31/07/2025
Chung Ju-yung, aasaasaha shirkadda Hyundai, waxa uu yaraantiisii ka xaday beerta aabbihiis hal sac, si uu u iibsado tigidh tareen oo uu ugu safro magaalada Seoul. Tigidhkaa ayuu ku jabiyay silsiladdii fakhriga, wuxuuna naftiisa u ballan qaaday: maalin ayaan halkaa kaaga celin doonaa — kun jeer ka badan.
Qarni nuskiis ka badan kadib, sanadkii 1998, isaga oo 84 jir ah, wuxuu si dhab ah u oofiyay ballanqaadkiisii – isagoo magaalada uu ka tagay dib ugu celiyay 1,001 neef oo lo’ ah. Ma ahayn kaliya magdhaw, ee waxay ahayd astaan ah in guusha dhabta ahi ay ka timaaddo karti, rabitaan, iyo xusuus.
Maanta Hyundai waa calaamad caalami ah, laakiin asalkeedu wuxuu ahaa hal sac, niyad adag, iyo ruux aan hanan weyni ka hor istaagin.
Waxaa qoray Abdikariim Digaale