26/05/2026
πβ¨ Ciidul Adxaa Mubaarak β¨π
Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda
Darul-Maciin Primary & Secondary School
waxay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka u dirayaan hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.
Ilaahay hanaga aqbalo cibaadada, hana inagu gaarsiiyo bashbash, barwaaqo iyo nabad. π€
CIID WANAAGSAN ππ
14/05/2026
π Tartanka Sports-ka π
Waxaa kulan adag oo xamaasad badan dhex maray labada fasal ee Form 3 iyo Fasalka 7aad, kulan kaas oo ahaa mid loogu tartamayey u gudbidda wareegga Semi-finals-ka.
Ugu dambeyn, guusha ayaa raacday Fasalka 7aad kadib ciyaar xiiso leh oo ku dhammaatay 7-4.
Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa maamulka guud ee iskuulka, gaar ahaan Engineer Mohamed Hussein Ali.
Hambalyo ππ Fasalka 7aad oo muujiyey dadaal, wadajir iyo ciyaar wanaag. β½π
07/05/2026
F-8 oo U gudbay wareega Quarterfinals.
07/05/2026
Hambalyo πππ Fasalka 8aad oo gudbay wareega Quarterfinals.
29/04/2026
πππππ
ππππ ππππππππ ππππππ-ππ πππππ-ππππππ π.π.π.
Maanta waxaa si rasmi ah loo daah-furay Tartanka Sports-ka Dugsiga Darul-Maciin P.S.S., kaas oo ay ka qeyb-galayaan fasallada kala duwan ee dugsiga si loo horumariyo ciyaaraha iyo wadajirka ardayda.
Tartanka waxaa furay ENG Amir Hussein Araye, waxaana goob-joog ahaa Kormeeraha Guud MD. Omar Hussein Ali iyo macallimiinta dugsiga.
Kulankii ugu horreeyay waxaa wada ciyaaray Fasalka 10aad iyo Fasalka 5aad, waxaana 8β1 ku adkaaday Fasalka 10aad, halka Fasalka 5aad uu tartanka kaga haray nidaamka Knockout.
Tartanku wuxuu sii socon doonaa maalmaha soo socda iyadoo la filayo kulamo xiiso leh. β½π
29/04/2026
Tartan Aqooneed β Wareegga Semi-Final
Saakay waxaa si rasmi ah markale dib noogu bilowday tartanka aqooneed ee sanad-dugsiyeedka 2025β2026. Tartankan ayaa gaaray wareeggiisa Semi-Final, waxaana maanta ku tartamay fasallada 9aad iyo 7aad.
Tartan xiiso leh kadib, guusha waxay raacday fasalka 9aad oo u gudbay wareegga Final-ka, halka fasalka 7aad ay tartanka kaga hareen.
Natiijada dhibcaha:
Fasalka 9aad β 22 dhibcood
Fasalka 7aad β 20 dhibcood
Guud ahaan waxaa la is weydiiyey 8 suβaalood, waxaana lagu daray suβaalo dheeri ah oo aqoon guud ah si loogu kala baxo tartanka.
Hambalyo fasalka 9aad π
Mahadsanidiin dhammaan ka qeybgalayaasha tartanka.
28/04/2026
π TARTANKA SPORTS-KA ARDAYDA
DARUL-MACIIN P&SS.
Si kor loogu qaado caafimaadka, wadajirka iyo hibada ciyaaraha ardayda,
Dugsiga Darul-Maciin P&SS wuxuu qabanayaa Tartanka Ciyaaraha Iskuulka 2025-2026.
β½ Tartankan wuxuu mideynayaa fasallada kala duwan
π€ Waxaa lagu xoojinayaa is-ixtiraam, tartan caafimaad leh iyo karti ciyaareed
π₯ U diyaar garooba ciyaar xiiso leh iyo tartan heer sare ah
π
Taariikh: 29 April 2026
β° Waqti: 4:00 PM Galabnimo
π Goobta: salaxa farey beerta
Kaalaya oo taageera ardaydiinna β Guushu waa dadaalka iyo wadajirka!
13/04/2026
Waxaa maanta inoogu bilowday maalintii 4aad ee Imtixaanka Billeedka 2aad ee sanad dugsiyeedka 2025β2026 (08-04-2026), iyadoo imtixaanku si nabad ah oo nidaamsan ku socdo.
Waxaan Alle uga baryeynaa ardayda inuu u fududeeyo imtixaankooda, dadaalkoodana guul ku dhammeeyo. πβ¨
04/03/2026
TARTAN AQOONEEDKA SANAD DUGSIYEEDKA 2025β2026
Maanta waxaa si rasmi ah u qabsoomay tartankii aqooneed ee caadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2025β2026, kaas oo ay wada galeen fasalka 10-aad oo horey uga soo gudbay wareegga Semi-Finalka iyo fasalka 8-aad oo isna muujiyey dadaal iyo karti muuqata.
Tartankan oo ku saleysnaa aqoon guud iyo faham qoto dheer, waxaa la is weydiiyey min 8 suβaalood fasal kasta. Labada fasalba waxay muujiyeen diyaargarow sare, kalsooni iyo tartan hufan oo ku dhisan ixtiraam iyo anshax waxbarasho.
Natiijada k**a dambaysta ah waxay noqotay sidan: Fasalka 8-aad wuxuu helay 16 dhibcood, halka fasalka 10-aad uu helay 12 dhibcood. Sidaas darteed, guusha tartanka waxay ku raacday fasalka 8-aad oo si sharaf leh ugu soo gudbay wareegga Final-ka.
Hambalyo gaar ah ayaan u diraynaa fasalka 8-aad guusha ay gaareen iyo u gudubkooda final-ka. Sidoo kale, fasalka 10-aad waxaan ku bogaadinaynaa dadaalka iyo kartida ay muujiyeen, maadaama tartanku yahay mid kobciya aqoonta, kalsoonida iyo wada shaqeynta ardayda.
Tartankan wuxuu markale caddeeyey in tartamada aqooneed ay yihiin tiir muhiim u ah horumarinta maskaxda ardayda iyo dhiirrigelinta waxbarashada tayo leh.
Hambalyo fasalka 8-aad β Guul iyo Gobannimo! ππ