Al_Qalam primary and Secondary school
Our aim is to exhibit the quality of Al-qalam community achieved in terms of academic
sector.
SHAACIN. 28/08/2025
Shaacinta Furitaanka dugsiga hoose/dhexe &sare ee Alqalam degmada B/xaawo sannad dugsiyeedka 2025-2026
25/08/2025
25/08/2025
Cilaaminta Furitaanka Iskuulka iyo Qabashada Ardayda Cusub
Sanad Dugsiyeedka 2025โ2026
Ujeeddo: In si rasmi ah loo shaaciyo waqtiga iskuulka lagu furayo sanad dugsiyeedka cusub iyo habraaca soo dhaweynta ardayda cusub ee Form 1.
Waqtiga Rasmiga ah ee Furitaanka
Maamulka iskuulka wuxuu ku wargelinayaa dhammaan waalidiinta, macallimiinta iyo ardayda in sanad-dugsiyeedka 2025โ2026 uu si rasmi ah u furmi doono:
๐
Maalinta: [Sabti 30/08/2025]
๐ Saacadda: [7:30Am]
๐ Goobta: Dugsiga [Al-qalam primary&secondary]
Qabashada & Soo Dhaweynta Ardayda Cusub (Form 1)
Sanadkan cusub waxaa si gaar ah loo soo dhaweyn doonaa ardayda fasalka Form 1 oo ku biiraya qoyska waxbarasho ee iskuulka Al_qalam Waxaa loo qaban doonaa:
1. Dunwaangelin iyo sharaxaad guud โ Ardayda waxaa lagu barayaa nidaamka iskuulka, qawaaniinta, iyo adeegyada kala duwan ee dugsiga.
2. Kulan isbarasho โ Ardayda cusub iyo macallimiinta ayaa isbaran doona si loo abuuro jawi kalsooni iyo wada-shaqayn.
3. Tababar gaaban โ Waxaa lagu baraarujin doonaa muhiimadda waqtiga, akhlaaqda iyo qorsheynta waxbarashada.
4. Dardaaran iyo dhiirrigelin โ Ardayda waxaa loo gudbin doonaa dardaaran ku saabsan sida ay uga faaโiidaysan karaan fursaddan cusub ee waxbarasho.
Dardaaran Kooban
Ardayda cusub: Ku bilow sanadka dadaal iyo niyad wanaagsan, waayo waa bilow muhiim ah oo mustaqbalkaaga dhisayo.
Waalidiinta: Waxaa laga codsanayaa inay la shaqeeyaan iskuulka si ubadkooda loogu hogaamiyo guul.
Macallimiinta: Waxaa laga rajeenayaa inay si kalgacal iyo xirfadaysan u hoggaamiyaan ardayda cusub iyo kuwii h**eba.
Gunaanad
Furitaanka sanad dugsiyeedka 2025โ2026 wuxuu noqon doonaa maalin muhiim ah oo lagu xasuusan doono bilow cusub iyo soo dhaweyn arday cusub. Waxaan Eebbe ka rajaynaynaa inuu sanadkan ka dhigo mid barako, guul iyo horumar u leh dhammaan ardayda iyo maamulka iskuulka.
Mahadsanidiin
24/08/2025
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda ku guuleystay dhamaystirka imtixaanka qaranka ee Fasalka 4. Tani waa guul weyn oo ka turjumaysa dadaalkiinna, adkaysigiinna iyo waalidkii, macallimiintii, iyo bulshada idin garab taagnayd.
Imtixaanku waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah jidka nololeedkiinna, wuxuuna u gogol xaarayaa fursado cusub oo waxbarasho iyo mustaqbal ifaya. Waxaan idiin rajaynayaa in guul iyo horumar aad ku tallaabsataan marxaladda xigta, kuna sii socotaan dadaal, akhlaaq iyo isku duubni.
Ha ilaawina in imtixaanka kaliya uusan ahayn halbeegka nolosha, balse uu yahay albaab idiin furmaya si aad u muujisaan kartidiinna iyo himilooyinkiinna.
Mar labaad hambalyo, guul iyo barako dhammaan ardayda fasalka 4! ๐๐โจ
12/07/2025
Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/07/2025 waxaa dugsiga hoose /dhexe iyo sare ee Al_qalam ee degmada B/xaawo lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay taasoo ku saabsaneed xiritaanka dugsiga ee sanad dugsiyeedka 2024_2025 taasoo ay ka soo qeyb galeen maamulka dugsiga barayaasha gudiga waalidiinta waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale waxaana abaalmarino lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalimaha h**e gashay, ayadoo ay hadalo ka jediyeen maamulka iyo qaar waalidiinta ka mid ayago bogaadiyey hab sami u socodka waxbarasho ee dugsiga
22/06/2025
Waa maalin kale oo lama ilaawaan ah! Ardayda Fasalka 12aad (F4) ee Dugsiga School, ka dib markii uu usoo dhamaaday imtixaankii Qaranka,
Waxay Maamulka iyo macalimiinta la yeesheen Kulan mahadnaq ah.
Kulankaan oo ardayda loogu Soo jeediyay kalmada isugu jiray, bogaadain iyo dardaaran, ayay ardaydu macalimiinta u sameeyeen qado-sharaf taas oo loogu talagalay maamulka iyo dhammaan macallimiinta u taagnaa mudada dheer kobcinta aqoontooda.
๐ Waxaa farxad iyo dareen wayn lagu guddoonsiiyay hadiyado qiimo leh, kuwaas oo calaamad u ah:
Qadarinta
Jacaylka iyo
Mahadnaqa
ee ay u hayaan dadaalka, waqtiga iyo juhdiga macallimiintu geliyeen in ay gaaraan heerkan muhiimka ah.
๐ Halkudhigga maalintaa:
> โMahadsanid Macalinโ
ayaa noqday eray si qiiro leh qalbiyada u taabtay, dhiirrigelin iyo xusuus reebna noqday.
Ugu denbeynti maamulka iyo macalimiinta ayaa u rajeeyay ardayda natiijo wanaagsan iyo guul inay ka keenaan imtixaanki ay galeen iyo noolasha kaleba.
waa waajib iyo halgan aan kala goโ lahaynโฆ Arday guulaystayse waa abaalmarinta ugu weyn ee macallinku helo.
21/06/2025
Waxa lagu adeeg dheeriya oo qayma jaban ee ka faa,idayso
tiiraanyo leh
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุงููู ุฑุงุฌุนูู"
โุฅู ููู ู
ุง ุฃุฎุฐ ููู ู
ุง ุฃุนุทู ููู ุดูุกู ุนูุฏู ุจุฃุฌูู ู
ุณู
ู
Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan bahda Primary & Secondary School waxay si qoto dheer uga tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid
oo u geeriyooday xabad gurigooda ugu tagtay xilli la jiifay. waxuu ka mid ahaa ardaydeena Dugsiga wax ka barta.
Geerida marxuumka waxay nagu noqotay murugo weyn, waxaana si gaar ah uga tacsiyeynaynaa waalidiinta, qaraabada, asxaabta, iyo dhammaan ehellada. Ilaahay ha u naxariisto, ehelka iyo asxaabtana samir qurxoon ha naga siiyo.
Waa dhacdo naxdin leh oo xusuus inoo noqonaysa muhiimadda nabadda iyo badbaadada bulshadeenna.
05/06/2025
๐ Xafladda Sagootinta Fasalka 12aad
๐ Alqalam Secondary School
4-ta Juunyo 2025
๐ Sanad Dugsiyeedka 2024โ2025
Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ahayd inaan si rasmi ah u sagootinno ardaydii fasalka 12aad ee dhammaystay waxbarashadoodii heerka dugsiga sare ee .
Munaasabaddan qiimaha leh oo ka tarjumaysay kartida, dadaalka, iyo halganka ardayda, waxa ay ahayd mid xambaarsan xusuus, mahadnaq, iyo hammuun hor leh oo loogu sii jeedo wejiyada cusub ee nolosha waxbarasho iyo shaqo.
Ardayda la sagootiyay waxay muujiyeen tayo waxbarasho, anshax iyo maskax furan, taasoo ka dhigtay kuwo lagu faano. Waxaan si kal iyo laab ah ugu rajeeyneynaa inay ku guuleystaan imtixaanka qaranka ee nagu Soo food leh iyo heerarka kale waxbarasho.
Sagootinta maanta ma ahayn dhamaad, balse waa bilow cusub oo ardaydu ay u gudbayaan marxalad sare oo nooloshooda ah โ mid ay hoggaan ka noqon doonaan naftooda, bulshada iyo qarankaba.
Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa:
hagidda wanaagsan iyo hufnaanta waxbarasho bixiyay,
garab istaagga joogtada ah muujiayay,
dadaalka iyo dulqaadka la yimid muddada ay ku jireen safarkooda aqooneed
Dugsiga Alqalam wuxuu leeyahay taariikh wax soo saar wax ku ool ah: waxaa h**ey uga baxay arday badan oo maanta door muuqda ku leh bulshada dhexdeeda โ aqoon yahanno, adeegayaal daacad ah iyo hogaamiyeyaal u heellan dalkooda.
Dhanka kale, ardaydu waxay si gaar ah macallimiintooda ugu muujiyaan jacayl iyo tixgelin, iyagoo si farxad leh ugu guddoonsiiyay hadiyado sharaf iyo duco wadata.
Fasalka 12aad โ 2024/2025
Waxa tihiin rajo dhalatay, waxa tihiin mustaqbal ifaya. Socdaalkiinnu ha noqdo mid barako leh.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 06:30 - 13:00 |
| Tuesday | 06:30 - 13:00 |
| Wednesday | 06:01 - 13:00 |
| Thursday | 08:29 - 13:40 |
| Saturday | 08:00 - 18:29 |
| Sunday | 06:00 - 17:00 |