Machadka Daaru Al- Xarameyn

Machadka Daaru Al- Xarameyn

Share

Machadka waxa lagu bartaa
Qur.anka karimka ah iyo wax barashada aasaasiga ah.

Ee Ku sodhawda dhamaantiinالمعهد يُدرَّس فيه القرآن الكريم والتعليم الأساسي، فمرحبًا بكم جميعًا.
0612855504 / 0612336669

Photos from Machadka Daaru Al- Xarameyn's post 23/07/2026

📢 OGEYSIIS KASOO BAXAY MAAMULKA MACHADKA DAARUL XARAMEYN
(معهد دار الحرمين لتحفيظ القرآن الكريم والتعليم الأساسي)

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Maamulka Machadka Daarul Xaramayn wuxuu si xushmad leh ugu wargelinayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in diiwaangelinta ardayda cusub ay weli socoto.

📚 Waxbarashada Machadka:

- Xifdinta Qur'aanka Kariimka.
- Waxbarashada Aasaasiga ah.
- Tarbiyada iyo Akhlaaqda Islaamka.

🗓️ Maalmaha waxbarashada:
Sabti ilaa Jimce (7 maalmood usbuucii).

📞 Wixii faahfaahin iyo isdiiwaangelin ah kala xiriir:

- +252 612 855 504
- +252 612 336 669

Ku soo dhowaada Machadka Daarul Xaramayn, oo ah goob lagu barto Qur'aanka Kariimka, cilmiga aasaasiga ah iyo tarbiyada wanaagsan.

Maamulka Machadka Daarul Xaramayn
معهد دار الحرمين لتحفيظ القرآن الكريم والتعليم الأساسي

19/07/2026
19/07/2026

Masha allah Tabarakallah

Mahadanidiiin Bidhaan Production 🙏

Machadka Daaru Al- Xarameyn ❤

Tarbiyo wanaagsan Iyo Tacliin hufan oo la la soconaayo ardayga 💚

18/07/2026

SU. AALO MUHIIM AH ❤

Amiiro maxamed ❤
&
Aniso Cabdullahi 💚

Machadka Daaru Al- Xarameyn ❤
wax badan ayuu ummdda u haayaa allow barakay 🤲

Bidhaan Production Mahadsanidiin 🙏

01/06/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH

Maamulka Machadka Daaru Al-Xarameyn wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta sharafta leh in dib loo furayo machadka:

✅ Maalinta Talaadada
📅 Taariikhdu markay tahay: 02/06/2026
Waxaa dib u bilaabanaya dhammaan fasallada caadiga ah, Insha Allaah.

✅ Maalinta Khamiista
📅 Taariikhdu markay tahay: 04/06/2026
Waxaa dib u bilaabanaya ardayda dhigata fasallada Khamiista iyo Jimcaha, Insha Allaah.

Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul iyo horumar, waalidiintana waxaan uga mahadcelinaynaa wada shaqaynta wanaagsan.

Maamulka Machadka Daaru Al-Xarameyn

26/05/2026

🌙✨ Machadka Daaru Al Xarameyn ✨🌙

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ummadda muslimka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa Al-Mubaarak.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha suuban, hana inagu dhameyo ciiddaan bashbash, barwaaqo, nabad iyo iimaan buuxa.

🎉 Ciid Wanaagsan
كل عام وأنتم بخير 1447
عيد الأضحى المبارك

— Machadka Daaru Al Xarameyn

05/05/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan waalidiinta, macallimiinta, iyo ardayda Machadka Daarul Xarameyn geerida naxdinta leh ee ku timid mid ka mid ah waalidiintooda. Geeridu waa xaq, balse murugteedu way culus tahay.

Allaha u naxariisto adeer mowliid borow Xasan, qabrigana ha u waasiciyo, ehelkii iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu