19/03/2026
Ciid Wanaagsan
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed ,Waxaa Leenahay Ciid Wanaagsan.
Sidookale Midoowga Waxa Uu Hambalyada Ciidda La Qeebsanayaa Waalidiinta, Macalimiinta & Ardayda Dugsiyada Midoowga .
كل عام وانتم بخير
17/02/2026
Waxaan guud ahaan Muslimiinta Caalamka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaynaa farxadda bilashada barakaysan ee Ramadaan 1447H.
Allaah SW ayaan ka baryeynaa in uu noogu naxariisto, noogu dembi dhaafo, naartana nooga xoreeyo.
14/02/2026
Magacaabis
--------------------------------------------
Ku: Cali Cadaawe Maxamuud
Og: Gudoomiye Ku xigeenka MDD
Og : Gudoomiyaha Goloha Shuurada MDD
Og : Gudoomiyaha Maaliyada MDD
UJEEDO: Magacaabis Xil-Gudoomyaha Waxbarashada Midowga Dugsiyada Deexda Ee Degmada Balcad
Anigoo Ah Guddoomiyaha Midowga.
KADIB MARKAAN KU QANCAY: Aqoontoontiisa, Khibradiisa iyo Kartidisa iyo waaaya aragnimadiisa dheer ee Waxbarashada.
MARKAAN ARKAY: Baahida loo qabo in la dar-dar galiyo howlaha hormarinta Waxbarashada Dugsiyada Midoowga.
MARKAAN ARKAY: Baahida loo qabo is dhexgalka Waxbarashada ardayda Midoowga
MARKAA ARKAY : Baahida loo qabo tababarida iyo tayeenta maamulka & macalimiinta Midowga
MARKAAN ARKAY : Baahida loo qabo Sarra u qaadinta Iyo taakuleeynta Dhamaan Baahida Waxbarashada ee Dugsiyada Deexda Xag Macalimiin iyo xag arday .
MARKAAN ARKAY INUU : Yahay tiir kamid ah tiirarkii soo dhisay Midoowga
Waxaan maanta oo ay Taarikhdu tahay 14/02/2026 mudanahaan hoos ku xusan loo magaacabay.
1. Cali Cadaawe Maxamuud
Guddoomiyaha Waxbarashada Midowga Dugsiyada Deexda
Hadaba Waxaa La Farayaaa Masuulkaan Xilka Loo Magacaabay Inuu Shaqadiisa u guto Si Ay Ku Dhayhantahay Hufnaan Iyo Daacadnimo.
Mahadsanidiin--Wabilaahi-Tooqfiiq
W/Q:XOGHAYA MDD: MOHAMED RAGE MUSA
゚viralシfypシ゚viralシalシ
14/02/2026
Magacaabis
--------------------------------------------
Ku: Cabdi Xuseen Axmed
Og: Gudoomiye Ku xigeenka MDD
Og : Gudoomiyaha Goloha Shuurada MDD
Og : Gudoomiyaha Maaliyada MDD
UJEEDO: Xilka-Magaacbis Afhayeeenka Midowga Dugsiyada Deexda Degmada Balcad MDD
Anigoo Ah Guddoomiyaha Midowga.
KADIB MARKAAN KU QANCAY: Aqoontoontiisa, Khibradiisa iyo Kartidisa
MARKAAN ARKAY: Baahida loo qabo in la dar-dar galiyo howlaha Midowga Dugsiyada Deexda Ee Degmada Balcad .
MARKAAN ARKAY: Baahida loo qabo kor joogteynta iyo isku xirka MDD
waxaan maanta oo ay Taarikhdu tahay 14/02/2026 mudanahaan hoos ku xusan loo magaacabay.
1. Cabdi Xuseen Axmed
Afhayeenka Midowga Dugsiyada Deexda
Hadaba Waxaa La Farayaaa Masuulkaan Xilka Loo Magacaabay Inuu Shaqadiisa u guto Si Ay Ku Dhayhantahay Hufnaan Iyo Daacadnimo.
Mahadsanidiin--Wabilaahi-Tooqfiiq
W/Q:XOGHAYA MDD: MOHAMED RAGE MUSA
゚viralシfypシ゚viralシalシ ゚ ゚
08/02/2026
Tacsi Dhamaan Midowga Dugsiyada Deexda
Waxaa ay halkaan tacsi ugu dirayaan
Walaalken Wiish Cadoow oo walaashiis Faadumo caddow ku geeriyootay magaalada muqdishu samir iyo iimaan allh naga siiyo .
01/02/2026
Bismilaah Warbixin :-
Shallay oo taariikhda aheeyd 31-1-2026 Waxaa shir muhiim ah iskugu imaaday
Madaxda u sareeysa ee Midowga Dugsiyada Deexda Ee Degmada Balcad
-Ugu horeeyo gudoomiye ha Midoowga Mudane Faarax Maxamed
-Gudoomiye ku xigeen ka Midowga mudane Moham'd Omar Sheikh Hussein
-Gudoomiye ha maaliyadda midowga mudane Mohamed Abdullah Alli
=Ujeedda Shirka=
1-Iska Wareeysiga Hab Socodka Waxbarashada dugsiyada Midoowga oo shallay dib u furmay nifsiga dambe 2025 2026
2.Dhameestirka boosaska muhiimka ee ka banaan Midoowga (Guddoomiyaha waxbarashada &Gudoomiye ha goloha Dhexe)
3.Sidii loo sameey lahaa shirar joogto ah ee Midoowga & xubnahiisa ah
4.Aqrinta sharciga Midoowga
== Maxaa ka soo baxay =
1. Si Hoowlahaas Loo Qabto Dhamaan Xubnaha & Madaxda Midowga Oo Dhan Waxaa lagu balaminaa shir weeyne dhici doono maalinta jimcaha Ee Soo Socota Ka Na Dhici Doono Beerta Caliyaale
2.In Xilal Kala wareejin Rasmi Ah Dhici doonto dhamaan ay goob joog ka noqdaan xubnaha midowga
3.In sharciga Midoowga la an sixiyo ka badalis iyo ku daris
4.In xubnaha aqristaan an saxiyaan maaliyada Midoowga
Wabilaahi Toowfiiq
XOGHAYA MIDOWGA
MOHAMED RAGE MUSA
゚viralシfypシ゚viralシalシ
22/01/2026
Magacaabis
Gudoomiye ha Midoowga Dugsiyada Deexda Mudane Faarax Maxamed
Iyo Gudoomiye ku xigeen ka Midowga Dugsiyada Deexda mudane Moham'd Omar Sheikh Hussein ayaa soo magacaabay Guddoomiye ha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee midowga dugsiyada deexda.
Keddib markii loo baahday xubin ka shaqeeysa hormarinta maskaxeed iyo jireed ee ardayda dugsiyada hoos yimaada midowga
Gudoomiyaasha markee arkeen kartida iyo hoolkarnimada uu u leeyahay shaqadaan u magacaabay noqdo gudoomiye ha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee midowga .
Gudoomiyaasha ayaa kula dardaarmay inuu uguto gudoomiye ha hoowshaan si degdeg ah la na yimado waxqabad muuqda
゚viralシfypシ゚viralシalシ
W/Q: XOGHAYA MDD
Mohamed Rage Muse
20/01/2026
Magacaabis.
Gudoomiye ha Midoowga Dugsiyada Deexda Mudane Faarax Maxamed ayaa u magacaabay mudane Mohamed Cabdulaahi Cali [ Gudoomiye ha maaliyada midowga] .
Gudoomiye ha ayaa ku soo magacaabay keddib markuu arkay kartida , aqoonta ,iyo hufnaanta uu leeyahay mudanaha la magacaabay .
Gudoomiye ha ayaa u rajeeyay inuu guto waajibkiisa weliba sida ugu degdegsan .
Gudoomiye ha ayaa amray inee la shaqeeyaa dhamaan xubnaha iyo fullinta Midoowga oo dhan masuulkaan
Wabilaahi Toowfiiq
W/Q: XOGHAYA
Mohamed Rage muse
゚
゚viralシfypシ゚viralシalシ
20/01/2026
Warbixin:-
Shallay oo aheeyd 19-1-2026 Isliin , gudoomiye ku xigeen ka Midowga Dugsiyada Deexda Ee Degmada Balcad Mudane Moham'd Omar Sheikh Hussein
Iyo Xoghaye Ha Midoowga ayaa ka qeeyb galay
Xafadlada furitaanka dugsiga Gabdhaha deegaanka Darmooleey ayagoo halkaas u tagay arrimo shaqo oo muhiim ah .
Gudoomiye ha midowga ayaa la qaatay kullan is xog wareeysi ah Agaasimka waxbarashada Gobolka Banaadir Gudoomiye ha degmada heliwaa & Oodayaasha deegaanka .
Gudoomiye ha midowga ayaa socdaalkiisa ku soo dhamaaday guul
W/Q: Mohamed Rage
゚viralシfypシ゚viralシalシ