07/09/2026
๐ซ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐๐ก๐ง๐ & ๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐๐
AL-NAJAH PRIMARY & SECONDARY SCHOOL (2) ayaa si habsami leh u soo agaasintay Xafladda Abaalmarinta iyo Dhiirrigelinta Ardayda, taasoo qabsoontay Talaado, 01-09-2026, kuna beegnayd 19-03-1448H.
Xafladda waxaa hadal qiimo leh ka jeediyay Maamul-ku-xigeenka Dugsiga, Ustaad Khaliif Maxamed Cali, kaasoo ardayda u jeediyay hadal isugu jiray dhiirrigelin, wacyigelin iyo dardaaran, isagoo ku boorriyey inay sii laba-laabaan dadaalkooda, una shaqeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen horumar iyo guulo waxbarasho oo wanaagsan.
๐๏ธ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐๐ก๐ง๐ ๐๐จ๐จ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ง๐๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐
Xafladda waxaa lagu maamuusay guuleystayaasha tartamada aqooneed ee loo qabtay Subaxley iyo Galabey, iyadoo sidoo kale abaalmarinno la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha h**e ka gashay heerarka kala duwan ee Dugsiga (Sare, Dhexe iyo Hoose), Guddiga Tartan Aqooneedka, ardayda ku suntan akhlaaqda wanaagsan, iyo ardayda leh hibooyin iyo kartiyo gaar ah.
โข ๐ฅ Kaalinta 1-aad ee Tartanka Subaxley: Fasalka 9-aad, oo lagu abaalmariyey $100.
โข ๐ฅ Kaalinta 2-aad: Fasalka 10-aad, oo lagu guddoonsiiyey $50.
โข ๐ Guuleystayaasha Tartanka Galabey: Waxaa lagu guddoonsiiyey $35.
โข ๐ Ardayda kaalinta 1-aad ka gashay heerarka Dugsiga (Sare, Dhexe & Hoose): Waxaa lagu abaalmariyey Shahaado Sharaf iyo hadiyado qiimo leh.
โข Ardayda leh hibada soo-jeedinta iyo bandhigga: Waxaa lagu abaalmariyey Shahaado Sharaf iyo hadiyado qiimo leh.
๐๐จ๐ก๐๐๐ก๐๐ & ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก
Xafladdu waxay ahayd munaasabad dhiirrigelin iyo farxad leh, taasoo ardayda ku abuurtay dhiirrigelin ay ku sii xoojiyaan dadaalkooda waxbarasho. Guuleystayaashuna waxay noqdeen tusaale iyo hormuud ku dayasho mudan.
Maamulka Dugsigu wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa:
โข Dhammaan macallimiinta iyo waalidiinta, dadaalka iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin ardayda.
โข Guddiga Tartan Aqooneedka, kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen qabanqaabada, maamulidda iyo hirgelinta tartamada.
Ugu dambayn, Dugsiga waxaa mar walba ka goโan dhiirrigelinta ardayda, kobcinta aqoontooda, horumarinta kartidooda iyo tarbiyaddooda, si loo dhiso jiil aqoon leh, akhlaaq wanaagsan, karti iyo mustaqbal ifaya leh.