01/05/2025
Durbaba sanadka wuxuu sii cagcagaynayaa bishii 5aad Isbuucii 17 waxaan haysanaa 35 isbuuc oo kale fursado badan waa haysanaa haday intii h**e dhayal kugu dhaaftay fursadaha cusub albaabka ayay kusoo garacayaan dib u qorshay noloshaada ,joogtayn ,dadaal,ka gonaansho,sabar, 8da bil ee inoo hartay wax badan waan ku qaban karna ugu yaraan xirfad cusub waan ku baran karnaa .
14/03/2025
🔥 Kor U Qaad CV-gaaga Adigoo Ka Faa’iidaysanaya Shahaadooyin Dijitaal ah! 📜✨
Ma rabtaa inaad CV-gaaga xoojiso oo aad kor u qaaddo fursadahaaga shaqo? 🚀 Koorsadan waxay kaa caawin doontaa inaad si sahlan uga faa’iidaysato barnaamijyada waxbarashada online-ka ee bixiya shahaadooyin bilaash ah oo la aqoonsan yahay!
Waxan ku barayaa ilaa 6 Platform oo kaladuwan oo aan anigu ka qaatay shahaadooyinka hoos kaaga muuqda.
https://wa.me/252618261668
12/03/2025
Waa xusnul Muslim Af Somali oo aad u wanagsan, waxa uu ku siinayaa Notification ku xasuusinaya ducada hurdada iyo subaxda.
25/02/2025
"Waxbarashadu ma leh dhammaad;
15/12/2024
Thesis Writing Services
🚀 provide guidance and support for students preparing their thesis, particularly those studying Social Work.
Technical Assistance:
🎯What you’ll learn:
✅Topic Selection
✅Proposal Writing
✅How to use ChatGPT for thesis writing
✅Utilizing Google Scholar
✅ResearchRabbit
✅SPSS
Thesis Writing Support:
🎯 Get to more about:
✅Comprehensive and consistent thesis writing support
✅Assistance in preparing your defense presentation
✅Weekly support sessions
✅Online Zoom training
✅Guidance on adhering to your university's formatting requirements
Thesis Writing:
🎯Get more about:
✅We will prepare a complete thesis for you
✅Train you to understand your thesis for successful defense
✅Help you prepare your defense presentation
✅ Provide daily support as needed
✅Assist you in meeting your university's formatting guidelines
📲 Reserve your seat now!
👉 WhatsApp us at 0618261668
Join the group: https://chat.whatsapp.com/JT4Q9Jk61JE30wylekePOP
17/06/2024
Aalado ku shaqeeya caqliga macmalka ah AI aad u isticmaali kartid cilmi-baarista.
Cilmi-baarista marka laqorayo shaki malaha in ay kaaga baahan tahay wakhti iyo baaris badan. laakin ma og tahay inay jiraan aalado ku shaqeeya Ai oo aad si fudud oo waxtar badan ugu samayn kartid daraasadaada.
4 Aaladood oo ku shaqeeya caqliga macmalka ah, aadna u isticmaali karto cilmi-baarista si lacag la'aan ah;
[1] ResearchRappit
waa Ai cajiib ah oo aad si deg deg ah aad ugu samayn kartid literature review-ga, waxa uu kuu abuuraya shabakad ku siinaysa darasadihii ugu dambeyey ee laxiriira mawduucaaga, waxad arki kartaa warqadaha sida aad ka ah loo xigtay oo ay u badan tahay inaad akhrido, waxa kale cajiib ah in warqad kasta oo aad akhriday khaanad ku gelinayo, marka aad u baahato aad si sahlan ku heli kartid.
https://www.researchrabbit.ai
[2] Chat PDF
waxa uu u shaqeeyaa sida Chat GPT, waxa aad waydiin kartaa su'aalo, sidoo kale aad gelinaysaa buugga ama Warqadda ka dibna su'aalo ayaad ka waydiinaysaa. Tusaale ahaan nooca cilmi-baarista ee la adeegsaday, waxa uu aad u anfacaya dadka bilawga ku ah cilmi-baarista, iyo marka luuqadda la isticmaalayo ay adag tahay.
https://www.chatpdf.com/
[3] Trinka
waxa uu kuu saxayaa (Grammar/Spelling) ka, qaab dhismeed ka jumladda, sidoo kale waxa uu leeyahay plagiarism check, citation check, journal finder. waxa uu aqoonsan karaa dhamman khaladaadka ku jira qoraalkaga.
https://cloud.trinka.ai/
[4] Consensus
sida google ayaad xogta uga raadinaysaa waa (search engine), google marka aad wax ka raadinayso waxa uu ku tusidoonaa blogs iyo articles farabadan oo ay xitaa xasiimo la socdaan, mana hubtid in aad jawab saxan helidoontid, dhanka kale consensus waxa ay u badan tahay inaad ka hesho macluumad cadaymo iyo cimi-baaris dhab ah leh.
https://consensus.app/
Afkaar Ahmed
06/05/2024
Kulliyadda Culuumta Bulshada Ee -JUS-Waaxdeeda Cilmiga Adeega Bulshada waxa ay qabanaysaa Seminar cinwaan kiisu yahay (Exploring Global Opportunities in Social Work: An International Perspective) kaas oo loo qaban doona ardeyda Sanadkan ka qalin jabineysa Qeybta Cilmiga Adeega Bulshada (Sociology & Social Work).
Seminar kan oo ujeedkiisa yahay in ardeyda wax badan ka ogaadan fursadaha ku gadaaman cilmigan & sida ay uga faaideysan karaan mustaqbal kooda ayaa waxa soo jeedin doonta Hoda Samatar oo ah CIlmi Baare Darajada PhD ka diyaarineysa Jaamacada Toronto ee dalka Canada isla markaas ah (Registered Social Worker) kana shaqeynesay arrimaha adeega bulshada, caafimaad ka dhimirka & talo bixinta in ka badan 17-sano.
Aqoon kororsigan waxaa soo agaasimay isla markaas furi doona madaxa qaybta (Sociology & Social Work), Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Ustad Abdirahman M. Dahie.
Seminar ka wuxuu dhici doona Maalinta Talaado 7-da May 2024, Saacadda marka ay tahay 12:30PM Xilliga magaalada Muqadishu.
01/01/2023
Jan 1st 2023, Rural social work
Social Work Mentor
01/01/2023
Maaanta oo ah maalinta koowaad sanadka 2023, waxan kulan aragti wadaag ah yeelanay ardayda barata cilmiga adeegga bulshada( Social Work), ee jamacadda ummadda soomaliyed, sanadaha soo socoda waxa soo baxaya adeegayaal bulsho oo xirfad sare leh baahida adeeg ee dalkeena ka jirtana si fiican uga jawaabaya.
23/12/2022
KUFSI!
Waa nooc ka mid ah sadbursiga galmada kuna dhaca hab khasab ama xoog, Waxaa kale oo kufsi noqonaya galma kasta oo loo/lala galmoodo qof aan garaadkiisu ku filnayn da`ahaan ama maskax ahaan amaba qof qaab khiyaano ku jirto loogu galmooday sida in qof kale la isaga dhigo, In kastoo kufsigu ka dhexdhoco dhamman qaybaha kala duwan ee bulshada, hadana wuxuu ku tira badan yahay dadka lagatirada badan yahay iyo kuwa lahayb sooco, kufsiga waxa gaysan kara qof walba oo bulshada ka mid ah, garsoore, sarkaal dawladeed, sarkaal boolis ah ama wadaad, Xitaa dhakhaatiirta ayaa lagu yaqaanaa inay kufsadaan bukaanada xarumaha caafimadka jiifa.
Kufsiga oo ah dhibaato caalami ah, gaarayna heer dhibaatadiisu aadamaha wada gaadho, wuxuu halaagay nololo badan, qiyaas ahaana waa mid ku socda si xawli ah, maraykanka gudihiisa labadii daqiiqoba mar ayuu kufsi dhacaa, hindiya konton iyo afartii 54 daqiiqoba mar, halka bakistaan uu sadexdii 3 saacba mar dhoco.
Hadaba anoo qoraalkan kooban kaga hadlaya,dhibaatada bulsho ee kufsigu leeyahay waxaan is dultaagaya dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, asbaabaha keena kufsiga, cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo xalka suurta gal ah ee lagu yarayn karo falkan:
Waayadan waxa caado noqotay kufsiga hablaha somaliyeed kaa oo waayadi h**e kali kali ama si jimaaci ah u dhicijirey, gaar ahaana lagula kicijirey beelaha laga itaalka roon yahay, haatanse noqday tus bax gees laga furay oo maalinba dhawaaqyo dhegaheena dhibayaa soo gaarayaan
WAA MAXAY SABABAHA RAGGU KUFSIGA U SAMEEYAN
1- Sababo dhaqaale: bulshooyinka qaarkood qiimaha arooska(caruusada) ayaa laga yaabaa inuu aad u sarreeyo. Saboolnimada, heerka dhaqan-dhaqaale ee hooseeya, shaqo la`aanta, xirfado la`aanta, ayaa ragga ka dhigaysa inay niyad jabkooda ku muujiyaan kufsi, meelah fakhriga ah 70kii gabdhood mid ayaa lakulanta tacadiyada laxiriira galmada, halka meelaha hodanka 200 oo gadhoodba midi lakulmi kadho kufsi
2- Waxyaalaha xoojinaya in raggu kufsi gaysto waxaa ka mida daroogada iyo aalkolada
3- Ragga nafsad ahaan liita waxay ku qanacsan yihiin inaysan jirin haweeney si iskood ah ula seexan doonta iyaga, waxay ku ka caan galmo khasab ah.
4- Aargoosi: marka ragga la diido ama la iska indhotiro, waxay dareeman aflagaado ku filan oo ay u adeegsadaan kufsi qaab qarsoodi ah
5- Daawashada galmada iyo filimanta qaawan waxay ragga ku kiciyaan inay dumarka ula dhaqman sida badeeco oo kale iyagoo u dulaynaya raaxadooda
6- haweenka oo jirkooda muujiya, tani waxay soo dedejisaa damaca ragga
SAAMAYNTA KA DHALATA KUFSIGA
dhibaatooyinka ay la kulmaan kuwa loo gaystay tacadiga kufsiga:
1. dhiig bax xubinta taran ka ah(Vaginal or a**l bleeding)
2. ciladda jaahwareeka rabitaanka galmada
3. caabuqa xubinta taranka haweenka(vaginal inflammation)
4. Galmo xanuun badan(Dyspareunia)
5. Xanuun miskaha oo raaga(chronic pelvic pain)
6. Caabuqyada kaadi mareenka ku dhaca
7. Uur
8. HIV/AIDS
XALKA SUURTA GALKA AH EE DHIBAATADA KUFSIGA
Baahida weyn ee maanta jirta ayaa ah in la xakameeyo danbigan gacan ka hadalka ah.
Talaabada ugu muhiimsan ee looqaadayo jihadani waa xoojinta sharciyada ka hadlaya xadgudubka galmada
1. Ciqaab dil ah waa in lagurido eedaysanaha kufsiga
2. Maxkamado si dhakhso leh u shaqeeya waa in la sameeyaa si caddaalad uu u helo dhibanuhu sida ugu dhakhsaha badan
3. Waa in lahelo xarumo ugaar ah tacadiyada laxiriira jinsiga oo dhibanuhu laxiriiri karo isagoo wacaya lambar bilaash ah ama muuqaal ahaan booqanaya xarumaha deegaanka, xaruntan oo kale waa inay door muhiim ah ay ka ciyaarto taageerida dhibanayaasha kufsiga si ay ula jaan qaadaan dhibaatada nafsaaniga ah iyo inay sidoo kale ku hagto inay helaan daaweyn sharci ah
4. Tacliinta dadweynaha iyadoo kor loo qaadayo wacyiga kufsiga ee bulshada iyadoo loo marayo barnaamijyo waxbarasho iyo wacyigalin ah
Siyaasiyiinta, booliska, garsoorka iyo bulshada guud waa in laga wacyigaliyaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka.
5. Waxbarashada gabdhaha: Taageerada waalidka ee xoogan waxay siin doontaa gabdhaha dareen amni iyo lahaansho. Waxay yeelan doonaan kalsooni ay ku muujiyaan cabsidooda iyo walaacyadooda
Waalidiintu waa inay ku dhiirrigaliyaan carurtooda inay u soo sheegaan dhacdooyinka sida u dhawaanshaha jirka, taabashada aan haboonayn
6. Haweenka sidoo kale waa in lagu baraarujiyaa sharciyada ka dhanka ah kufsiga iyo faraxumaynta
7. Macalimiint/ garsoorayaasha ragga ah ayaa aad ugu fudud kufsiga, cadaalad darrada noocaas ah waxay fadeexo iyo sumcad xumo ku tahay hanaanka tacliinta iyo cadaalada
8. Xarumaha dhibaatooyinka kufsiga waa inay siiyaan la-talin iyo taageero dhibbanayaasha kufsiga
GUNAADAD
Haweenku wa gabdheheena, walaalo, xaasas, iyo hooyooyinka cajiibka ah. Waa in la jeclaado, la daryeelo, la ixtiraamo oo la ilaaliyo, waxaa lagu talinayaa in dawladdu ay siiso haweenka, ee la kulma dhibaatooyinka kufsiga adeegyo badan oo ay ku jiraan la-talin iyo ilaha kalee ay ugu baahan yihiindib-u-soo-kabasho buuxda iyo is-dhexgalka bulshada, taageerada sharciga ah oo ay ku jiraan bixinta magdhow iyo in la hubiyo in kuwii ka dambeeyay falkaasi sharciga la horkeenay.
Intaas waxaa sii dheer, ragga waa in laga soo bilaabo caruurnimada wax laga baro fikradda raganimo iyo kaalintooda taageero, difaaca qoyskasta iyo hab ku salaysan lagu ciribtirayo dhamman noocyada tacadiyada ku salaysan jinsiga ee lagula kaco haweenka.
Social Work Mentor