kasta ugu wici jiray xagga Alle. Inuu hhamriga Iska daayana wax badan buu kula teliyey. Ninkii wanaagsanaa baa dhintay Abuu Nawaasna Janaasadii buu raacay, intuu qabrigii dul istaagay ayuu yiri “Maanta(adigoo mayd ah) ayaad ka wacdin ogtahay kolkaad noolayd!” Oo micnaheedu yahay Dhamaan Kelimadihii aad igu dul akhrin jirtay ee wacdiga ahaa oo aad iigu naseexayn jirtay uma dhig maan wacdiga aan maanta ka qaatay aragtidayda aan adigoo qabrigaaga ku jiray ku arkay”

Fariinta 8aad
رسائل من القران
ادهم شرقاوي

24/09/2021

‎وَسَارِعُوا إِلَىٰ مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَاوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ

“Una deg daga dembi dhaafka Eebihiin iyo Janno balaarkeedu Samaawaadka iyo Dhulka la isku daray ah oo loo diyaariyay kuwo dhowrsada” Suratu Al-Cimraan aayada 133-aad.

U degdaga Sababtoo ah geeridu cidna sugi mayso!
Berito ayaan towbad keeni. Berito ayaan qaab wax akhris wanaagsan samaysanayaa iyo berito ayaan diet-galayaa …. IWM.

Baritodii aynu sheegaynay ayaa imaanaysa inagoon wixii aynu naawilaynay aynan qabsan!
Waxaa intaasoo dhan ka daran oo aynu aaminsanahay in geeridu ay naga fogtahay!

Sidaas darteed waxaa xusid mudan in inta aan kor kusoo xusnay ay aaminsanaayeen dadkii daqiiqad ka hor geeriyooday ee aduunkaan ka rawaxay!

U degdaga sababtoo ah dib u dhac yer ayaa kuu horseedi kara dib u dhac sanad! Sheyba sheyga ka dambeeya ayuu isu dhiibayaa waxayna kugu noqonayaan sheyaal aan tabar loo hayn!

Sunaabixi (wuxuu ahaa qof Muslim ah oo waqtigii nebiga NNKH noolaa oo reer yaman ahaa) ayaa yiri : “waxaynu kasoo baxnay yemen inagoo muhaajiriin ah oo u socona Madiina si aynu Nebiga NNNKH aynu ula kulano, se Nasiib daro markii aynu magaaladii madiina imaanay ayaa la inoo sheegay in Nebigu NNKH shan maalin ka hor geeriyooday.

Shan maalin oo ay dib u dhaceen ayay ku waayeen inay noqdaan Asxaab.

U deg daga kheyrka iyo wax kasta oo xun inaad ka joogsataan waxaa laga yaabaa in saacad keliya oo aad dib udhigatay Jano ku waydo e’!!

Fariinta 7aad

رسائل من القرآن

ادهم شرقاوي

23/09/2021

Fariinta 6aad

عَسَىٰ رَبُّنَا أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَا

“Waxaa laga yaabaa in Rabigeena noogu bedelo wax iyaga ka fiican” Suratu Al-Qalam aayada 32-aad

Aayadaan Sarre ku xusan isaga baabi’i murug kasta oo kaa haysta fursad aad isleedahay way ku dhaaftay, shaqo kasta oo aad ku han waynayd oo aad waysay, qof aad jeclayd oo wadada kaaga tagay (goor aadan filayn) iyo Saaxiib kasta oo aad is lahayd qof weji fiican waaye, se kugu noqday yey ugaarsade ah.

Illaahay SW waxna kaama qaado ilaa xikmad ayaa ka dambaysa, waxna kuuma dhaafo ilaa wuu kugu naxriisanayaa.

Haddii aad nicmadaas garatay ku shukri!
Haddii aad se garan wayday ku sabir!

Wixii Illaahay SW kuu qadaray dhamaantood way kuu wanaagsan yihiin xittaa haddii ay adigu xumaan kuula muuqdaan!

رسائل من القرآن

ادهم شرقاوي

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Mogadishu