15/05/2026
Qeybta 2aad sawirada
Aayaha ubadkeenu waa amaano noloo dhiibay
15/05/2026
Qeybta 2aad sawirada
14/05/2026
Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa dhakhaatiirta iyo maamulka "Al Habiib Specialist Hospital" oo maanta booqasho caafimaad ku yimid iskuulka, gaar ahaan baaritaanka indhaha ee ay si bilaash ah ugu sameeyeen dhammaan ardayda.
Ardayda qaar oo u baahday daryeel dheeraad ah ayaa sidoo kale loo diray isbitaalka si lacag laβaan ah loogu sii baaro loona daweeyo.
Runtii waa tallaabo muujineysa adeeg bulsho, naxariis iyo daryeel caafimaad oo qiimo badan.
Mahadsanidiin, Alle ha idinka abaalmariyo wanaagga aad bulshada u haysaan. π€
13/05/2026
π Safar aqoon oo bilow qurux badan lahaa ayaa maanta maraya heerkii gunaanadka.
Waxaan si sharaf iyo kalgacal leh u sagootineynaa dufacaddeennii 1aad ee aan si wadajir ah uga soo bilownay halganka waxbarashada, kuwaas oo maanta isu diyaarinaya imtixaanka shahaadiga ah.
π Muddo dheer oo dadaal, dulqaad, iyo adkeysi ah kadib, waxaad noqoteen iftiinka iyo rajada bulshada.
Guusha aad maanta raadineysaan waxay noqon doontaa tallaabada ugu horreysa ee mustaqbal ifaya.
β¨ βAqoontu waa iftiin, dadaalkuna waa jidka guusha.β
π Waxaan idiin rajeyneynaa:
Guul weyn oo imtixaanka ah
Mustaqbal qurux badan
Nolol ay ka muuqato sharaf iyo horumar
π€² Duco:
Allaah ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idiinka dhigo kuwo guul iyo kheyr ku dhammeeya waxbarashadooda. Ha idiin barakeeyo cilmigiinna, hana idiin furo albaab kasta oo kheyr iyo horumar leh. Aamiin. πΊ
17/04/2026
Mahadcelin Rasmi ah
Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa dhammaan martidii sharafta lahayd, aqoonyahannadii iyo haldooradii ka soo qeyb galay barnaamijkii qiimaha badnaa ee looga hadlayay muhiimadda akhriska iyo cilmiga.
Sidoo kale, mahad gaar ah ayaa u socota martidii nala joogtay ee waqtigooda iyo aqoontooda nala wadaagay:
Anas Abdullahi Sabrie
Mohmed Mohamud Ali
Dr. Mohomed Ibraahim Goonle
Amb. AhmedDahir Shafici
Mahad gaar ah waxaan u direynaa Maxamed Shariif, oo ahaa qabanqaabiyihii barnaamijka dadaalkiisa iyo juhdigiisa ayaa suurta geliyay in ay munaasabaddan si habsami leh u qabsoonto.
Sidoo kale, waxaan si kooban ugu mahadcelineynaa dhammaan kasoo qeyb galayasha ka soo qaybgalay, ka qaybqaadashadiinuna waxay ahayd laf-dhabarta guusha barnaamijka.
15/04/2026
β¨ Guul iyo Natiijo Wacan β¨
Waxaan idiin rajeynayaa, ardaydayda qaaliga ah,
guul iyo natiijo aad ku faraxdaan.
π Dadaalkiinna miro dhal ha noqdo,
mustaqbalkiinuna ha noqdo mid ifaya.
15/04/2026
π END EXAM MONTHLY π
Alxamdulillah π€²
Maanta waxaa si rasmi ah inoogu dhamaaday
imtixaanka bileed 2aad.
Waxaan u mahadcelineynaa ardayda dadaalkooda,
macallimiinta juhdiga ay bixiyeen,
iyo waalidiinta taageeradooda joogtada ah.
π Waxaan rajeyneynaa guul iyo horumar joogto ah!
08/04/2026
π OGEYSIIS MUHIIM AH π
Maanta oo ah [8/4/2026] waxaa si rasmi ah u bilowday imtixaankii billaha ahaa ee ardayda.
π Ardayda waxaa lagu wargelinayaa: β’ In ay waqtiga ilaaliyaan
β’ In ay qalabka imtixaanka soo qaataan
β’ In ay muujiyaan dadaal iyo anshax wanaagsan
π― Ujeedadu waa in la cabbiro heerka waxbarasho ee ardayda.
π‘ Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda guul iyo nasiib wacan.
ALLAAH ha fududeeyo π€²
05/04/2026
π’ WORKSHOP: Muhiimada Akhrisku u leeyahay bulshada
Ma jeceshahay akhriska? Ma rabtaa inaad fahamto sida uu u hormariyo bulshada iyo noloshaada?
π
Taariikh: 10 April 2026
β° Waqti: 4:00pm β 4:50pm
π Goob: Alkawaakib Hall, Mogadisho
π° Kharash: Bilaash
π Isdiiwaan gelin: 613669816
Kaalay oo ka faaβiidayso fursadan qiimaha leh!
Waxaa soo qabanqaabiyay: Maaayad Book Club
01/04/2026
Hambalyo Hambalyo Hambalyo.π π
Waxaan halkaan Hambalyo qalan jebin ah u direynaa annagoo ah bahda Al-kawaakib primary and secondary school Maamul, Macallimiin iyo ardayba ustaad AhmedDahir Shafici Abdullahi oo soo afmeeray heerka kowbaad ee waxbarashada Jaamacadda umada somaliyed
Cilmiga aad barateen Alle ha kugu Anfaco.
23/03/2026
Ogeysiis Muhiim ah
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in iskuulku dib u furmayo kadib fasaxii 10-ka dambe ee Ramadaanka iyo Ciidda Fidri.
Daraasadu si toos ah ayey u bilaabaneysaa berri oo ah Talaado, taariikhdu ay tahay 24/03/2026.
Fadlan, arday kasta waa inuu soo xaadiraa xili h**e. Ardaygii maqnaada wuxuu la kulmi doonaa ciqaab waafaqsan xeerarka iskuulka.
Mahadsanidiin.
| Monday | 08:00 - 17:30 |
| Tuesday | 08:00 - 17:30 |
| Wednesday | 08:30 - 17:30 |
| Saturday | 08:00 - 17:30 |
| Sunday | 08:00 - 17:30 |