Abdisalam Abdullahi Elmi

Abdisalam Abdullahi Elmi

Share

Waxbarasho iyo Dhiirrigelin

30/05/2026

Casharka 2aad: Waa maxay muhiimada ay leeyihiin xirfadaha waxbarashada?

Xirfadaha waxbarashada waa muhiim sababtoo ah waxbarashadu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan nolosheena. Haddii aad taqaano sida ugu fiican ee wax loo barto wax walba oo aad u baahan tahay waad baran kartaa.

Xirfadaha waxbarashada waxay kaa caawinaayaan:
1. Inaad casharadaada fahanto.
2. Wixii aad baratay inaad xusuusnaato.
3. Inaad isku diyaariso imtixaanada.
4. Waqtigaaga sida ugu fiican inaad uga faa’ideysato.
5. Walaaca iyo walwal ka inaad iska yareyso.
6. In ay kalsoonidaada dhisto.
7. Inaad dad kale waxbari karto.

Tusaale
Laba ardey ayaa imtixaan isku mid ah galaya.
1. Ardeyga koowaad:
Wuxuu bilaabay wax akhrinta iyo isku diyaarinta imtixaanka maalintii imtixaanka habeenka ka h**eeya. Si deg deg ah ayuu bogag badan ku akhriye. Wuu daalay kadibna habeenkii waqti dambe ayuu seexday.
2. Ardeyga labaad:
Maalin walba si joogto ah ayuu wax u akhrin jiray. Imtixaan tijaabo ah ayuu iska qaadi jiray. Imtixaanka si fiican ayuu isugu diyaariyey. Ardeygaan wuxuu dareemayaa isku kalsoonaan sababtoo ah wuxuu isticmaalay xirfadaha waxbarashada.

Talaabooyin aad qaadi karto oo kaa caawinaya waxbarashada iyo sidii aad imtixaanada isugu diyaarin laheyd.
1. Ka fikir imtixaan h**e oo aad soo gashay.
2. Sidee isugu diyaarisay.
3. Maxaad ku guuleysatay?
4. Maxaad ku guuldareysatay?
5. Qor hal shey oo haddii aad sameyso kaa caawin kara waxbarashada iyo inaad isku diyaariso imtixaanada.

Marka aad horumariso sida aad wax u barato waxaad horumarineysaa mustaqbal kaaga. Maalin walba oo aad si joogto ah wax yar u barato ayaa horumar ku gaarsiin kara.

Dhamaadka casharka labaad.

29/05/2026

Xirfadaha waxbarashada

Casharka 1aa: Waa maxay xirfadaha waxbarashada?.

Xirfadaha waxbarashada waa habab ka aad u isticmaali karto inaad si fiican wax ugu barato.

Wax akhrisku waa xirfad, wax qorida waa xirfad, sida wax loo bartana waa xirfad u baahan inaad barato.

Xirfadaha waxbarashada waxay kaa caawin karaan in aad si fiican wax u barato, sidoo kale waxay kaa caawin karaan inaad xusuusnaato wixii aad baratay.

Tusaalooyin
1. Ardey ayaa maado wuxuu akhrinaaye saddex saacadood. Casharkii uu akhrinaaye wuu kusoo celceliyey, maalmo yar kadib intii ugu badneyd wixii uu bartay wuu iloobay.
2. Ardey kale ayaa maado wuxuu akhrinaaye hal saac. Markii uu casharka akhriye wuxuu qortay su’aalaha ugu muhiimsan casharka, kadib wuxuu isku laabay buuggii oo su’aalihii ayuu isku dayey in uu ka jawaabo isagoo aan buuggii fiirinin, intaas kadib wuxuu isku sharxay oo uu akhriyey wixii uu bartay. Maalmo kadib ma iloobin wixii uu bartay. Ardeygaan wuxuu isticmaalay xirfadaha waxbarashada.

Talaabooyin aad qaadi karto oo kaa caawinaya waxbarashada
1. Dooro maadada aad rabto inaad barato.
2. Qor mowduuca aad rabto inaad barato.
3. Qeyb yar akhri
4. Buugga isku laab oo isku sharax wixii aad baratay. Haddii aadan heli karin dad kale oo aad u sharaxdo, adiga isku sharax wixii aad baratay.
5. Qor wixii aad xusuusato.
6. Buugga fur oo fiiri wixii aad saxday iyo wixii aad qaladay.
7. Iska sax wixii aad qaladay.
8. Waqti yar oo nasasho ah qaado kadib halkaas kasii wad wixii aad baraneyse.

Waad ku mahadsan tahay inaad qoraalkaan akhrisay.

Dhamaadka casharkii koowaad.

22/05/2026

Marka aan waqtigeena ka faa'iideysan weyno waxaan u maleynaa waqtigu si dhaqso ah in uu ku dhamaaday.

22/05/2026

Waxbarashadu ma dhamaato marka aad qalin jabiso.

Waxbarashada kaliya ma aha waxa aad iskuul ama jaamacad ku soo baratay.

Waxbarashada waxaa ka mid ah:
1. Barashada inaad si fiican u fikirto.
2. Barashada sida loo xaliyo dhibaatooyinka.
3. Barashada sida aad u horumarin laheyd noloshaada.

Ha joojin waxbarashada marka aad qalin jabiso.

Waxbarashada dhabta ah waa mid soconeysa nolosha oo dhan.

21/05/2026

Haddii aad taqaano sida aad uga faa'ideysan laheyd waqtigaaga iyo inaad fuliso go'aanada aad gaartay ee aad ku horumarineyso naftaada waxaad ka fiican tahay 99% oo dadka ka mid ah.

Photos from Abdisalam Abdullahi Elmi's post 16/05/2026

Maxaa inaga hortaagan inaa aqoonteena horumarino?.

16/05/2026

Waxbarashadu waxay u baahan tahay dulqaad iyo adkeysi.

13/05/2026

Talooyin kaa caawinaya inaad aqoontaada horumariso.

12/05/2026

Marka aan wax akhrineyno waa waqtiga aan wax baraneyno si aan u horumarino aqoonteena iyo nolosheena.

Waxaa muhiim ah inaa iska ilaalino waxa naga mashquulin kara horumarinta aqoonteena.

Waa maxay waxa ugu badan ee naga mashquuliya wax akhriska?.

12/05/2026

Aqoontu waa hanti aan kaa dhammaaneyn.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu