Faculty of Economics Students' Association

Faculty of Economics Students' Association

Share

Page Ka rasmiga ah ee faculty of Economics students' association - FECOSA- SIMAD UNIVERSITY

Photos from Faculty of Economics Students' Association's post 07/05/2026

Waxaa cashir ku celin loo qabtay qaar ka mid ah ardayda kulliyadda, iyadoo lagu xoojinayay fahamkooda iyo diyaar garowgooda waxbarasho, maadaama imtixaanaadka ay bilaabanaayaan dhawaan.

Barnaamijkan ayaa waxaa soo agaasimay Agaasimaha Tutoring Club-ka Hassan Shurie , asagoo door weyn ka qaatay hirgelinta iyo isku dubbaridka cashirkan.

Cashir ku celintan waxay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu garab istaagayo ardayda si ay ugu diyaar garoobaan imtixaanaadka si wanaagsan.


Photos from Faculty of Economics Students' Association's post 30/04/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulankii Finalka Sports-ka ee Kulliyadda, kaas oo uu soo xiray Hormuudka Kulliyadda Dhaqaalaha Ustaad Dahir Abdi Ali, iyadoo uu sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Ardayda Jaamacadda SIMAD, Osman Ali Abdullahi.

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo sugayay ayaa dhex maray kooxaha Beco19 iyo Biti08, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen ciyaar heer sare ah iyo tartan adag. Ugu dambeyntii, guusha ayaa raacday kooxda Beco19, kuwaas oo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka, kana noqday Champions-ka tartanka.

Hambalyo kooxda Beco19, iyo dhammaan ardayda ka qeyb qaatay abaabulka iyo guusha tartankan.


Photos from Faculty of Economics Students' Association's post 21/04/2026

Booqasho FECOSA ku tagtay Xarunta .

Midowga Ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha FECOSA ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhaxalreeb, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta xarunta kana dhageysteen howlaha ay qabato.

Intii ay socotay booqashada, waxaa la isla qaatay in FECOSA iyo Dhaxalreeb ay si wadajir ah uga shaqeeyaan barnaamijyo la xiriira dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, si loo xoojiyo iskaashiga iyo horumarinta bulshada.


02/04/2026
19/03/2026

Waxan u hambalyeyneynaa dhammaan ummadda Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidda.

Waxaan idiin rajeyneynaa Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad, barwaaqo, iyo caafimaad. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo dhammaan acmaashii wanaagsan ee aan soo gudannay.

Ciid Wanaagsan๐ŸŒ™.


08/03/2026

Waxaa si rasmi ah loo shaacinayaa Guddiga Cashir-ku-celinta FECOSA, kaas oo ka shaqeyn doona abaabulka iyo dardargelinta cashir-ku-celinta si ardayda Kuliyadda Dhaqaalaha u helaan taageero waxbarasho oo dheeraad ah.


Photos from Faculty of Economics Students' Association's post 05/03/2026

Waxaa qabsoomay xiiso-cashir aad u qiimo badan oo uu bixiyay ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ก๐ž๐ฌ๐ฌ ๐‚๐ฅ๐ฎ๐›-ka FECOSA, mudane Anwar Abdullahi Casharkan ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo diyaariyey, iyadoo ardaydu si weyn u muujiyeen xiisaha ay u qabaan barashada iyo fahamka ciyaarta chess-ka. โ™Ÿ๏ธ

Intii uu socday casharka, ardaydu waxay heleen fursad ay ku bartaan xeelado iyo farsamooyin muhiim u ah ciyaarta, waxaana kulanka ka dhashay is-dhexgal iyo dood xiiso leh oo ardaydu ka qayb qaateen. Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in mustaqbalka dhow ay jiri doonaan xiiso-cashirro kale oo la mid ah kuwaan si ardaydu u sii horumariyaan aqoontooda iyo xirfadooda ciyaarta chess-ka.


03/03/2026

Waxaynu halkaan idinkula wadaageena warqadda ee magacaabista Guddiga Cashir-ku-celinta.

Dhammaan ardayda ay quseyso waxaa laga codsanayaa inay la shaqeeyaan guddiga si howlaha cashir-ku-celintu u noqdaan kuwo nidaamsan oo miro dhal ah.


28/02/2026

Guddoomiyaha FECOSA Mudane Abdiwahab Salax , isagoo ka duulaya baahida loo qabo xoojinta iyo habeynta arrimaha diinta iyo awqaafta, ayaa wuxuu si rasmi ah ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง ๐€๐›๐๐ข๐ค๐š๐๐ข๐ซ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ugu magacaabay jagada Madaxa Diinta iyo Awqaafta FECOSA.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa laga bilaabo maanta, iyadoo laga rajeynayo masuuliyad, hufnaan iyo hoggaan ku saleysan qiyamka Islaamka iyo danaha ardayda.


Photos from Faculty of Economics Students' Association's post 26/02/2026

Waxaa si weyn loo wada sugayay kulanka semifinal-ka isku aadka sports-ka Kulliyadda, kaas oo dhex maray BECO19 iyo BSP13. Ciyaar aad u adag oo xamaasad leh kadib, labada kooxood midna ma uusan awoodin inuu si toos ah guul ku qaato, taasoo keentay in la isla aado rigooreyaal (penalty).

Ugu dambeyn, nasiibka iyo feejignaanta ayaa raacday BECO19, iyagoo ku guuleystay rigooreyaasha, kana gudbay wareegga semifinal-ka si sharaf leh. Hambalyo BECO19 oo u soo baxay final-ka, halka BSP13 ay muujiyeen dadaal iyo ciyaar qurux badan oo lagu xasuusan doono.


Photos from Faculty of Economics Students' Association's post 23/02/2026

Ardayda Kuliyadda Dhaqaalaha ayaa si firfircoon uga qeyb galay taxanaha ๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐š๐ง๐ ๐‚๐ฎ๐ซ๐ซ๐ข๐œ๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฆ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐’๐ž๐ซ๐ข๐ž๐ฌ (๐‚๐‚๐ˆ๐’) oo ay qabaneysay ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ž ๐จ๐Ÿ ๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐š๐ง๐ ๐„๐ง๐ฏ๐ซ๐จ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ-- SIMAD University.

Kulankan oo cinwaankiisu ahaa "๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐‚๐ก๐š๐ง๐ ๐ž ๐“๐ ๐ซ๐จ๐ฎ๐ ๐ก ๐ญ๐ก๐ž ๐ฅ๐ž๐ง๐ฌ ๐จ๐Ÿ ๐„๐œ๐จ๐ง๐จ๐ฆ๐ข๐œ๐ฌ" ayaa diiradda lagu saaray sida isbeddelka cimilada loogu eegi karo aragti dhaqaale, iyadoo la falanqeeyay saameynta dhaqaale ee cimiladu ku leedahay bulshada, ganacsiga, iyo horumarka dalka.

Dooddu waxay ahayd mid aad u xiiso badan, ardayduna si firfircoon ayay uga qeyb qaateen, iyagoo weydiiyay suโ€™aalo muhiim ah isla markaana la wadaagay fikrado ku saabsan xalal dhaqaale oo wax ku ool ah. Macalinka iyo ardaydu waxay isweydaarsadeen aragtiyo qoto dheer oo kor u qaaday fahamka ku saabsan sida dhaqaaluhu door muhiim ah uga qaato la qabsiga iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Kulankan wuxuu ahaa mid aqoon kororsi leh, dhiirrigeliyayna ardayda inay ka fikiraan xalal waara oo isku dheelitiran, kuwaas oo isku dara horumar dhaqaale iyo ilaalinta deegaanka.


Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Hamar Jadid, Warshadaha
Mogadishu