10/06/2016
7 qodob aad ku furi karto fahamka maskaxdaada
Furitaanka fahamka maskaxdaadu waa awood aan xadidneyn oo aad yeelaneyso. Marka h**e waa in aad la socotaa wax yaabaha ay maskax , jir iyo nafsi ahaanba aad u nugushahay. Ilaahey wuxu ina siiyey awood maskaxeed oo aan ku hormarinkarno nolosheena si wanaagsan. Waxyaabaha dhibaateeya fahamka iyo guud ahaanba qofka waxa ka mid ah: xanaaqa, murugada, rabshadaha, neceybka, go’aanka deg degga ah, kibirka ama isla weynaanta iyo fudeydka.
Haddaba si aan kaaga caawiyo furitaanka fahamka maskaxdaada baro toddobadan qodob ee soo socda:
1. Mar walba ogow shaqsiyadaadu waxa ay tahay: Tani waa midda ay dadka kale kaa dheehan karaan marka waa in aad xukumi karto naftaada lana socotaa hadba marxaladda aad ku sugan tahay, waana in aadan iskala weynaan tallaab kasta oo aad ku hagaajin karto qofnimadaada.
2. Ka fogow go’aan gaaris deg deg ah: Maskaxda bini aadamka waxa ka buuxa aragtiyo fara badan, sidoo kale saaxiibada, waalidka, macallimiinta, iyo cidkasta oo kugu dhow waxay kugu biirin karaan aragtiyo kale sidaas darted waa in aad mar walba isbarbardhig ku sameysaa argtiyada inta aadan go’aan gaarin. Ogowna dhammaan waxa la’aaminsanyahay waa qaldami karaan.
3. Ku dadaal aamusnaanta: Tani waxay kuula muuqan kartaa mid aan sax ahayn laakiin nolosha casriga ahi waxey wajaheysaa caqabado badan marka haddii ruuxu aad u hadal badan yahay waxa uu luminayaa fursado badan oo uu wax ku fahmi kari lahaa marka taas belelkeedaa dhegeysiga badi si aad u hesho xog dheeraad ah oo kaa caawin kareysa fahamka hadba mowduuca lagu guda jiro. Fadlan haku kadsoomin eray ama oraah wax ka dhihid mudan oo aadan sii sugi Karin ee waa in aad adeegsataa qoraal kooban (Note) si aad marka dambe u dabaqdo.
4. Dhankasta wax ka eeg: waxa jira farsamooyin badan oo la raaco marka la rabo in arin laga gun gaaro inkastoo natiijadu isku meel imaaneyso. Abuur xaalad deggan adigoo diiradda saaraya maskax ahaan halka ay maslaxaddu tahay laakiin ha iloobin inaad dhankasta la socoto waxa ka iman kara weliba si deggan oo aamusnaan badani ku jirto uga fikir.
5. Alle ku xirnow kuna kalsoonow xukunkiisa: waxa aad muhiim u ah inaad markasta Alle tala saarato inta aadan tallaab qaadin kana barido inuu ku waafajiyo halka kheyr kuugu jiro adiga oo aan ka gaabineyn inaad xal suurta gal ah u raadiso caqabaadka aad la kulmi karto.
6. Isku kalsoonow: mar walba xasuusnow inaad ruux bani aadam ah tahay oo aad sax iyo qaladba la iman karto laakiin isticmaal waayo aragnimada aad kala soo kulantay waxqabadyadaadii h**e midkii ku dhamaaday guul iyo midkii fashilmay intaba. Si aad ah u xasuusnow cashiradii guusha iyo guuldarada miskastan macnihiisa gaarka ah falanqeey oo faham gaar ah u yeelo.
7. Marna ha rejo dhigin : Sida caadiga ah nolosha waxa ka buuxa caqabaad fara badan, waxaana la arkaa in qofku la kulmo rejo xumo marka uu faraha la galo arin uusan maareyn Karin laakiin xasuusnow waxkasta waxa ay leeyihiin wado loo maro marka wadadii aad uga gudbi lahayd caqabada ayaa kaa maqan ee dhibaato kale ma jirto, sidaas darted haka rejo dhigin inaad raadiso siyaabo kale oo aad dhibaatadaas uga gudbi karto.