Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qaraale

Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qaraale

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qaraale, Education Website, Dayniille, Mogadishu.

01/05/2026

Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qaraale waxa uu hambalyo u diraysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka meel kasta oo ay joogaan.

Maalintan waxay xusuusin u tahay qiimaha iyo kaalinta weyn ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka bulshada, gaar ahaan dhismaha mustaqbalka jiilka cusub ee waxbaranaya.

Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

20/04/2026

Ku: Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Badbaadinta Goobaha Waxbarashada Mas'uuliyad Oofineed.

Salaan ka dib..

Xarumaha Waxbarashadu waxa ay mudan yihiin xurmo gaar ah, barakicinta ka socotay Gobolka Banaadir oo ay hormuud u yihiin gafanayaal magac ganacsato sidata oo aan la garanayn meel ay ku daaban yihiin ayaan dhaafin wax kasta oo qoyan ama qallalan, waxay cagta mariyeen goobo waxbarasho oo dhulkoodu sharci yahay milkiilayaashuna caddaymo u haystaan.

Xilligaan oo sanad dugsiyeedku gebogebo yahay waxmagaratadaasu waxay ku khasbeen maamul, macallimiin, waalidiin iyo arday farabadan in ay ka welwelaan goob ay waxbarashada ku sii wataan arday badan oo Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqaynaa hay'adaha kor ku xusan ee tacliinta dalka iyo midda gobolkaba mas'uulka ka ah in ay badbaadiyaan xarumaha waxbarashada si aysan saamayn xun ugu yeelan mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.

19/04/2026

Fariin wacyigelin oo ka timid agaasinka waxbarashada

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Dayniille
Mogadishu