17/10/2025
Sida baarqab geeloo
Sanadka oo barwaaqa ah
Inta baarka loo fidhay
Bulxanka iyo doobtii
Ku barjeeyey dhegohoo
Bedka geelu leeyahay
Ba'nankii ka abasaxay
Baacsaday galooftoo
Markii ay bariiqdeen
Fadhigii na boobeen
Inta uu ka buuxsaday
Qumiskii la beegsadayoo
Berriinsaday abaahada
Sidiisaan u ba'anoo
Bilicdaa hablaha kacay
Carmalkiyo bilcaamaha
Iyo suxul baruurta ba
Idilkood u baahnoo
Inaan boodo jecelahay
Tii markaan u soo baxo
U bandhigo jacayllada
U bayaansho gacalada
Iyo baaqa xiisaha
U badheedha caashaqa
Ee ajiibta baahida
Bedenkeedu leeyahay
Baaxadeggaa h**e
Waxay buuro fuusha ba
Haasaawaha markaan bilo
Burqashada dareenkiyo
B**rqaadka heesaha
U bariinsho muxibbada
Markay nuugto beebkee
Ku sarkhaanto beentii
Ballansaday dharaartii
Fiidkii u soo baxay
Intaan baakin soo galo
Baaqii kalgacalada
Midda bidix u daaroo
U bedelay fareejada
Iyada oo bidhaantiyo
Waa Ina Baxnaanoo
Bilicdiyo xarragada ba
Laafyaha intay baac
Sii daysay bidixdii
Tiicaysa boodeey
Baarafuunka carafta li
Uu ka soo burqanayoo
Dhexdoo biin la moodiyo
Shafka labada buuree
Lagu bilay Hargaysiyo
Suuraddii bureeqo leh
Ku bilkayday daymada
Bawdyaha kamaalka ah
Kubka baaca qabashada
Badhyeheeda doollaha
Sida doon badmaax wado
Isu baal rogaayaa
Dareen igu bilaabaye
Cududdeeda buuxdiyo
Cabaadhyaha birjiifkee
Luqunteeda badhay iyo
Timo baalka cawleed
Bara dhaafay quruxdii
Dhaayihii ku baajee
Bariidada salaantii
Gacanqaad barkumataal
Iyo noqoy isboojays
U banneeyey laabtoo
Isku boodka gacalada
Isa saaray beerkoo
Wadnaheeda bidix iyo
Xabbadkiyo boggiyo laab
Barakada ka wada dayey
Annagoon hamuun bogan
Baalladaymadeedii
Ka shakinay bannaankoo
Berrin aan aqaanoo
B**r wacan ku taalloo
Dalxiis loo buseeloo
Badankoodu jecelyiin
U baqoolay goortaa
Sheekada bislaynoo
Baarkii cawayskii
Ku cashaynay baashaal
Iyo xiisa bururkii
Baaqyaroo guja ah iyo
Hadba baal u riix iyo
Dhirbaaxada badheedhka ah
Baadhbaadhnay faallada
Caashaqa bilowga ah
Isagaaysu badanoo
Caways laguma baahee
Soo beegnay hoosada
Lagu qalo bilcaamaha
Soo gaadhnay baradii
Barkintiyo mindidu tiil
Bulaan taah la moodiyo
Codka hoos u baxa iyo
Guux baa bilaabmoo
Gosha iyo boggeediyo
Baar salaaxay dhabarkoo Garabkeeda bidixda ah
Soo riixeey bilaneey
Godol qaadday Baarreey!!
Luquntii baxaalliyey
Baaqbaaqay dhabannada
Timihii dhex baashiray
Baabacooyinkaygaa
Dabku uu ka baxaya na
Cududaha ka buuxsaday
Sida shoogga beleliyo
Birta qaadda koranta
Ku tallaalmay baytari
Nagu baahday maansadu
Neeftuur belaayo ah
Bururkiyo gariirka ah
Kurbashada buruudka leh
Bedenkiyo jidhkeediyo
Diirramaadka bawdyaha
Kulaylkaa ka soo bixi
Ka dareemay baallohoo
Kacsi ii bilownaa
Iyada na badhkeed gaadh
Dibno aad bacool iyo
Hoobaan bislaatiyo
Moodayso baradhoo
Midabbada basali iyo
Rooseeto lagu bilay
Shumiskii ku booboo
Bishmihii ku qaabilay
Waa boqoradeedee
Baashada dareenka leh
Xadantada birmoodka ah
Jiddiidho bug naga tidhi!
Bishimaha cantuugada
Qaniinyada basiidka ah
Dhanka midig u baydhsii
Carrabka na badhkii sii
Bu'diisa na mar kale qabo
Istiinkaa baraadka la'
Iska nuugay baradhada
Badankiyo jidhkeenna ba
Gacmihii baxaanbaxe
Dirac baatigeedii
Mar horaan ka soo baxay
Naaskeeda bidixdu na
Banaankuu ka yaallaa
Keeshali ku beegnaa
Iyada na badhkeedii
Garankii bannaysoo
Badhan shaadhku leeyahay
Kuma qaadan bidhiqdaa
Isha baalka laga rogo
Intaan beerka kaga degay
Labadii bacooloodoo
Bataatiga la moodee
Sidii beedka gorayada
Giigsanaa bardoodiga Maajaroolka badha
Intaan raaxadii bogay
Booshaaqay dabadeed
Ibo baarka madow ku leh
Intaan beegay laba goor
U maroojay baarkoo
Muraaqootay baahida
Dabadeed baxaalliga
Intaan hoos u sii baxay
B**r godanta hoosiyo
Xudduntiyo boggeediyo
Taxtaxaashay bawdyaha
Waa howl bislaatiyo
Halkii loo buseelee
Marinkii bilkaydnaa e
Birjannaada lagu saray
isagaa banyaaloo
Bishmihii dhareeriyo
Bararkiyo facooliga
Dibada ba u soo baxay
Intaan shiishka buuxsaday
Dabadeed buntukha riday
Barta gaalka kala helay
Baylood xariifiyo
Sidaa boongada u tumay
Ee Badhqabashada
Sida toobin beebliyo
Birlabtiyo sharootada
Buntuukhayga ugu dhegay
Bahalkii inaan dilay
Bu'da waranka kala helay
Gaadhsiiyey ...
Gurxankay bilowdiyo
Qayladii baxaysaan
Ku hubsaday bidhaantoo
Markii ay bishaarada
Igu tidhi kuu boobsii Bartaa weeye halistuye
Jamashaday ku biimtaan
U bogoo barriinsaday!
Abwaan Baasheeye