Gallayr Students Union

Gallayr Students Union

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gallayr Students Union, Education, Mogadishu.

This is the official page of the Gallayr Students Union | Bogga rasmiga ah ee Midowga ardeyda dugsiga Gallayr | Waa Matalayaasha Ardeyda Gallayr Primary And Secondary School.

Photos from Gallayr Primary And Secondary School's post 22/04/2026

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Wareegga 3-aad ee Tartan-Aqooneedka Dugsiga Gallayr Sannad-dugsiyeedka 2025/26, kaas oo ah marxalad muhiim u ah tartanka, isla markaana lagu kala saarayo kooxaha ugu tayada iyo aqoonta sarreeya.

21/04/2026

Wareegga 3-aad Tartan-Aqooneedka Dugsiga Gallayr Primary And Secondary School Sannad-Dugsiyeedka 2025/26

Xafiiska Waxbarashada Dugsiga Gallayr wuxuu shaacinayaa Jadwalka Wareegga 3-aad ee Tartan-Aqooneedka Dugsiga Gallayr oo dhawaan furmi doono.

Gallayr Primary And Secondary School

21/04/2026

Guddiga taabuurka wuxuu shaaciyey Natiijada Wareegga 9aad ee Qiimeynta Barnaamij-Taabuureedka Sannad-dugsiyeedka 2025/26.

Guddiga taabuurka wuxuu shaaciyey Natiijada Wareegga 9aad ee Qiimeynta Barnaamij-Taabuureedka Sannad-dugsiyeedka 2025/26.

Gallayr Primary And Secondary School

19/04/2026

FINAL MATCH

Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoomaya Final-ka Tartanka Kubadda Cagta Dugsiga Gallayr Sannad-Dugsiyeedka 2025/26, kaas oo ah kulankii ugu dambeeyay ee lagu soo gabagabeynayo tartan muddo socday oo xiiso badan.

Kulanka Final-ka Tartanka Kubadda Cagta Dugsiga Gallayr Sannad-Dugsiyeedka 2025/26 ayaa u dhexeeya ciyaaryahanada Fasallada Form-2 iyo 8-aad, kuwaas oo muujiyay diyaar garow heer sare ah.

Tartankan ayaa soo maray heerar kala duwan, iyadoo ay ka soo gudbeen kooxo badan ilaa laga gaaray kulanka k**a dambaysta ah, Labada fasal ee Final-ka isugu soo haray ayaa muujinaya diyaar garow heer sare ah, taasoo ka dhigeysa kulanka maanta mid aad u xiiso badan oo la wada sugayo.

Gallayr Students Union

15/04/2026

DHAWAAN FILO!

Kulan Saaxiibtinimo oo Kubadda Cagta ah wuxuu dhexmari doonaa Ciyaaryahanada Macalimiinta Dugsiyada Gallayr Primary And Secondary School iyo Maxamed Xirsi Nuur -Siiddii- waxaan u rajeynaynaa Macalimiinteena guul.

Gallayr Students Union

Photos from Gallayr Primary And Secondary School's post 15/04/2026

Gunaanadkii Imtixaan-bileedka 2-aad ee Sannad-dugsiyeedka 2025/26

27/03/2026

OGEYSIIS || OGEYSIIS

Waxaa la ogeysiisayaa dhammaan Ardayda, Waalidiinta iyo Macallimiinta Dugsiga Gallayr Primary And Secondary School in Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe ee Fasalka 8-aad la qaadi doono inta u dhexeysa 15 – 18 June 2026.

Sidaa darteed, Ardayda waxaa lagu boorinayaa inay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan Imtixaanka.

Diyaar-garow wacan.

22/03/2026

BACK TO SCHOOL

OGEYSIIS | OGEYSIIS

Maamulka Dugsiga Gallayr Primary And Secondary School wuxuu dhammaan ardayda, waalidiinta iyo howl-wadeennada Iskuulka Gallayr ogeysiinayaa in Iskuulku dib loo furi doono Maalinta Talaadada, oo ku beegan 24-ka March 2026, haddii Alle idmo.

Sidoo kale, waxaa si toos ah inoo bilaaban doono Daraasadka Waxbarashada, kadib fasaxii 10-Ka Dambe ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Fasaxa Maalmaha ciida.

Mahadsanidiin!

19/03/2026

CIID WANAAGSAN

Midowga Ardeyda Dugsiga Gallayr waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Ardayda, Macallimiinta, Maamulka iyo Waalidiinta Bilashada Ciidul-Fitri.

Waxaan Alle ka baryeynaa in uu naga aqbalo Soonkii, salaaddii, ducadii iyo camalladeennii wanaagsan ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana Ciiddaan ka dhigo mid farxad, nabad iyo guul u noqota dhammaan ardayda.

Photos from Gallayr Primary And Secondary School's post 13/03/2026

Midowga Ardeyda Dugsiga Gallayr waxay u mahadcelinayaan dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda iyo guusha tartankan qiimaha leh. Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u direynaa ardaydii ku guuleysatay iyo dhammaan ka qeybgalayaasha, iyagoo rajeynaya in tartankan uu noqdo mid sii socda sannadaha soo socda, isla markaana kor u qaada jacaylka Qur’aanka Kariimka

Photos from Gallayr Students Union's post 09/03/2026

Sawirro: Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan 2026/1447

Gallayr Students Union

07/03/2026

Midowga Ardeyda Dugsiga Gallayr Primary And Secondary School waxay si weyn ugu faraxsan yihiin daah-furka Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, kaas oo sanadkan noqday sannadkii 7-aad oo xiriir ah oo lagu qabto dugsigeenna.

Tartankan barakeysan wuxuu leeyahay muhiimad weyn, maadaama uu dhiirrigelinayo barashada, xifdinta iyo akhrinta saxda ah ee Qur’aanka Kariimka, isla markaana uu kobcinayo jacaylka ardaydu u qabaan Kitaabka Alle. Tartamada noocan ah ayaa door weyn ka qaata tarbiyadda jiilka soo koraya iyo ku barbaarrinta diinta Islaamka.

Guddiga Midowga Ardeyda waxay ku boorinayaan dhammaan ardayda ka qayb galaya tartankan inay muujiyaan dadaal, anshax wanaagsan iyo tartan hufan, iyagoo xasuusan in Qur’aanku yahay hanuunka iyo iftiinka nolosha muslimiinta.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa Maamulka Dugsiga Gallayr, macallimiinta, culimada iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta iyo hirgelinta tartankan qiimaha badan.

Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryeynaa inuu tartankan ka dhigo mid kheyr iyo barako leh, isla markaana uu ka dhigo mid soo saara arday ku barbaara Qur’aanka Kariimka iyo akhlaaqda suuban.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Mogadishu