03/05/2025
3/5/2025
Bismillah,
Soomaaliyeey: Aan Iswaafajino Nolosheena iyo Awooddeena Dhaqaale
Ummadda Consulting Solutions
Waxaan inteena badan aan hadda ku noolahay nolol ka baxsan awooddeena maaliyadeed.
Waxay tirokoobyada sanadlaha ah ee aan ka soo helay bogga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, iyo Hay’adaha caalamiga ah sida IMF iyo Bangiga Adduunka ay muujinayaan in kharashaadka dadweynaha Soomaaliyeed uu si joogto ah u kordhayo, halka dakhliga gudahana uu aad u yar yahay.
Waxay arrintaasi keentay in farqiga la ganacsiga adduunka (trade balance) uu si xowli ah u kordho (7.01%) shanti sano ee 2019 ilaa 2023 (USD Milyan):
2019: - $3,630 (44.5% GDP)
2020: -$3,870 (47.5% GDP)
2021: -$3,990 (46.4% GDP)
2022: -$4,290 (44% GDP)
2023: -$4,760 (47% GDP)
In kasta oo aan muddo dheer ku tiirsaneyn lacagta xawaaladaha ee ka timaada qurbajoogta, haddana tirada lacagtaas ayaa hoos u dhacday (-3.6%) shanta sano ee 2019 ilaa 2023 (USD Milyan):
2019: $2,640 (32.4% GDP)
2020: $2,550 (31.3% GDP)
2021: $2,460 (30.2% GDP)
2022: $2,370 (29.1% GDP)
2023: $2,280 (28.0% GDP)
Waxaa ka mid ah sababaha keenay hoos u dhaca lacagta qurbajoogtu ay soo dirto:
1) Qurbajoogta Soomaalida oo ku sii socota da’da hawlgabka;
2) Caruurta qurbajoogta oo aan la laheyn xiriir dhaqan iyo mas’uuliyadeed eheladooda ku sugan Soomaaliya; iyo
3) Hubanti la’aanta iyo dhaqaala xumada sii kordheysa ee ka taagan dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Waxaa Soomaaliyeey lagama maarmaan ah in aan garano halista ah in aan ku sii socono dhaqan maaliyadeed oo aan waaqici aheyn.
Haddii aan laga waantoobin wax iibsashada xad dhaafka ah iyo ku tiirsanaanta dakhli dibadeed oo aan xasilooneyn, waxaa laga yaabaa in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ay gaaraan heer aan laga soo kaban karin, oo ay ka mid tahay:
1) Deynta ku taagan dadweynaha iyo shirkadaha oo aad u kororta,
2) Sicir barar xarga goosta (high inflation),
3) Daciifnimo dhaqaale oo uga sii dara dhibaatooyinka bulshada iyo wax soo saarka gudaha, iyo
4) Shiidka iyo dhibaatooyinka bulshada sida tuugada, boobka, tuugsiga, iyo dagaalada qoysaska dhexdooda ah oo kordha
Talo Soo Jeedin:
Waa muhiim ah Soomaaliyeey in aan:
1) Iska yareeyno kharashaadka aan loo baahneyn ama laga baaqsan karo. Waa in aan ka fikirno dhawr jeer inta aanan gelin kharash badeeco ama adeeg aan ka maarmi karno,
2) Ku noolaano awooddeena maaliyadeed. Waa in aan u maareeyno nolosheena si waafaqsan dakhliga aan helno.
3) Yeelano keyd iyo sanduuqa gurmadka (Emergency Fund). Waa in aan diyaar u ahaano xaaladaha degdegga ah sida shaqo la’aan, xanuun lala jiifsado, bad xiran, abaar, ama dhacdooyin kale.
4) Ka fikirno lacag dhigasho iyo maalgelinta wax soo saarka gudaha iyo ganacsiyada yar yar ee dalka ka jira.
5) Ka fogaano dhaqanka ah in deyn ku iibsano badeecadaha lagu xarakoodo ama adeegyo laga maarmi karo. Waa in aan iska ilaalino in aan galno deyn aanan awoodi karin in aan bixino.
6) Barano aqoonta maaliyadda. Waa in la barto maamulka kharashka, sameynta miisaaniyadda qoyska, iyo maalgashiga.
Soomaaliyeey, haddii aan dooneyno mustaqbal dhaqaale oo barwaaqo ah, waa in aan beddelnaa hab dhaqankeena, u diyaar garownaa xilliyada adag, isla markaana la jaanqaadnaa awooddeena dhaqaale ee dhabta ah.
Waxaa la joogaa waqtigi aan mas’uuliyad ka qaadi laheyn dhaqaalaha qoysaskeena, ganacsigeena, iyo guud ahaan dalka.
Ha furin Suunka!
Wa Allaahu swt Aclam,
Dr. Ismail Ali Siad
Business and Financial Consultant