29/08/2022
Munaaasabad Balaaran oo lagu soo gaba-gabaynaayay Tababaro wacyigalineed oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadda Al-imaam Al-Shaafici Iyo Xarunta Cilmi baarista Ee SIPSS CENTER,
Oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Howlka shirarka Al-Imaam Al-Shaafici Ee Jaamacadda Al-Imaam Al-Shaafici, kuwaas oo uu soo jeedinayay; General Dr Cisu-diin Musa Al-Imam oo ah Maamulaha Kulliyadda Waxbarashada Sare Ee Akaadimiyadda Amniga Iyo Istiraatiijiyadda Ee Dalka Suudan. ayaa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Muxaadaraadka oo socday 3 dii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa ku kala saabsanaa :
١. الأمن الفكري ومحاربة التطرف والإرهاب
Amniga maskaxda iyo la dagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada.
Intellectual security and the fight against extremism and terrorism.
٢.اولويات إستراتيجية الدولة الصومالية
Hortabinada Istiraatiijiyadeed Ee Qaranka Soomaaliyeed.
The priorities of the Somali state's strategy
٣. الإعلام ومهددات الأمن الوطني
Warbaahinta iyo khataraha amniga qaranka.
The media and threats to national security
Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen Xildhibaano ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka JFS, Wasiiro ka tirsan XFS, Khuburo amni, Saraakiil, Aqoonyahano, Iyo Madaxda Jaamacadaha qaarkood, ayaa ahayd mid nuuceeda ah tii u horeysay iyada oo ku soo aaday xilli uu dalku ku jiro marxalad adag oo loo baahanyahay ka wacyi galinta bulshada qatarta fakarka Xag-jirka ah, mudnaanta sugista amniga Iyo u misoobista horumarinta Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay dhammaan aqoonyahanadii ka soo qeybgalay tababarkaan, Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Sare Ee Xarunta Cilmi baarista SIPSS CENTER ayaa Hadiyad gudoonsiiyay General Dr Cisu-diin, isaga oo uga mahad celiyay booqashadiisa uu dalka ku yimid iyo bixinta cashiradaan muhiimka ah Iyo Tababarada uu maalmihii la soo dhaafay qabtay.