Abdullahi Anas

Abdullahi Anas

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdullahi Anas, Education, Mogadishu.

27/09/2023

Ma ihi waxaad ii malaysey laakiin waxaan ahay wuxuu (Ilaahey سبحانه وتعالى)
Ila dooney inaan ahaado Ma Ihi AS Ma ihi Wahaabi laakiin waxaa Raali ku ahay diintii uu la yimid
(Nabiggeena Suuban صلوات الله وسلامه عليه)

Intaan daliil ah haday ku deeqi waayaan waa daalantahaye Ilaahey haku dejiyo Walaal

عليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين من بعدي، تمسكوا بها وعضوا عليها بالنواجذ

رضيت بالله ربا وبالاسلام دينا وَبِمُحَمَّدٍ نَبِيًّا ورسولا

قل إن كنتم تحبون الله فاتبعوني يحببكم الله ويغفر لكم ذنوبكم والله غفور رحيم

27/09/2023

ILAAHEY gii ku Abuurey ee Ku Oofsadey Baan Ku Dhaartee
Rasuulkii Allow Waan Ku Jeclahay

السلام عليك يا حبيبي يا رسول الله

03/01/2023

WEYSADA TAABASHO MAKU JABTAA ?.

Culumada Islaamku wey isku Khilaafeen in ay Weysadu ku jabeyso Ragga ito Dumarka oo jirkoodu is taabto, wuxuuna Khilaafkoodu ku Saleysan yahay Fahamka Daliilada ku soo Arooray arrintaas. ilaahey SW, wuxuu yiri:-

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا قُمْتُمْ إِلَى الصَّلَاةِ فَاغْسِلُوا وُجُوهَكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ إِلَى الْمَرَافِقِ وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ إِلَى الْكَعْبَيْنِ ۚ وَإِن كُنتُمْ جُنُبًا فَاطَّهَّرُوا ۚ وَإِن كُنتُم مَّرْضَىٰ أَوْ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوْ جَاءَ أَحَدٌ مِّنكُم مِّنَ الْغَائِطِ أَوْ لَامَسْتُمُ النِّسَاءَ فَلَمْ تَجِدُوا مَاءً فَتَيَمَّمُوا صَعِيدًا طَيِّبًا فَامْسَحُوا بِوُجُوهِكُمْ وَأَيْدِيكُم مِّنْهُ ۚ..

Kuwa Ilaahey Rumeeyoow markaad u kacdaan Salaada waxaad Dhaqdaan ejiyadiina iyo Gacmihiina ilaa Xusulada, waxaadna Masaxdaan madixiina, waxaad dhaqdaan Cagihiina ilaa Canqowga (Qoobabka), hadaad Janaabo qabtaan is Daahiriya, ama haddii midkiin Booqdo Suuliga ama aad Taabataan Dumarka oo eydaan Biyo helin ku Gabagabeysta Ciid/Carro Wanaagsan oo ku Masaxa Wejiyadiina iyo Gacmihiinaba. [Suuratu Al-maa’idah].

Meesha khilaafku ka yimid waa Ereyga ah (Taabashada Dumarka), waxeyna Culumadu ku Fasireen Saddex Qawl oo kala duwan:-

QAWLKA KOOWAAD.

Taabashada Dumarka wey ku jabeysaa Weysadu, sidoo kale Dumarka taabta Nimanka wey ka jabeysaa Weysadii, ha ahaato Taabashadaasi mid Dareen keenay ama mid aan Dareenba wadanin, ha noqoto mid ula kac ah ama mid K**a' ahba. Qawlkan waxa ku tagay Mad-habka Imaamu Shaafici, waxeyna Daliishadeen Xadiisyo kale sida Xadiiskan:

( وَالْيَدُ زِنَاهَا اللَّمْسُ ) رواه أحمد.

“Gacanta Zinadeedu waa Taabashada".

QAWLKA LABAAD.

Taabshadu ma jebiso Weysada, ha ahaato Taabasho wadata Dareen ama mid aan Wadaninba, waxaana Qowlkaas ku tagay Imaam Abuxaniifa Ilaahay ha u naxariistee.

Waxayna dhaheen: Sida asalka ah Qofku waa Weyso qabayaa ilaa ay ka imaaneyso wax Cadeynaya in Weysadii ka jabtay, arrinka Taabashada ku saabsana macnaheedu waa Galmo, waxeyana Daliishadeen Xadiisyo badan oo tilmaamaya inuu Nabigu Xaaskiisa taabtay, hadana aanu wax Weyso cusub qaadanin, did A Xadiiskan:-

عن عائشة رضي الله عنها قالت : ( كُنْتُ أَنَامُ بَيْنَ يَدَيْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَرِجْلَايَ فِي قِبْلَتِهِ فَإِذَا سَجَدَ غَمَزَنِي فَقَبَضْتُ رِجْلَيَّ فَإِذَا قَامَ بَسَطْتُهُمَا ) رواه البخاري (382)

Caasha RC, waxaa laga weriyey inay tiri: “Anigu waxaan Seexan jiray Rasuulka Ilaahey Hortiisa ayadoo Lugaheygu ay ku Fidsan yihiin Qibladiisa, markuu Sujuudana wuu i Qanjiirin jiray (taaban jiray), markaasaan Lugaha laaban jiray, markuu istaagana waan Fidssan jiray.

Waxa kale oo ay Daliishadeen Xadiiskan:

عَنْ عَائِشَةَ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَبَّلَ امْرَأَةً مِنْ نِسَائِهِ ثُمَّ خَرَجَ إِلَى الصَّلَاةِ وَلَمْ يَتَوَضَّأْ ) رواه أبو داود.

Caasha waxaa laga wariyey in Nabiga CSW, Dhunkaday mid ka mid ah Dumarkiisii, markaasuu u baxay Salaada isagoon Weyso qaadanin.

Sidaas darteed waxay dhaheen: Weysadu kuma jabeyso Taabasho.

QAWLKA SADDEXAAD.

Haddii Taabashadu ay wadatay Dareen wey jabeysaa, haddii aaney wax Dareen wadanina ma jabeyso. Waxaana Qawlkan ku tagay Imaamu Maalik iyo Imaamu Axmed ibnu Xanbal. Waxeyna qaateen Daahirka Aayada oo ay dhaheen Taabashada weysadu wey ku jabeysaa, balse markey arkeen Xadiisyada ay Daliishanayaan Qoloda diidan gebi ahaanba inaan Taabasho weyso ku jebin ayey Labada aragtiyoodba Kulmiyeen oo waxey yiraahdeen haddii Taabashadaas ay la socoto Dareen Shahwadeed wey jabeysaa weysadii haddii kalena ma jabeyso. Sida saxiixa ahna waa Taabashada Aayada waxaa looga jeedaa (Galmo).

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

26/11/2022

🔴 DEMBIYADA QARSOON 🔴

Aad ayey u Qurux badan tahay inaad aragto Wiil Dhalinyaro oo Dushiisa Diintu ka muuqdo, Garkiisii daayay, Sunadii Nabiga CSW, soo Nooleeyay, Salaada Masjidka ku Dadaalaya, Dadka Wanaagsan la Saaxiibay.

Amase Gabar Asturkii Diinta xiratay, Xijaabkii loo baahnaa Hagoogatay, Waddada marka ay socoto laga Dareemayo Dhaqankii Islaamka.

Laakiin intaasba waxaa ka sii Qurux badan oo ka sii Muhiimsan in uu Qalbigoodu uu Nadiif yahay, Qalibigoodu ka maran yahay Xumaha Qarsoon.

Walaalayaal maanta waxaan ku jiraa xilli ay Fitantu qof kasta soo gashay Gacmahiisa, Jeebashiisa, iyo Dhamaan Noloshiisa, haddii aan waagii h**e ka Baqi jirnay inaan aragno Gabar Qaawan oo Suuqa mareysa, Maanta Naagihii aduunka oo idil ayaa Mobailkaaga kuugu jira oo waliba wada Qaawan, Alaahna wuu Fiirinyaa iimaankaaga iyo sida aad u Xakamaysid Naftaada.

Dhalinyaro badan ayaa Maanta ku Milantay websiteyada Xumaanta Faafiya, kuwa kale ayaa Xumman ku dhacay oo Gabdho Islaam dhalay Dhagar ka galay, oo Zino iyo Faaxisho ku dhacay. kuwo kale ayaa Ceebahoodii meelaha la soo Dhigay. (Inaa lillaahi wa Innaa ileyhi Raajicuun). War Alle halaga Baqo Adduunkaan waa laga tegaa.

Nabiga CSW, waxuu yiri:- Dad Umadeyda ka mid ah ayaa Maalinta Qiyaame la iman doona Ajirro iyo Xasanaadyo Buuraha la'eg markaas ayuu Allaah ka yeeli doonaa Boor (Bus) la Afuufay oo kale. Asxaabtu waxey yiraahdeen:- Rasuulkii Allow bal noo sheeg kuwaas, wuxuu yiri Nabiga CSW, Waa Walaalihiin, Habeenkii ka Tukada inta aad ka Tukataan oo kale, laakiin marka ay Xumaanta la keli noqdaan ayey Dillaaciyaan.

Walaalka Muslimka ahoow iska ilaali inaad ka mid noqoto kuwaas Ayaanka daran.

Waxaa Qoray :- Macoow Ustaad.

22/11/2022

1=Lamaanaha is qaba waa kuwa wada tashada.Ilaahey wuxuu ku leeyahay qur’aankiisa Nabiguna (NNKH) wuxuu la tashan jiray xaasaskiisa iyo Asxaabtii

2.Had iyo jeer waa kuwa ka fogaada wixii keena khilaaf dhexdooda ah iyo iska hor imaadka, caqabad walba oo la soo gudboonaatana wey ka gudbaa.

3=Waa kuwa wax kastoo la soo gudboonaada wada qabta, Isu muujiya dabacsanaan dhexdooda ah, waxna kala maqla.

4=Hadii khilaaf dhex maro ileen bani’aadam baala yahaye waa kuwii isu tanaasulo.

5=marmarka qaar markii khilaaf dhaco nimanku waxay isku dayaan inay haweeneyda cabudhiyaan marka raggu waa inaysan cadaadinin, sidaa darteeda cabudhiskuna reer ma dhaqo odayga reerku waa inuu usoo istaagaa hooyada reerka oo talada lawada gooyaa meelna lawada dhigaa ileen waa isku dane.

6=Waxay ku qanacsanyihiin wixii kheyrahoo Alle siiyo, iyagoo indhaha u taageynin waxay dadka kale heystaan waxey isku kaalmeystaan daacada Ilaahey noocay dooniba ha noqotee.

7=Wallshey Jannada mooyaane nin qumman ma jiro, Illahay idamkii Naftaadana wadaniyadi in dayacaadi jirto taasina ay tahay dabeecadda bini aadamka ee iska jir kuwa doonaya in ay gurigaaga ku dumiyaan furriinka, sidaas darteed adiga keligaa fadhiiso oo aad ka shallayso hadalkooda, kana digtoonow madax adayga ragga, maadaama uu ninku yahay. inta badan naagta way ka madax adag tahay

8=Dareenka kaliya Aan dunida ka leeyahay ayaa tahay waxaad i dareensiisay Jaceylka inuu yahay ixtiraam iyo wanaag sido kale dareen Aniga ii damqanayaa Dagnaasho iyo dajinta Qalbigeygana Adaa idareensiyay marka sidee Baan kugu cidleeyaa oo majirto cilad Aan kaga fogaado adiga Marwadaan jeclaa

9=Waxaad istaahishaa aniga oo dhan, waxaad kasbatay subaxdeyda, habeenkeyga, duhurkeyga. Waxaad u qalantaa waqtigeyga maanta iyo kan mustaqbalkeyga maxaa yeelay waxaa tahay Marwada ugu fiican. Waan ku jeclahay

Hadaad ka heshay la wadaag Asxaabtada Mashkuu ran wall ҒᏞϴᏔ ᎷᎬ Abdullahi Anas

19/11/2022

Ujeedooyinka salaatu allaylka.

1: salaatu allaylku waa dhaqankii dadkii wanaagsanaa ee inaga h**eeyay.

2: waa sunnadii nabiga scw.
3: sharafta qofka mu,minka ah.
4: waa furaha aqbalka ducooyinka.
5: waa nidiifinta nafta.

6: waa camal wanaagsan oo u dhexeeya adoonka iyo rabbigii.
7: waa badbaada fitnooyinka
8: waa furayaasha fahanka allah stw.

9: waa wada balaadhinta arzaaqda
10: waxay kuu ergaysaa maalinta qiyaame
11: waa sababaha kugu sugaya diinta islamka.
12: waa I dharaanta khayr ka iyo wanaaga.

13: malaa,igtu way maqlayaan qof kaas.
14: waxay ka faydaa mooganaanta qalbiga.
15: waa wax yaabaha naxariista soojiida.
16: waa sababha keena dhaqan wanaaga.

Hadaad halkan soo gaadhay ku sali nabiga.
Sallalaahucalayhiwasalam.

Waxaadnagalasoconkartaa Filasho page

14/11/2022

MAXAA XAARAAN KA AH DUMARKA ISLAAMKA.

Waxaa jira Dhowr Waxyaabood oo ay Diinteenu ka Mamnuucday Dumarka iney sameeyaan, waxaana ka mid ah:-

1- INEY BANAANKA U BAXDO IYADOON ASTURNEYN.

Gabar kasta oo Muslimad ah oo Qaan gaar ah waxaa Waajib ku ah iney Xijaab xirato, markey Banaanka ay u baxeyso, oo ay Asturto Madaxeeda iyo Jirkeeda. Xijaabku waa Maro kasta oo Jirkeeda Astureysa.

2- INEY GABARTU SAFARTO MAXRAN LA'AAN.

Dumarka Muslimaadka ah looma Oggola iney Safraan Maxram la'aan, marka laga reebo Safar Daruuri ah oo eysan heli karin Nin Maxram ah. Diinteenu waxey Diirinaysaa Safarka badanaaba wuxuu leeyahay Daal, Dhiibaato iyo itaal daradii Dumarka awgeed ayey Muhiim u tahay inuu la socdo Qof Caawiya oo Farab u noqda.

3- INEY GUURSATO NIN AAN MUSLIM AHEYN.

Haweeneyda Muslimada ah waa ka Mamnuuc iney Guursato Nin aan Muslim aheyn.

4- INEY ADEECI WEYDO NINKEEDA.

Haweeney kasta oo Muslimad ah waxaa Waajib ku ah iney Ninkeeda wax kasta oo Kheyr ah ku Adeecdo.

5- DHEXGALKA RAGGA.

Dhexgalka u Dhaxeeya Nin iyo Qof Dumar ah lama Oggola Islam ahaan. Nin iyo Naag Ajnabi kala ah waa Mamnuuc iney is taabtaan.

6- XIRASHADA DHARKA KU DHAGGAN JIRKA.

Nabi Muxammed CSW, Wuxuu yiri Laba nooc Oo Umaddeyda ka mid Ah Oo Aanan Arag Waa Ehlu Naar. Labadaa Nooc Waxaa ka mid ah:-
1- Dumar Dhar Qaba oo Haddana Qaaqaawan" Culimadu waxey yiraahdeen: Waxaa loola Jeedaa "Waxay Xiran yihiin Dhar ku Dhagan oo Muujinaaya Gabadha Jirkeeda ama Dhar Khafiif ah oo laga Dhex arki jaro Jirka.

2- Xaqqii wey ka Leexdeen, Dadkiina wey ka Leexiyeen (Xaqqii wey ka leexdeen yacni Dharkooda, Socodkooda, Akhlaaqdooda iyo Dhaqankooda Anshaxoodu, waa Khilaafsan yahay Dhaqan Gabar Muslimad Ah. Dadkiina wey ka leexiyeen oo wey Fitneeyeen.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

07/11/2022

QISO YAR OO CAJAA'IB AH.

Wiil yar oo 5 ilaa 6jir ah, ayaa wuxuu Salaadda ku Tukan jiray Masaajidka Gurigooda ku Dhegan waliba Safka h**e ee iimaanka ku Xiga, ka dib Wiilkaasi wuxuu Caadeystay inuu Salaad kasta marka Faataxada la dhameeyo ee aamiin la dhaho inuu Cod aad Argagax badan oo Qeylo ah uu ku yiraahdo Aamiin, Dadka agtiisa ku Tukanayana ay aad u Dhibsadaan Qeylada Wiilka.

Ayaamo badan markuu sidaa ahaa oo marka Salaada laga baxoba uu si Degdeg ah Masaajidka uga baxo ayaa Maalinkii dambe iimaamkii soo qabtay, wuxuuna Weydiiday waxa Salaad kasta ku Kalifay inuu sidaa u Qeyliyo.

Haddaba, Wiilkii yaraa wuxuu ku jawaabay:- Waxaan Deggenahay Gurigan aad arkeysid ee ku xiga Masaajidka, haddaba Aabahey ma Tukado Salaada, Anigana sidaas waxaan u sameeyaa inuu Aabahey Maqlo Codkeyga oo arko inaan Tukanaayo isna uu igu Daydo oo uu Tukado Salaadda.

Haddaba, intaas ka dib iimaamkii wuxuu u aaday Wiilka Aabahiisa, wuuna uga Sheekeeyay Qisadii dhex martay isaga iyo Wiilka yar, isla markiina Ninkii Salaada ayuu Bilaabay, Allaah ayuuna u Towbad keenay.

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

04/11/2022

Nabigu NNKH wuxuu sheegay in qofka mu'minka ah xaalad kasta ee soo wajahda ay kheyr u tahay.
Hadii wanaag ama kheyr asiibo wuu ka shukrinayaa, shukrintaas ayuuna ajir iyo abaal alle ka siinayaa.
Hadii dhibaato asiibtona wuu ku sabrayaa, sabarkiisa ayuuna ajir iyo abaal alle uga helayaa.
Sidaa darteed mu'minka dhib iyo dheefba kheyr ayuu kala haraa.
Ilaahey ha naga dhigo kuwa Nabigu (SCW) sheegay ee dhib iyo dheefba ka ajirsada.
🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲🤲

04/11/2022

Nin xakiim ah ayaa wiilkiisa ku yiri: wiilkeygiyoow inta aad nooshahay saddex arin ku dadaal:

-Cuntada ugu fiican inaad cunto
-Gogosha ugu fiican inaad ku seexato
-Guriga ugu fiican inaad degto!

Wiilkii ayaa ku jawaabay: Aabe annagu dad sabool ah ayaan nahay sidee ayey waxaas oo dhan iigu suurta geli kartaa?

Ninkii xakiimka ahaa ayaa yiri:

- Marka aad gaajooto keliya haddii aad wax cunto...waxay noqoneysaa cuntada ugu fiican

- Marka aad shaqeyso oo aad daasho gogosha aad ku seexato waxay noqoneysaa gogosha ugu fiican.

- Haddii aad dadka kula dhaqanto dabeecad wanaagsan qalbigooda ayaad degaysaa, sidaasna waxaad ku degtay guriga ugu fiican ee la d**o.

Akhriska Iyo Qoraalka

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu