CIMIC SNAF

CIMIC SNAF HOGGAANKA ISKU XIRKA SHACABKA & CIIDANKA XDS

24/09/2026

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO SAXIIXAY WAX-KA-QABASHADA TACADDIYADA KA DHANKA AH HAWEENKA XILLIGA COLAADAHA20-ka Seb...
20/09/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO SAXIIXAY WAX-KA-QABASHADA TACADDIYADA KA DHANKA AH HAWEENKA XILLIGA COLAADAHA

20-ka Sebtembar, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.

Amarkan wuxuu xoojinayaa dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa ka dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo la adkeynayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka,sidoo kale Wuxuu Dadejinayaa waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga, soo-sheegidda, baaritaanka iyo wax-ka-qabashada kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.

Saxiixa Amarka Taliyaha wuxuu ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo ay wadeen Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Tacaddiyada Galmada ee La Xiriira Colaadaha, kuwaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.

20/09/2026

Walaal Ma Huraan Ah Baa Tahay.

19/09/2026

Barnaamijka Xuska Halyeyga Nool Ayaa Lagu Qabtay Dugsiga Tababarka Turkisom iyo Cisbitaalka Ciidanka XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo kulan soo dhawayn iyo mahad celin ah u sameeyay dhaqaatiirta ka qayb - ga...
14/09/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo kulan soo dhawayn iyo mahad celin ah u sameeyay dhaqaatiirta ka qayb - gashay todabaadka CIMIC ee ciidamada xoogga wadamada ku midoobay bulshada bariga africa (EAC) oo lagu qabtay magaalada darasalam ee dalka tanzania.

Munaasabad casha sharaf oo lagu maamuusay dhaqaatiirta ayaa lagu qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , iyadoo uu ka soo qayb galay Taliyaha CXDS Gen ibrahaim Maxamed Maxamuud oo uu wehliyo kaaliyaha taliska guud ee CXDS Gen Madeey Sheikh Nuur Ufuroow, Taliyaha Taliska Taakulaynta CXDS gen Maxamed Maxamuud Xasan Garabeey iyo saraakiil kale.

Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka , kartida iyo adkaysiga ay muujiyaan dhaqaatiirta ka qaybgashay barnaamijka todobaadka cimic ee wadamada ku midoobay bulshada bariga africa, sida ay daryeelka caafimaad ugu fidiyeen dadkii danyarta ahaa , iyagoo matalaya dowladda Soomaaliya .

Gen ibrahim ayaa xusay ineey tahay wax lagu farxo in dhalinyarada dhaqaatiirta ay mihnadooda caafimaad wax ka gaarsiiyaan shacab muddo haystay dowladnimo , nabad iyo xasilooni nololeed , balse maanta ay u mahadceliyaan shacabkaasi wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed ee wax ku bartay Gudaha dalka , lehna xirfado caafimaad oo saamayn ku reebtay, dadkii ay gaarsiiyeen adeeggyadooda caafimaad.

Ugu danbayn Taliyaha CXDS Gen ibrahim Maxamed Maxamuud ayaa u mahadceliyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee xilka iska saaray inuu qabsoomo , si guul ahna ku soo dhamaado barnaamijka todobaadka cimic ee ciidama xoogga wadamada ku midoobay bulshada bariga africa (EAC) oo lagu qabtay magaalada daraslam ee dalka tanzania.

14/09/2026

Saraakiisha Da'yarta Ah Ee U Kacaamaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

12/09/2026

Waa Sharaf Wayn Ah In Magaca Soomaaliyeed iyo Kan Ciidanka XDS Ku Matalno Barnaamijka Cimic Week Ee Wadmada Bulshada Bariga Africa (EAC) "L/xle Dr Abdullahi Daahir Cusman".

09/09/2026

Waxaa Sharaf Wayn Noo Ah Inaan Matalno Magaca Soomaaliyeed ,iyo Kan Ciidanka XDS " Madaxa Hoggaanka CIMIC "G/sare iiman Maxamuud Cali".

Madaxa Hoggaanka CIMIC SNAF G/sare Iman Elman ayaa Lagu Abaal mariyay Madasha Lagu Daahfuray Siyaasadda ilaalinta Rayidk...
05/09/2026

Madaxa Hoggaanka CIMIC SNAF G/sare Iman Elman ayaa Lagu Abaal mariyay Madasha Lagu Daahfuray Siyaasadda ilaalinta Rayidka Xiliyada Ay Socdaan Howlgallada , Kaalinteedii Adkayd ay Ku Lahayd Hirgelinta Daadalada Lagu ilaalinayo Dadka Rayidka ah xiliyada Ay Jiraan Colaadaha Hubaysan.

G/sare iiman elman ayaa hormuud ka ah dadaalada taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ugu jiro ilaalinta rayidka iyo ka jawaabidda baahiyaadka shacabka xiliyadda ay socdaanka howlgallada sifaynta ah ee lagu xuraynayo deegaanada iyo degmooyinka cadawgu ku dhuumaalaystaan .

03/09/2026

Warbixin; Maxay Ahayd Kaalinta Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Ee Ka Qayb-galay Todobaadka Cimic Ee Wadamada Bulshada Bariga Africa (EAC) Oo Lagu Qabtay Dalka Tanzania?.

Address

Villa Gashandhiga
Mogadishu

Telephone

+252770736361

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CIMIC SNAF posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to CIMIC SNAF:

Shortcuts

Share