AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools

AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools

Share

" Mustaqbalkaaga Waa Annaga Masuuliyaddeena "

19/08/2026

Hambalyo Iyo Boggaadin
Maamulka Mu'assasada , Macallinmiinta , Shaqaalaha Dhammaan Bahda Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools Waxey Hambalyo Iyo Duco U Dirayaan Gudoomiye Ku Xigeenka Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Cusub Ee La Doortay Mudane Hussein Mohamud Magan

Hambalyo Xilka Culus Ee Laguu Igmaday Alle Hakula Garabgalo

19/08/2026

Dulmarka Warbixinta Guud Doorashada Hoggaanka Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Ee La Qabtay Iyo Sida Caddaaladda Leh Ay U Dhacday Jihayo Cusub Iyo Dareen Cusub Ayaan Soo Dhaweyneynaa Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools

18/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Maamulka Mu'assasada , Macallinmiinta , Waalidiinta AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools Waxey Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Guddoomiyaha Cusub Ee Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan
Masuuliyadda Xilka Culus Ee Loo Igmaday.

Waxaan Kuu Rajayneynaa Guul, Horumar Iyo Hoggaan Wanaagsan.
Alle Ha Kuu Fududeeyo Masuuliyadda Laguu dhiibay, hana kaa dhigo guddoomiye ku Suntan Cadaallad, Daacadnimo, Wadajir Iyo Horumar.

Waxaan Kalsooni Ku Qabnaa Inaad Xilkaaga Si Hufan Oo Masuuliyad Leh U Gudan doonto.

Hambalyo Guddoomiye, Xilka Culusna Alle Ha Ku u Barakeeyo .

Photos from AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools's post 18/08/2026

Muqdishu , Talaado , 18 | August | 2026
Waxaan Maanta Qeyb Ka Aheyn Doorashada Hoggaanka Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir oo Afartii (4) Sano Mar La Qabto Ayadoo Sanadkaan Aay Ka Duwantahay Sanadihii H**e Waxaa Musharaxiinta Kala Ahaayeen Cabdulqaadir Maxamed Xasan Iyo Axmed Xaashi Faarax Waxaana Dooranaayeen Dugsiyada Ka Tirsan Midowga .

Sidoo Kle Waxaa Cod Aqliyabad Lagu Doortay Gudoomiye Ku Xigeenka Mudane Hussein Mohamud Magan

Waxaana Ku Soo Baxay Oo Dib Loo Doortay Gudoomiye

AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools
Degmada Garas-baaley

15/08/2026

WAR FARXADLEH IYO NATIIJADA MAANTA

Dhammaan Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model Ee U Fariisatay Imtixaanka Fasalka 12aad
Ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Ayaa Dhammaantood Ku Wada Baasay Imtixaanka

Mahadnaq Waxaa Ku Mahadsan Alle Oo Innagu Guuleysiiyey Shaqaddii Adkeyd Ee Isla Xisaabtanka Ku Dhisneyd Intaa Kadib Waxaa Abaalkaas Leh Macallinmiinta , Waalidiinta Iyo Cidkasta Oo Suuragalisay Guushaan

Kala Xiriir Wixii Dheeri Ah
Mohamed Abdukadir Mohamed
Xafiiska Maamulka Dugsiga AL-Furaat Model
877769 | 615872385 | 61 9536665

12/08/2026

Wargalin Muhiim Ah
Dhamaan Waalidiinta , Ardayda Dugsiga Waxaa Lagu Wargalinayaa In La Joojiyey Qaadashada Uniform-ka Hoose Lana Oggolyahay Qaadashada Uniform-ka Saxda Ah Ee Gabdhaha Dugsiga Sare .

Kala Xiriir Xafiiska Maamulka Wixii Dheeri Ah
Mohamed Abdukadir Mohamed
877769 | 615872385 | 61 9536665

Photos from AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools's post 11/08/2026

Tabbabar la xiriira maamulka waxbarashada oo qabtay 40 maamule oo ka mid ah maamulayaasha dugsiyada Gobolka Banaadir.

Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools Waxaa Uga Qeybgalay Maamule Hussein Yusuf Mohamed Ibrahim

Tababar ay iska kaashadeen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Xarunta Horumarinta Waxbarashada Rasmi Rasmi center - Somalia ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, tababarka ayey ka faa'iideysteen 40 maamule oo ka mid ah maamulayaasha dugsiyada Gobolka Banaadir.

Maamulayaasha ayaa tababarka ku bartay mowduucyo la xiriir istaraatiijiyada maamulka dugsiyada, waxbaridda ardayda iyo hirgelinta xiriir adag oo uu dugsigu la yeesho waalidiinta ardayda.

Xubnaha ka faa'iideystay tababarka ayaa sheegay in tababarku dheef badan ku kordhin doono hannaan socodkii waxbarashada dugsiyada ay maamulaan.

Midowga Dugsiyada Goboka Banaadir ayaa si joogto ah isku tashina ah tababarro ugu qabta maamulayaasha iyo barayaasha dugsiyada xubnaha ka ah Midowga, sidoo kale ayuu Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ardayda ugu qabtaa barnaamijyo la xiriira wacyigelin iyo jiheyn.

Mahadi ha ka gaartee waxaa tababarka bixinayey kaadiriin waxbarasho oo kala ah: Dr.Shaafici C/Casiis Xaaji Dhafe iyo Ustaad Nasrudiin Axmed Cali.

Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin caddeynaya tababarka iyo mowduucyada ay ku qaateen.

10/08/2026

Waxaan Hambalyo Iyo Salaan Diiran U Direynaa Dugsiyada Degmada Garas-baaley Oo Heerka Waxbarasho Ee Degmada Kor U Qaaday Imtixaankii Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Ayadoo Kaalinta 2aad Soo Gashay Degmada

Hambalyo Hambalyo

AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools

10/08/2026

Mahadsanidiin Maamulka Degmada Garasbaaley

Maamulka Degmada Garasbaaley oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada Garasbaaley Waxay Hambalyo Iyo Salaan Diiran U Diraayaan Dugsiyada Degmada Garas-baaley Oo Heerka Waxbarasho Ee Degmada Kor U Qaaday Imtixaankii Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadirna ka galay Kaalinta 2aad

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

09/08/2026

Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Dhamaan Ardayda Fasalka 8aad Ee Ka Gudbay Imtixaanka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Gaar Ahaan Ardayda Dugsiga AL-Furaat Model Primary & Secondary Schools oo Dhammaantood Ka Gudbay Imtixaanka .

Alle Ayaa Ku Mahadsan Intaa Kadib Maamulka , Macallinmiinta , Waalidiinta Sido kle Deddaaladii La Bixiyey Waa Miradhalkooda .

By Admin

Kala Xiriir Wixii Faahfaahin dheeri ah
Xafiiska Waxbarashada Dugsiga
Agaasime : Abdulaahi Hassan
877769 | 616956995 | 61 9536665

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Deg Garasbaaley , Isgoyska Tabeelaha Sh Ibrahim , Warshadda Biyaha ZamZam
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00