Dugsiga Hoose dhexe ee Degmada CeelWaaq

Dugsiga Hoose dhexe ee Degmada CeelWaaq

Share

Bogga rasmiga ah ee Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmada CeelWaaq-Somalia. Arday badan ayaa ku guuleysata inay helaan Jaamacad iyo guulo, guddiyada Waxbarasho.

Sanadkii 1975, Dugsiga Hoose ee CeelWaaq Somalia ee gobolka Gedo aya lagu loo aasaasay waxbarasho Bilaash ah oo waxbarashada aasaasiga ah si kor loogu qaado heerka sare ee tacliimeed ee Degmada CeelWaaq Soomaaliya. Waxay sare u qaadeen dhibcaha waxbarashadda illaa heer hoose oo buuxa. Doonisteeda ah in kor loogu qaado tayada tacliinta sare ee Gobolka iyo Soomaaliya, Dugsiga Hoose ee CeelWaaq wuxuu

19/03/2026

𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐒𝐀𝐍

Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, aniga oo Alle ka baryaya in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.

Munaasabaddan farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna la tabaaleysan abaaraha, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu istaagno farxad-gelinta ubadka ay inooga tageen halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee u shahiiday difaaca dalka.

Ugu danbayntii, Eebbe waxaan ka baryayaa in uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah. Ciid wanaagsan.

17/02/2026

𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐛𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧.

Bishan oo ku soo adday xilli adag oo dadka Soomaaliyeed ay la daalaa-dhacayaan duruufo iyo abaaro saameeyey dad iyo duunyo, waxaan dadka Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay badiyaan ducada si loo helo nabad iyo barwaaqo.

Bisha Ramadaan waa bisha cibaadada, is-cafinta iyo is-kaalmeynta, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in aan u istaagno taakuleynta dadkeenna danyarta ah, kana dulqaadno culayska nololeed ee bishan.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, hana nasiiyo khayrka bishan.

𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐤

02/01/2026

DHEH AMIIN AMIIN ❤️❤️❤️

Mohamed Abdullahi Farmaajo , الشيخ : عبد الرحمن السديس , Abdi Farah Shirdon , Gaylan Media , الشيخ أبو إسحاق الحويني , Abdishakur Issack Adan , Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , Global Partnership for Education , Abdishakur Issack Adan , الشيخ محمد حسان

__________________________________

, , , , , , , , , , ,

01/01/2026

Amiin yaa rabb ❤️

Abdi Farah Shirdon , Gaylan Media , الشيخ : عبد الرحمن السديس , Mohamed Abdullahi Farmaajo , الشيخ أبو إسحاق الحويني . Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , Global Partnership for Education .

_____________________________

, , , , , , ,

18/12/2025

Nabiga ﷺ Wuu Ogyahay Salaantaada ❤️

Global Partnership for Education , Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , الشيخ : عبد الرحمن السديس

, ,

23/11/2025

Dugsiga Hoose dhexe ee Degmada CeelWaaq

Dhamman ardayda waxaaan ogeysiineysaa in berri oo Axad ah, 23-ka Nofeembar, oo dugsiga fasaxyahay, iyada oo lagu maamusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Dugsiga Hoose Dhexe ee degmada Ceelwaaq dhammaan waa rajeyneynaa macallimiinta iyo ardayda wanaag, sharaf iyo guul, maadaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka iyo dadka.

DHAMMAAD

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare



゚viralシfypシ゚viralシ

21/11/2025

21 November

Waa maalinta macalimiinta soomaamaaliyeed
Maalinta Macalimiinta waa maalin gaar ah oo loo asteeyay in lagu maamuuso, lagu xuso laguna qiimeeyo doorka muhiimka ah ee macalimiintu ku leeyihiin bulshada. Maalintani waxay ka tarjumaysaa mahadcelin, sharaf iyo bogaadin loo hayo dadka nolosha u huray barbaarinta jiilalka mustaqbalka.

Macalimiintu waa laf-dhabarta horumarka bulshada. Waxay ka shaqeeyaan dhisidda aqoonta, anshaxa iyo hannaanka fikirka ee ardayda, iyaga oo door muuqda ka qaata horumarinta dhaqan, aqoon, iyo bulsho mideysan oo mustaqbal leh. Waxbarashada ay bixiyaan waxay noqotaa saldhigga horumar kasta oo dal ku talaabsado.

Maalinta Macalimiinta waxaa loo adeegsadaa:

In lagu muujiyo qadarin iyo mahadnaq.

In la xuso hawlaha adag ee ay qabtaan maalin walba.

In la dhiirri-geliyo macalimiinta si ay u sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada.

In bulshada lagu xusuusiyo muhiimadda waxbarashada.

In kasta oo hadalka keliya uusan buuxin karin qiimaha dhabta ah ee macalinka, haddana Maalintani waxay fursad u tahay ardayda, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale inay muujiyaan taageero iyo ixtiraam.

Ugu dambeyn, macalinka waa il iftiin ah oo jiil walba u horseeda aqoon, xikmad iyo iftiin mustaqbal.

Dugsiga Hoose dhexe ee Degmada CeelWaaq

17/10/2025

Elwak Primary and Secondary School Part 9

17/10/2025

Elwak Primary and Secondary School Part 8

17/10/2025

Elwak Primary and Secondary School Part 7

17/10/2025

Elwak Primary and Secondary School Part 6

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 16:30
Tuesday 07:00 - 16:30
Wednesday 07:00 - 16:30
Saturday 07:00 - 16:30
Sunday 07:00 - 16:30