23/11/2022
from Jane Goodall ✨
We need real actions if we want a chance to save our planet! Read Goodall’s interview in our issue and learn more about the importance of protec0ting our : http://on.unesco.org/3ucbfIO
23/01/2019
U-tartama Aqoonta (Gabay Qoraal Ah) | RUUG-CADDAA
— Tada’ gabay murtida waw u xushaa toosin iyo luuqe — Ma na turuntureeyee xikmaan taaba-galiyaaye — Taariikh wixii gala asaan laga tirayn jeerna — Tagtadiyo timaaddada wakhtigu taxane weeyaane.
02/02/2018
School may have been – or may currently be – boring, a killer of creativity or downright awful for you. But education is still important because it opens the mind and expands it. And if your years in school were bad or boring you can still educate yourself now. So in this post I’d like to share 54 timeless, thought-provoking and inspiring quotes on education.
“It is impossible for a man to learn what he thinks he already knows.” Epictetus
“Have you ever been at sea in a dense fog, when it seemed as if a tangible white darkness shut you in and the great ship, tense and anxious, groped her way toward the sh**e with plummet and sounding-line, and you waited with beating heart for something to happen? I was like that ship before my education began, only I was without compass or sounding line, and no way of knowing how near the harbor was. “Light! Give me light!” was the wordless cry of my soul, and the light of love shone on me in that very hour.”
Helen Keller
“If the only tool you have is a hammer, you tend to see every problem as a nail.”
Abraham Maslow
“You can teach a student a lesson for a day; but if you can teach him to learn by creating curiosity, he will continue the learning process as long as he lives.”
06/07/2016
Ciid wanaagsa dhammaan asxaabta, ciidaan ciideed nabad, caafimaad iyo horumar wacan Alle haynagu gaarsiiyo
20/06/2016
Lix wax yaabood oo aad maskaxdaada ku dejin karto xilliyada culeyska iyo cadaadis uu ku saran yahay
1. Jimicsiga – Jimicsigu wuxu qofka ka caawiyaa jirka, maskaxda iyo niyadda ama mooralka intaba. Tusaale fariisto meel firaaqo ah, xir indhaaga, deji maskaxdaada kana fikir hal arin cadaadis la’aan 10-30 daqiiqo.
2. Biyo badan cab – Cabitaan badan isticmaal si jirkaagu u helo dareere ku filan maxa yeeley jirka oo fuuq baxsani waxay qallajineysaa maskaxda.
3. Dhegeyso quraanka iyo wacdiga – Dhegeysiga quraanka iyo waanooyinka suubani waxey furayaan nudaha maskaxda iyagoo ka saaraya cadaadiska badan.
4. Fariisi oo u nasi maskaxdaada – ku dadaal jimicsiga fudud iyo howlo aan u baahneyn fikir si cadaadiska maskaxdu u yaraado. Waxa tusaale wanaagsan kuu noqonkara dabaasha, adeegga guriga, socodka tamashlaha ah iwm.
5. Hagaaji cunistaada – iska jooji cabitaanada aash*tada ama daroogada leh sida: kafeega, kookada iwm. Sidoo kale ka fogow cuntooyinka macmalka ah ee ka soo baxay wershedaha. Waxa h**ey loo dhahay waxaad tahay wixi aad cunto sidaas darted si jirkaaga iyo maskaxdaadu u caafimaadaan ka fikir cuntadaada.
6. Ilaali naftaada – Samee waxyaalaha wanaagsan ee yareyn kara cadaadiska maskaxdaada. Mar walba oo aad howl qabaneyso qaado bareeg si maskaxdaadu u nafisto. U nasasho tag meelaha ay maskaxdu ku dageyso.
Qore: Cali Marti
10/06/2016
Fadlan ila wadaag haddii aad waqti u heli karto
10/06/2016
7 qodob aad ku furi karto fahamka maskaxdaada
Furitaanka fahamka maskaxdaadu waa awood aan xadidneyn oo aad yeelaneyso. Marka h**e waa in aad la socotaa wax yaabaha ay maskax , jir iyo nafsi ahaanba aad u nugushahay. Ilaahey wuxu ina siiyey awood maskaxeed oo aan ku hormarinkarno nolosheena si wanaagsan. Waxyaabaha dhibaateeya fahamka iyo guud ahaanba qofka waxa ka mid ah: xanaaqa, murugada, rabshadaha, neceybka, go’aanka deg degga ah, kibirka ama isla weynaanta iyo fudeydka.
Haddaba si aan kaaga caawiyo furitaanka fahamka maskaxdaada baro toddobadan qodob ee soo socda:
1. Mar walba ogow shaqsiyadaadu waxa ay tahay: Tani waa midda ay dadka kale kaa dheehan karaan marka waa in aad xukumi karto naftaada lana socotaa hadba marxaladda aad ku sugan tahay, waana in aadan iskala weynaan tallaab kasta oo aad ku hagaajin karto qofnimadaada.
2. Ka fogow go’aan gaaris deg deg ah: Maskaxda bini aadamka waxa ka buuxa aragtiyo fara badan, sidoo kale saaxiibada, waalidka, macallimiinta, iyo cidkasta oo kugu dhow waxay kugu biirin karaan aragtiyo kale sidaas darted waa in aad mar walba isbarbardhig ku sameysaa argtiyada inta aadan go’aan gaarin. Ogowna dhammaan waxa la’aaminsanyahay waa qaldami karaan.
3. Ku dadaal aamusnaanta: Tani waxay kuula muuqan kartaa mid aan sax ahayn laakiin nolosha casriga ahi waxey wajaheysaa caqabado badan marka haddii ruuxu aad u hadal badan yahay waxa uu luminayaa fursado badan oo uu wax ku fahmi kari lahaa marka taas belelkeedaa dhegeysiga badi si aad u hesho xog dheeraad ah oo kaa caawin kareysa fahamka hadba mowduuca lagu guda jiro. Fadlan haku kadsoomin eray ama oraah wax ka dhihid mudan oo aadan sii sugi Karin ee waa in aad adeegsataa qoraal kooban (Note) si aad marka dambe u dabaqdo.
4. Dhankasta wax ka eeg: waxa jira farsamooyin badan oo la raaco marka la rabo in arin laga gun gaaro inkastoo natiijadu isku meel imaaneyso. Abuur xaalad deggan adigoo diiradda saaraya maskax ahaan halka ay maslaxaddu tahay laakiin ha iloobin inaad dhankasta la socoto waxa ka iman kara weliba si deggan oo aamusnaan badani ku jirto uga fikir.
5. Alle ku xirnow kuna kalsoonow xukunkiisa: waxa aad muhiim u ah inaad markasta Alle tala saarato inta aadan tallaab qaadin kana barido inuu ku waafajiyo halka kheyr kuugu jiro adiga oo aan ka gaabineyn inaad xal suurta gal ah u raadiso caqabaadka aad la kulmi karto.
6. Isku kalsoonow: mar walba xasuusnow inaad ruux bani aadam ah tahay oo aad sax iyo qaladba la iman karto laakiin isticmaal waayo aragnimada aad kala soo kulantay waxqabadyadaadii h**e midkii ku dhamaaday guul iyo midkii fashilmay intaba. Si aad ah u xasuusnow cashiradii guusha iyo guuldarada miskastan macnihiisa gaarka ah falanqeey oo faham gaar ah u yeelo.
7. Marna ha rejo dhigin : Sida caadiga ah nolosha waxa ka buuxa caqabaad fara badan, waxaana la arkaa in qofku la kulmo rejo xumo marka uu faraha la galo arin uusan maareyn Karin laakiin xasuusnow waxkasta waxa ay leeyihiin wado loo maro marka wadadii aad uga gudbi lahayd caqabada ayaa kaa maqan ee dhibaato kale ma jirto, sidaas darted haka rejo dhigin inaad raadiso siyaabo kale oo aad dhibaatadaas uga gudbi karto.
03/06/2016
Ka faaiideyso fariimaha suuban