12/05/2026
Hambalyo Ustaad Ahmed Hashi Farah (Shaciye)
Masuuliyadda Rabi Hakula Garab Galo
Hambalyo!
Ust. Ahmed Hashi Farax (Shaaciye) oo ah Bare Muddo Dheer ka soo Shaqeeyey Jaamacadda Soomaaliya ayaa loo Magacaabay Xiriiriyaha Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir iyo Jaamacadda Soomaaliya.
Hambalyo ayaan ku leenahay
21/11/2025
Hambalyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed
MILGO IYO MAAMUUS QARAN MACALLIN BAA LEH
06/06/2025
EID MUBARAK MUSLIMIINTA MEEL WALBA AY JOOGAAN SANADKAAN SANADKIISA RABI SAME HA INAGU GAARAIIYO
03/05/2025
3/5/2025
Bismillah,
Soomaaliyeey: Aan Iswaafajino Nolosheena iyo Awooddeena Dhaqaale
Ummadda Consulting Solutions
Waxaan inteena badan aan hadda ku noolahay nolol ka baxsan awooddeena maaliyadeed.
Waxay tirokoobyada sanadlaha ah ee aan ka soo helay bogga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, iyo Hay’adaha caalamiga ah sida IMF iyo Bangiga Adduunka ay muujinayaan in kharashaadka dadweynaha Soomaaliyeed uu si joogto ah u kordhayo, halka dakhliga gudahana uu aad u yar yahay.
Waxay arrintaasi keentay in farqiga la ganacsiga adduunka (trade balance) uu si xowli ah u kordho (7.01%) shanti sano ee 2019 ilaa 2023 (USD Milyan):
2019: - $3,630 (44.5% GDP)
2020: -$3,870 (47.5% GDP)
2021: -$3,990 (46.4% GDP)
2022: -$4,290 (44% GDP)
2023: -$4,760 (47% GDP)
In kasta oo aan muddo dheer ku tiirsaneyn lacagta xawaaladaha ee ka timaada qurbajoogta, haddana tirada lacagtaas ayaa hoos u dhacday (-3.6%) shanta sano ee 2019 ilaa 2023 (USD Milyan):
2019: $2,640 (32.4% GDP)
2020: $2,550 (31.3% GDP)
2021: $2,460 (30.2% GDP)
2022: $2,370 (29.1% GDP)
2023: $2,280 (28.0% GDP)
Waxaa ka mid ah sababaha keenay hoos u dhaca lacagta qurbajoogtu ay soo dirto:
1) Qurbajoogta Soomaalida oo ku sii socota da’da hawlgabka;
2) Caruurta qurbajoogta oo aan la laheyn xiriir dhaqan iyo mas’uuliyadeed eheladooda ku sugan Soomaaliya; iyo
3) Hubanti la’aanta iyo dhaqaala xumada sii kordheysa ee ka taagan dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Waxaa Soomaaliyeey lagama maarmaan ah in aan garano halista ah in aan ku sii socono dhaqan maaliyadeed oo aan waaqici aheyn.
Haddii aan laga waantoobin wax iibsashada xad dhaafka ah iyo ku tiirsanaanta dakhli dibadeed oo aan xasilooneyn, waxaa laga yaabaa in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ay gaaraan heer aan laga soo kaban karin, oo ay ka mid tahay:
1) Deynta ku taagan dadweynaha iyo shirkadaha oo aad u kororta,
2) Sicir barar xarga goosta (high inflation),
3) Daciifnimo dhaqaale oo uga sii dara dhibaatooyinka bulshada iyo wax soo saarka gudaha, iyo
4) Shiidka iyo dhibaatooyinka bulshada sida tuugada, boobka, tuugsiga, iyo dagaalada qoysaska dhexdooda ah oo kordha
Talo Soo Jeedin:
Waa muhiim ah Soomaaliyeey in aan:
1) Iska yareeyno kharashaadka aan loo baahneyn ama laga baaqsan karo. Waa in aan ka fikirno dhawr jeer inta aanan gelin kharash badeeco ama adeeg aan ka maarmi karno,
2) Ku noolaano awooddeena maaliyadeed. Waa in aan u maareeyno nolosheena si waafaqsan dakhliga aan helno.
3) Yeelano keyd iyo sanduuqa gurmadka (Emergency Fund). Waa in aan diyaar u ahaano xaaladaha degdegga ah sida shaqo la’aan, xanuun lala jiifsado, bad xiran, abaar, ama dhacdooyin kale.
4) Ka fikirno lacag dhigasho iyo maalgelinta wax soo saarka gudaha iyo ganacsiyada yar yar ee dalka ka jira.
5) Ka fogaano dhaqanka ah in deyn ku iibsano badeecadaha lagu xarakoodo ama adeegyo laga maarmi karo. Waa in aan iska ilaalino in aan galno deyn aanan awoodi karin in aan bixino.
6) Barano aqoonta maaliyadda. Waa in la barto maamulka kharashka, sameynta miisaaniyadda qoyska, iyo maalgashiga.
Soomaaliyeey, haddii aan dooneyno mustaqbal dhaqaale oo barwaaqo ah, waa in aan beddelnaa hab dhaqankeena, u diyaar garownaa xilliyada adag, isla markaana la jaanqaadnaa awooddeena dhaqaale ee dhabta ah.
Waxaa la joogaa waqtigi aan mas’uuliyad ka qaadi laheyn dhaqaalaha qoysaskeena, ganacsigeena, iyo guud ahaan dalka.
Ha furin Suunka!
Wa Allaahu swt Aclam,
Dr. Ismail Ali Siad
Business and Financial Consultant
26/03/2025
Waxa aanu Joognaa Aakhri samaan
Bari Dhaweed Waxa Aan Maqlaay Gabar Jir ah oo Hooyadeed Booliska Ugu Yeertay, kadib boolis Ayaa Guriga Yimid, Hooyadii Ayaa Tiri yaa idin Soo Wacay Gabadhii Yareed Ayaan Dhahay Xalay Xiri Jalaatatee Iga dhameysee haddane Waa Dhacdadaan.
26/03/2025
Afur wadareed Aad Loosoo Agaasimay Ayaa Waxaa Qabsaday QALINJABIYAASHA KULIYADA CULUUMTA CAAFIMAADKA EE JAAMACADDA SOOMAALIYA UNISO HEALTH SCIENCE ALUMNI (UNIHESA)
WAA kamid ah sawirda
26/03/2025
Afur wadareed Aad Loosoo Agaasimay Ayaa Waxaa Qabsaday QALINJABIYAASHA KULIYADA CULUUMTA CAAFIMAADKA EE JAAMACADDA SOOMAALIYA UNISO HEALTH SCIENCE ALUMNI (UNIHESA)
WAA kamid ah sawirda
02/03/2025
Kafaa,ideyso Qiima Dhimista Abqari Store
Aqriso Oo Ka Faaideyso Buugaagta Iyo Dhimista
18/02/2025
Kafaa,ideyso Qiima Dhimista Abqari Store
Ku soo dhawoow ABQARI STORE!
Waxaan ku faraxsanahay inaan kuu fududeyno helitaanka buugaagta aad jeceshahay. Waxaan ka shaqeynaa sidii aan u dabooli lahayn baahiyahaaga waxbarasho, madadaalo, iyo aqoon kororsi, annagoo kuu keenayna buugaag tayo sare leh oo kala duwan.
Maxaan kuu haynaa?
✅ Buugaag cusub oo tayo sare leh.
✅ Adeeg degdeg ah oo laguugu keeno meeshii aad joogto.
✅ Qiimo dhimisyo gaar ah oo joogto ah macaamiisheena daacadda ah.
✅ Dalabyo khaas ah oo loogu talagalay ardayda iyo macalimiinta.
Ma dooneysaa inaad wax barato ama madadaasho?
Waxaan halkan u joognaa si aan kuu siino waxa ugu fiican. Soo booqo ABQARI STORE maanta, oo hel adeeg ka duwan!
Nala soo xiriir:
📞 +252618939893
📍 Mogadishu_Somalia
ABQARI STORE – Waa wehelkaada Waxbarashada!
21/11/2024
Gabaygii Macalinka ee uu Tiriyay
Xaaji Aadan Axmed (Afqalooc)
1. Oday waaya aragaan ahoo ayni wayn jiraye
2. Markaad ood ka bood tahay tashigu waa in kaa maqane
3. Wixi dana Abwaankaa gartee inammo waa mooge
4. Inaan anigu idin waaniyaa waa ammuur xaq ahe
5. Ardayey aqoonsada cilmiga aafo waa jahale
6. Ijtihaada adinkaa hor kici aradka Soomaale
7. Akhlaaq xumo iska ogaada waad ku ambanaysaane
8. Ma aflaxo ilmaha caasiyoo edebta diidaaye
9. Haddii aadan akrimin macallinadu kuuma uursame’e
10. Waa niman ammaanloo xumaan laga ilaashaaye
11. Ixtiraam la’aan lagama helo aayo iyo khayre
12. Waa kuu ilays meel mugdiya aad ku aragtaaye
13. Waa kuu afkood ku hadashiyo odhaahda liisaane
14. Waa ubaxa kii korinayoo aaminka ahaaye
15. Waa amalka nolashaa dambood ku istareexdaaye
16. Waa ilo biyalahoo ninkii ooman ka cabbaaye
17. Waa kii ixsaan kuu galoo aadmi kaa dhigaye
18. Waa kii abaal kugu lihiyo lama ilaawaane
19. Waa kii aqoontiyo cilmiga kuugu aabba ahe
20. Sida qamarka oogada jiruu kuu iftimiyaaye
21. Iyagaa abuiuraye sancada lama ogaadeene
22. Ihaanada ma dooniyo waxaan laayiq u ahayne
23. Haddii aad asluub yeelatoo dhawrto amarkiisa
24. Asmac baraha liibaantu waa inaad addeecdaaye
12/02/2024
Allaha ugu mahadi waxa aad Heysato Ogow..sababtoo ah dadka qaar ma haystaan waxa aan haysato