26/07/2023
Twitter logodiisa wuxuu ka dhigay X oo wuxuu ka guuray shimbirtii.
Elon musk profilekiisa twitter ayaad arkaysaa in uu X ka dhigay sidoo kale twitterka qaybta websiteka X ayaa laga dhigay durba.
X.com waxaa uu ahaa bank uu Elon Musk sameeyey 1999 markii dambana waxaa laga dhigay Paypal, waxaana ka iibsatay Ebay waana meesha uu Billionaireka ku noqday.
Wuxuu yiri, "X.com waxay noqonaysaa dhaqaalaha adduunka yaalla barkii haddii si sax ah loo sameeyo".
Wuxuu aaminsan yahay in uu ka dhigi doono bank weyn oo si fudud (fast money transfer ) ku kala gudbiya lacagaha.
Xiligii uu sidaas aaminsanaa waa 1999, hadda ayuuna rabaa in uu riyadii rumeeyo.
Sababta aan Elon Musk u hadal hayno waxaa weeye in marka cryptocurrency laga hadlayo ay khasab tahay inaad la socotid dhaqdhaqaaqa Elon Musk.
Waa qofka koowaad ee dhaqaajiya priceka Dogecoin, wuxuuna saamayn ku leeyahay cryptoda kale. Tusaale sanadkii 2021 Bitcoin oo maraysa $24k ayuu iibsaday $1.5 Billion wax u dhigma oo Bitcoin ah, xayeysiis afka ahna waa uu ugu daray. Ilaahay wuxuu qadaray in ay gaarto $68k.
Wuxuu sidoo kale sheegay in sannadkan dhamaadkiisa laga yaabo in X la soo dhexgelin doono qaybta lacagaha (dirid/helid).
Yacni filo twitter oo laga dhigay bank!
Ninkaan markii uu Twitter ka bixinayey $44 Billion ujeeddo ka fog bare bulsho ayuu lahaa.
Waraysi uu siiyey youtuberka Zuby hadalkiisa waxaa ka mid ahaa in X ay noqonayso shirkadda ugu qiimaha weyn meerahan dhulka korkiisaπ.
βοΈ Asad Gaaciye