08/09/2026
๐ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฑ๐ป๐ฎ๐พ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ผ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ป ๐๐
Waxaa si guul leh inoogu qabsoomay 6-dii Sebtembar 2026, Madashii 4-aad ee Sahan Initiative, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Deero. Madashan waxaa diiradda lagu saaray โBuilding the Future: WordPress & AI for Everyone.โ
Kulankan aqoon-isweydaarsiga ah ayaa diiradda lagu saaray WordPress, Artificial Intelligence (AI) iyo sida tiknoolajiyadaha casriga ahi u beddelayaan habka loo dhiso loona horumariyo website-yada. Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay heleen faham ku saabsan fursadaha ay WordPress iyo AI u leeyihiin dhalinyarada doonaysa inay horumariyaan xirfadahooda dhanka tiknoolajiyadda iyo Web Development-ka.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Eng Ayub Abduallhi Isack, Web Developer ka tirsan Deero Advert, oo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa la wadaagay ka qaybgalayaasha seminar-ka.
Sidoo kale, mahadnaq weyn waxaan u jeedinaynaa kooxda Deero Institute iyo Sahan Initiative ee dadaalka ku bixisay qabsoomidda kulankan, iyo dhammaan ardaydii iyo dhalinyaradii qiimaha badnaa ee kasoo qaybgalay.
Deero Institute wuxuu sii wadaa abuurista madallo ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku kobcin karaan aqoontooda, xirfadahooda iyo fahamkooda tiknoolajiyadaha casriga ah.
๐ก Safarka aqoontu halkaan kuma eka.
La soco Sahan Initiative si aad uga qayb noqoto kulamada iyo aqoon-isweydaarsiyada soo socda.