Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee zone 4 yaaqshiid

Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee zone 4 yaaqshiid

Share

Dugsiga zone 4 Yaaqshiid
HOYGA AQOONTA IYO BARBAARINTA

18/08/2026

Hambalyo iyo Bogaadin πŸŽ‰πŸ“š
Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee zone 4 yaaqshiid Wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ustad cabdulqadir maxamad xasan oo Mar kale dib loo doortay.
Ustad Waxaan kuu rajaynaynaa in Eebbe ku waafajiyo xilka culus ee mar kale laguu doortay, kuguna garab siiyo xikmad, hufnaan, cadaalad iyo hoggaan wanaagsan.
Waxaan ku kalsoonahay in hoggaankaaga uu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada, mideynta bahda waxbarashada iyo xoojinta iskaashiga dugsiyada Gobolka Banaadir.
Dib-u-doorashadani waxay muujinaysaa kalsoonida lagu qabo hoggaamintaada, waayo-aragnimadaada iyo dadaalka aad ugu jirtid horumarinta iyo isku xirka dugsiyada Gobolka Banaadir.
Alle ha kuu fududeeyo xilka, hana ka dhigo mid khayr iyo horumar ku soo kordhiya waxbarashada. πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ“š
Sidoo kale Waxaan kuu rajaynaynaa in Alle uu kuu fududeeyo masuuliyadda mar kale laguu igmaday, kaagana dhigo xilligan cusub mid ay ka dhashaan horumar, wada-shaqayn iyo guulo wax ku ool ah oo ay gaaraan bahda waxbarashada.
Hambalyo Guddoomiye! πŸ‘πŸŽ“
Hambalyo Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir!

18/08/2026

Doorashada gudoomiyaha Midawga dugsiyada gobolka Banaadir

16/08/2026

Horay u soo gaar Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee zone 4 yaaqshiid oo ka socoto isdiinwaan galinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka 2026/2027

Ardayda waxa ay marayaan imtixaan lagu qiimaynayo fasalka ay u qalmaan.

Sidoo kale waalidiinta waxa ay keensan karaan sanad dugsiyeedka cusub ardayda bedelka ku imaanayo heer walba ardayda marayaayo waxaan ku soo dhawaynaynaa gacmo furan
Nagala soo xariir 0612685747

Ku xirnow mar walba Bogga
Dugsiga zone 4 Yaqshid

16/08/2026
15/08/2026

Hambalyo Hambalyo
Ardayda imtixaanka ku guulaysatay ee fasalka 12 ee dugsiga zone 4 Yaqshid
Dadaalkiina halkiina ka sii wada

11/08/2026

10-ka kaalmood ee ugu sarreeya imtixaanka sannad-dugsiyeedkan, waxaa kasoo muuqday 9 gabdhood, halka wiilashuna yihiin 4. Hambalyo ayaan u diraynaa dhammaan ardayda kaalmaha galay, waxaana u rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah.

FG: Kaalinta 9-aad waxaa isku dhibco keenay 3 arday, halka kaalinta 10-aad ay isku dhibco keeneen 2 arday. Sidaas darteed, tirada guud ee ardayda ku jira 10-ka kaalmood waxay noqonaysaa 13 arday.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Jidka Sodonka
Mogadishu

Opening Hours

Monday 13:00 - 17:00
Tuesday 12:00 - 17:00
Wednesday 12:00 - 17:00
Saturday 12:00 - 17:00
Sunday 12:00 - 17:00