15/01/2025
Exam Preparation Initiative
Mashruuca diyaarinta imtixaanka final ee seddexda bilood ee soo socota ayaa lagu dajin doonaa qorshe dhamaystiran oo ujeedadiisu tahay in ardayda lagu siiyo fursad ay si hufan ugu diyaar garoobaan imtixaannada dhammaadka sanadka.
Mashruucan oo lagu fulin doono barnaamijka "Daalib Exam Preparation Initiative" ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa xooga saaraya sidii loo hagaajin lahaa waxbarashada ardayda, loona kordhin lahaa fahamka iyo kalsoonidooda marka ay galayaan imtixaanka.
Ujeedada Mashruuca:
โ
In la kobciyo fahamka ardayda ee maadooyinka muhiimka ah.
โ
In la barto ardayda farsamooyinka maareynta waqtiga inta lagu jiro imtixaanka.
โ
In la yareeyo walbahaarka iyo culayska ardayda ka soo wajahan imtixaanka.
โ
In la bixiyo qiimayn joogto ah oo lagu ogaanayo horumarka ardayga.
Daalib Home Tuition