28/04/2026
Hambalyo dhammaan guuleystayaasha abaalmarinnada xidigaha Ololaha Ciidsiinta Caruurta danyarta iyo agoonta ee 2026.
Waxaan markale idin kaga mahadcelineynaa kaalintii iyo dadaalkii aad sanadkaan ka qaadateen ka farxinta carruurtaas!
28/04/2026
Hoggaanka Ololaha Ciidsiinta Caruurta Danyarta ayaa dhawaan soo agaasimay munaasabad loogu mahadcelinayaay kooxdii ka shaqeysay Ololaha Sannadkan, waxaana ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan iyo dhalinyaradii ka shaqeysay Ololihii guulaystay ee 2026.
Ujeedka munaasabadda ayaa ahayd in lagu dhiirigeliyo samafalayaashii madaalayaasha ahaa ee ka shaqeeyay Ololaha, islamarkaana loo mahadceliyo bulshadii Soomaaliyeed iyo culimadii sababta u aheyd in ay farxaan 1,573 carruur ah, oo agoon iyo danyar isagu jiray kuwaas oo ku nool magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
25/03/2026
๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ฌ๐๐ง๐๐๐ค๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฅ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐
Waxaan ku faraxsannahay in aan idinla wadaagno warbixin guud oo ku saabsan carruurta sanadkan 6-aad la ciidsiyay. Dadaal iyo iskaashi adag ka dib, waxaan ku guulaysannay inaan dharka ciidda gaarsiinno ๐,๐๐๐ carruur ah oo isugu jira Agoon iyo Danyar.
Guushan waxay ku suurtagashay garab istaaggiinna iyo sadaqadii aad baxsateen. Eebbe ha idinka abaalmariyo farxadda aad geliseen ubadka Soomaaliyeed.
19/03/2026
๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐๐ค ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ข๐ข๐ง!
Waxaan hambalyo iyo mahadnaq u diraynaa dhammaan intii ka qayb-qaadatay farxadda in ka badan 1,500 carruur ah, kuwaas oo berri la ciidaya asaagooda.
Ilaahay ha idinka abaalmariyo sadaqadii aad baxsateen. Ciiddaan Ciiddeeda kalena caafimaad iyo nabad Ilaaay ha nagu gaarsiiyo, Insha Allah.
19/03/2026
Waxaan si rasmi ah u soo gabagabeynay Ololaha Ciidsiinta Sannadkii 6-aad, annagoo ku guuleysannay inaan dharka ciidda gaarsiinno in ka badan ๐,๐๐๐ carruur ah oo isugu jira agoon iyo danyar.
Mahadsanidiin dhammaan qof kasta oo nagu garab istaagay inaan caruurtan Soomaaliyeed gaarsiinno dharkii ay ku ciidi lahaayeen.
19/03/2026
๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐ง๐ข๐๐ข๐ข๐ง ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฅ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐!
Dhallinyaradan is-xilqaantay waxay suuragaliyeen in ka badan 1,500 oo carruur ah ay maanta dharkoodii ciidda haystaan. Dadaalkiina iyo dhabar-adaygiina ayaa suurtagiliyay guusha Ololaha Ciidsiinta.
Abaal-kiina Ilaahay janno ha ka yeelo.
18/03/2026
Qaybta 2-aad: Sawirrada munaasabadda dhar-bixinta ee Ololaha Ciidsiinta Sannadkii 6-aad.
17/03/2026
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ซ-๐ช๐๐ฒ๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฅ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ข๐ข ๐-๐๐๐!
Waxaan si rasmi ah u soo xirnay wejigii dhar-bixinta ee Ololaha Ciidsiinta carruurta agoonta iyo danyarta ah. Waxaan dharkii ciidda guddoonsiinnay ๐,๐๐๐ carruur ah, kuwaas oo isugu jira agoon iyo danyar.
1,447-ka canug ee caawa dharkoodii ciidda haysta, waa miraha dadaalkii iyo sadaqadii aad baxsateen dhammaantiin.
Waxaan Mahad-naq ballaaran u jeedinaynaa; qof kasta oo qayb ka qaatay inaan carruurtan wejiyadooda farxad ka buuxinno ka hor maalinta Ciidda.