16/08/2022
İmisa xadiis ayuu ka weriyay Cumar bin khadaab ( R ) Rasuulkeena Muxammad ( Scw )?
Jawaabta : 537 xadiis ayuu ka weriyey.
Suaal 2 aad
Yuu ahaa Saxaabigii qaaday dhambaalkii rasuulka ( Scw )una diray boqorkii xabashida ee najaashi?
Jawaabta: Wuxuu ahaa saxaabigii Camar ibnu umaya adamri ( R )
Suaasha 3 aad
Waxaad sheegtaa xayawaanka istaaga ku hurda.
Jawaabta : Waa faraska.
Suaasha 4 aad
Waxaad sheegtaa xayawaanka aan maskaxda lahayn
Jawaabta : Waa Goronyada.
Suaasha 5 aad
Ridu laba ayey Raga la wadaagtaa sheeg labadaasi?
Jawaabta : Waa Gadhka * Garka ) iyo Hareedka ( timaha dhabanada ka soo baxa )
Suaasha 6 aad
Sheeg wax wixii loogu talagalay uu suubinayn ilaa aad indhaha faraha ka geliso?
Jawaab : Maqaska.
Sheeg wax aan insi , jinni , cir iyo dhul aaan ahayn ee Alle weyne subxaanahuu watacaalaa u waxyooday?
Jawaabta: Waa Shinnida.
وَأَوْحَى رَبُّكَ إِلَى النَّحْلِ أَنِّ اتَّخِذِي مِنَ الجِبَالِ بُيُوتًا وَمِنَ الشَّجَرِ وَمِمَا يَعْرُشُون.
Suaasha xigta
Yaa waaye qofka ugu horeyey ee sooma?
Jawaabta : Waa Nebi Aadam ( Cs )
Suaasha xigta
Sheeg wax lagaa qaadayo intaan lagu siin kahor?
Jawaabta : Waa Sawirka
Suaasha xigta
Sheeg wax sii weynaanayo markaad wax ka qaado?
Jawaabta : Waa Godka ( Hodka ).
Suaasha xigta
Wax afar farood iyo suul leh hadana aan noolayn?
Jawaabta : Gacmo gashiga ( Galoofiska ).
Suaasha xigta
Sheeg kelimad digshineriga ku jirto oo khalad ah.
Jawaabta : Waa ereyga " Khalad "
Suaasha xigta
Sheeg bisha Ramadaan nambarkeeda taariikhda hijriyada?
Jawaabta : Waa 9 yacni waa bisha 9 aad.
Suaasha xigta
Sheeg wax shaley joogin maantana dhashay berina dhimanayo.
Jawaabta : Waa Maanta.
Sheeg wax miraayad ka dhex bixi karo isaga oo aan jabin?
Jawaabta : Waa İftiinka.
Suaasha xigta
Sheeg walax wejigooda 7 duleel ku taalo?
Jawaab : Waa Dadka iyo Xoolaha
Suaasha xigta
Sheeg wax shaqada kaa soo wadaayo ilaa gurigaada, gutigaada ilaa shaq