03/01/2023
WEYSADA TAABASHO MAKU JABTAA ?.
Culumada Islaamku wey isku Khilaafeen in ay Weysadu ku jabeyso Ragga ito Dumarka oo jirkoodu is taabto, wuxuuna Khilaafkoodu ku Saleysan yahay Fahamka Daliilada ku soo Arooray arrintaas. ilaahey SW, wuxuu yiri:-
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلَاةِ فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ ۚ وَإِن كُنتُمْ جُنُبًا فَاطَّهَّرُوا ۚ وَإِن كُنتُم مَّرْضَىٰ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَاءَ أَحَدٌ مِّنكُم مِّنَ الْغَائِطِ أَوْ لَامَسْتُمُ النِّسَاءَ فَلَمْ تَجِدُوا مَاءً فَتَيَمَّمُوا صَعِيدًا طَيِّبًا فَامْسَحُوا بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُم مِّنْهُ ۚ..
Kuwa Ilaahey Rumeeyoow markaad u kacdaan Salaada waxaad Dhaqdaan ejiyadiina iyo Gacmihiina ilaa Xusulada, waxaadna Masaxdaan madixiina, waxaad dhaqdaan Cagihiina ilaa Canqowga (Qoobabka), hadaad Janaabo qabtaan is Daahiriya, ama haddii midkiin Booqdo Suuliga ama aad Taabataan Dumarka oo eydaan Biyo helin ku Gabagabeysta Ciid/Carro Wanaagsan oo ku Masaxa Wejiyadiina iyo Gacmihiinaba. [Suuratu Al-maa’idah].
Meesha khilaafku ka yimid waa Ereyga ah (Taabashada Dumarka), waxeyna Culumadu ku Fasireen Saddex Qawl oo kala duwan:-
QAWLKA KOOWAAD.
Taabashada Dumarka wey ku jabeysaa Weysadu, sidoo kale Dumarka taabta Nimanka wey ka jabeysaa Weysadii, ha ahaato Taabashadaasi mid Dareen keenay ama mid aan Dareenba wadanin, ha noqoto mid ula kac ah ama mid K**a' ahba. Qawlkan waxa ku tagay Mad-habka Imaamu Shaafici, waxeyna Daliishadeen Xadiisyo kale sida Xadiiskan:
( وَالْيَدُ زِنَاهَا اللَّمْسُ ) رواه أحمد.
“Gacanta Zinadeedu waa Taabashada".
QAWLKA LABAAD.
Taabshadu ma jebiso Weysada, ha ahaato Taabasho wadata Dareen ama mid aan Wadaninba, waxaana Qowlkaas ku tagay Imaam Abuxaniifa Ilaahay ha u naxariistee.
Waxayna dhaheen: Sida asalka ah Qofku waa Weyso qabayaa ilaa ay ka imaaneyso wax Cadeynaya in Weysadii ka jabtay, arrinka Taabashada ku saabsana macnaheedu waa Galmo, waxeyana Daliishadeen Xadiisyo badan oo tilmaamaya inuu Nabigu Xaaskiisa taabtay, hadana aanu wax Weyso cusub qaadanin, did A Xadiiskan:-
عن عائشة رضي الله عنها قالت : ( كُنْتُ أَنَامُ بَيْنَ يَدَيْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَرِجْلَايَ فِي قِبْلَتِهِ فَإِذَا سَجَدَ غَمَزَنِي فَقَبَضْتُ رِجْلَيَّ فَإِذَا قَامَ بَسَطْتُهُمَا ) رواه البخاري (382)
Caasha RC, waxaa laga weriyey inay tiri: “Anigu waxaan Seexan jiray Rasuulka Ilaahey Hortiisa ayadoo Lugaheygu ay ku Fidsan yihiin Qibladiisa, markuu Sujuudana wuu i Qanjiirin jiray (taaban jiray), markaasaan Lugaha laaban jiray, markuu istaagana waan Fidssan jiray.
Waxa kale oo ay Daliishadeen Xadiiskan:
عَنْ عَائِشَةَ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَبَّلَ امْرَأَةً مِنْ نِسَائِهِ ثُمَّ خَرَجَ إِلَى الصَّلَاةِ وَلَمْ يَتَوَضَّأْ ) رواه أبو داود.
Caasha waxaa laga wariyey in Nabiga CSW, Dhunkaday mid ka mid ah Dumarkiisii, markaasuu u baxay Salaada isagoon Weyso qaadanin.
Sidaas darteed waxay dhaheen: Weysadu kuma jabeyso Taabasho.
QAWLKA SADDEXAAD.
Haddii Taabashadu ay wadatay Dareen wey jabeysaa, haddii aaney wax Dareen wadanina ma jabeyso. Waxaana Qawlkan ku tagay Imaamu Maalik iyo Imaamu Axmed ibnu Xanbal. Waxeyna qaateen Daahirka Aayada oo ay dhaheen Taabashada weysadu wey ku jabeysaa, balse markey arkeen Xadiisyada ay Daliishanayaan Qoloda diidan gebi ahaanba inaan Taabasho weyso ku jebin ayey Labada aragtiyoodba Kulmiyeen oo waxey yiraahdeen haddii Taabashadaas ay la socoto Dareen Shahwadeed wey jabeysaa weysadii haddii kalena ma jabeyso. Sida saxiixa ahna waa Taabashada Aayada waxaa looga jeedaa (Galmo).
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.