Faculty of Social Sciences Students Union - HIU

Faculty of Social Sciences Students Union - HIU

Share

Kani waa Bogga rasmiga ee Midowga Ardayda Kuliyada Culuumta Bulshada Jaamacada Caalamiga Horseed, waxaana lagu soo gudbinayaa waxqabadka ardayda kuliyada.

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 24/12/2024

Kuliyadda social science
Warqad Mahadcelin iyo Hambalyo

Taariikh: 24ka Diseembar 2024

Ujeeddo: Hambalyo iyo Mahadcelin Guusha Mashruuca Ganacsiga ee Ardayda

Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka waxay halkan hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda fasalka saddexaad ee Dhaqaalaha, kuwaas oo si guul leh uga soo baxay mashruucooda hirgelinta suuqyada ganacsiga. Mashruucan waxa uu ahaa mid lagu dabaqayay casharrada maadada Ganacsiga ee ay qaadanayeen, waxaana uu iftiimiyay kartidooda hal-abuur iyo xirfadooda ganacsi ee sii kobcaya.

Waxaan sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelineynaa Ustaad Ibraahim Faarax Hilowle, oo hagitaan iyo taageero joogto ah ku bixiyay barnaamijkan. Dadaalka iyo aragtidiisa ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xaqiijinta guusha mashruucan muhiimka ah.

Waxaan rajeyneynaa in ardaydu sii wataan dadaalkooda iyo hal-abuurkooda si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal ganacsi oo guulaysta. Kuliyaddu waxay mar walba ku faaneysaa guulaha ardayda iyo sida ay ugu diyaargarowayaan inay kaalin muuqata ka qaataan kobcinta dhaqaalaha gudaha iyo kan caalamiga ah.

Mahadsanidiin,
Maamulka Kuliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 14/11/2024

Ardeyda kulliyadda Maamulka, Dhaqaalaha & Cilmiga Bulshada ee sanadka 1aad ee Jaamacadda Caalamiga Horseed waxa u qabsoomay workshop Ciwaaankiisu yahay (Study 𝐒𝐤𝐢𝐥𝐥𝐬 ) waxaana lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Jaamacadda waxaana bixiyay workshopkaan Ustaad Sade Abdi shire.

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 24/08/2024

Munaasabadda Difaacashadada Buuga Qalin-jebinta Kuliyadda Cilmiga Bulshada gaar ahaan Public Administration and IR and Diplomacy ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Caalamiga Horseed International University HIU.

26/05/2024

Congratulations 🎉 Social science semester4 full time 2024Champions 🏆

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 26/05/2024

Tartanka kubadda cagta kulliyadda Cilmiga bulshada (Social Science )ayaa maanta axad ah la soo gabagabeeyay iyadoona ku guuleestayaasha tartanka ay noqdeen Social Science Ft Sem4

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 13/05/2024

Kulanki galabta Public Administration 2 ft Public Administration 2 pt
Social Science Cap 2024
Waxa lagu kala badi
Public Administration 2ft 2
Public Administration 2 pt 1

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 12/05/2024

Kulanki galabta Social work 4 Public Administration 6
Social Science Cap 2024
Waxa lagu kala badi
Social work 3
Public Administration 4

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 08/05/2024

Waxaa la soo gabagabeeyay Dood Cilmiyeed Ciwaankiisu ahaa (The role of youth participation in political economics) ee qabanaysay Kuliyada Culuumta Bulshada Jaamacada Caalamiga Horseed.
Dood-Cilmiyeedka maanta waxaa inagala soo-qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo EU.

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 08/05/2024

Waxaa sitoos ah loo guda galay Dood Cilmiyeedka Ciwaankiisu ahaa (The role of youth participation in political economics) ee Kuliyada Culuumta Bulshada Jaamacada Caalamiga Horseed.

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 08/05/2024

Ustaad Abdiwahid Husein Mohamed Hormuudka kuliyadda Culuumta Bulshada aya furay Dood Cilmiyeed Ciwaankiisu yahay (The role of youth participation in political economics) ee Kuliyada Culuumta Bulshada Jaamacada Caalamiga Horseed.

Photos from Faculty of Social Sciences Students Union - HIU's post 07/05/2024

Waxaan maanta daahfurnay koobka kubadda Cagta ee Social Science Cup 2024.
Waxaana maanta ciyaaray Public Administration 6 iyo Public Administration 4, iyadoona guusha raacday public administration 6.

07/05/2024

Abdishakur Abib Hayir Lataliyaha Ergayga madaxweynaha ee arimaha socdaalka, xuquuqda caruurta iyo soocelinta tahriibayaasha oo qeyb ka ah martida nagala soo qeyb galayso Dood Cilmiyeedka Ciwaankiisu yahay (The role of youth participation in political economics)ee Kuliyada Culuumta Bulshada Jaamacada Caalamiga Horseed.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu