Badbaadiye High School

Badbaadiye High School

Share

Goob Waxbarasho Hoyga Aqlaaqda iyo aqoonta

Photos from Badbaadiye High School's post 02/01/2026

Dugsiga Badbaadiye High School

Dhiirrigalinta iyo Hal-abuur Dhalinyarada – Sanadkan Cusub ee 2026

Hordhac

Sanadkan cusub ma aha kaliya bog cusub oo taariikhda ah, waa fursad cusub oo aad naftiinna ku dhistaan.

Waa sanad lagu kala bixi doono kuwa ku riyooda iyo kuwa riyada u beddela ficil.

Adinka, dhalinyarada Dugsiga Badbaadiye, waxaad tihiin iftiinka mustaqbalka.

Dhiirrigelin

Dhalinyarooy, ha u oggolaan caqabado yar yar inay kaa hor istaagaan riyadaada weyn.

Qof kasta oo guulaystay wuxuu mar soo maray guuldarro, balse kala duwanaanta guuleystaha iyo kan fashilma waa adkaysiga.
Baro inaad ku kacdo markaad dhacdo, oo aaminsanow in dadaalkaaga maanta uu yahay guushaada berri.

Xusuusta:

Aqoontu waa hubka, dadaalkuna waa furaha, anshaxuna waa waddada guusha.

Hal-abuur

Sanadkaan ha noqdo sanad:

1. Aad fikrad cusub la timaaddo

2. Aad su’aalo weydiiso, halkii aad ka koobnaan lahayd jawaabaha

3. Aad isticmaasho caqligaaga, hibadaada iyo kartida Alle ku siiyay

Hal-abuurku ma aha wax yar oo gaar u ah dad gaar ah, ee waa geesinimo lagu tijaabiyo wax cusub.

Ha ka baqan qalad, waayo qaladku waa macallinka ugu fiican.

Guubaabo

B. Ujeeddo cad yeelo

T. Waqtigaaga ilaali

J. Saaxiib wanaagsan la noqo

X. Waxbarashadaada mudnaanta sii

Kh. Naftaada rumayso, xitaa marka cid kale kaa shakisan tahay

Gunaanad

Dhalinyarada Dugsiga Badbaadiye, sanadkan cusub ha noqdo sanad aad ku qorto taariikh cusub—taariikh ay ku qoran yihiin guul, anshax, aqoon iyo hal-abuur.
Mustaqbalku wuu idin sugayaa, adinkuna u diyaargarooba.

Qofka maanta dadaala, berri lama ilaawo.

Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin. 🌱✨

Waxaa dhambaalkaan idiin soo hibeeyi

Maamulka iyo Muasasada dugsiga Badbaadiye

Photos from Badbaadiye High School's post 01/01/2026

Maxaa casharka baratay sanadkaan tahay?

Qorshahaaga sannadkii tagay 2025 maxaa kaaga hirgalay?

Hordhac

Waxa dhammaanaya sannad, waxaana bilaabmay. Sidaas darted waa muhiim inuu qofku iswayddiiyo: Qorshayaashii aad hiigsanaysay sannadkan 2025ka maxaa kaaga hirgalay? Maxaa kaa qabyoobay? Maxaad fursado heshay sannadkii tagay? Maxaa caqabado ah ee kaa horyimid?

Qorshahagii maxaa hirgalay?

Qofkastaa wuxuu lahaa qorshayaal iyo riyooyin uu rabay inuu gaadho sannadkan dhammaanaya, adiga maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii? Maxaa kaaga hirgalay qorshihii dhinaca dhaqaale samaynta? Maxaa kaaga hirgalay qorshayaashaadii dhinaca waxbarashada iyo aqoonta? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii dhinaca waxkorodhsiga iyo aqoonta guud? Maxaa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii la xidhiidhay dhinaca shaqada iyo xirfadaha?

Qorshayaashaadii maxaa qabyoobay?

Marar badan ma dhacayaan in aad gaadhid waxkasta oo aad ku hammidid, marmar waxa imanaya gidaarro iyo caqabado kaa hor imanaya oo u baahan xal iyo taxliilin. Iswayddii maxaa qorshayaashaadii ka qabyoobay? Ma qaar ka mid ah ayaa qabyoobay mise way wada qabsoomeen? Miyay wada qabyoobeen mise qaarna way qabsoomeen, qaarna way qabyoomeen?

Waxa aad ogsoonaataa in wixii kaa qabyoobay aanu ahayn guuldarro — balse uu yahay cashar. Wuxuu ku barayaa in horumar mar walba jiro, lana sii dhisi karo.

Maxaad fursado heshay sannadkan 2025?

Nolosha marmar waxa ku soo mari kara waxyaabo kuu noqon ka fursad iyo jaanis oo u baahan in aad ka faa’idaysatid. Fursadahaasi waxa ay noqon karaan kuwo nololeed, kuwo waxbarasho, kuwo shaqo, iyo kuwo kale oo manfac kuu leh. Markaa waa muhiim in aad iswayddiisid fursadihii aad heshay 2025 ma ka faa’idaysatay, mise way kaa dayacmeen?

Maxaa caqabado ah ee kaa horyimid 2025?

Way jiri karaan caqabado badan oo aad sannadkan la kulantay, waa muhiim in aad caqabadahaas taxdid, ka dibna xalka aad sannadka socda ku xallin lahayd aad ka sii fekertid. Nolosha wax bilaa caqabad ahi ma jiro.
Hadaba sanadka cusub wuu bilowdee maalintiisa koowaad way dhamaatee maxaa qorsha ah?

Bahada aqoonta iyo waxsoosaarka makamid tahay?
Wax aqri si aad u fikirto oo aad wax usoo daarati.
W/Q: Ustaad Abdifitah Arab

Photos from Badbaadiye High School's post 23/12/2025

Calankeena waa astaanta dalkeena

Calanka Soomaaliya waa astaan
qaran oo muujinaya midnimada iyo
madaxbannaanida ummadda
Soomaaliyeed.
Midabkiisa buluugga ah wuxuu ka
tarjumayaa cirka iyo badaha dalkeenna,
halka xiddigta cad ay astaan u tahay shanta gobol ee ay Soomaalidu degto.
Calankeenna wuxuu leeyahay
muhiimad weyn, maadaama uu mideeyo shacabka, korna u qaado dareenka waddaniyadeed iyo jacaylka dalka 🇸🇴.

Da"yartii dugsiga oo daljaceelka
Muujineysa iyo soodhawaynta
Ubaxii iyo iftiinka mustaqbalka
Dalkeena soomaaliyeed jah.



21/12/2025

Ogeysiis dhamaaan

Ardayda galableeyda ah ee dugsiga

Waa fasax ilaa sabtida insha Allah

Dugsiga Badbaadiye High School waxa ay ku Wargelinayaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo Macalamiinta in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Dugsiga inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025.

Fuustadii ay ardayda sooriixeen oo rumoody.

DHAMMAAD

Photos from Badbaadiye High School's post 15/12/2025

.

Dhamaan maamulka, macaliminta iyo ardayda dugsiga Badbaadiye High School waxay Ka tacsiyadenayan geeridii ku timid ardaygeena

Abdirisaaqa Abuukar maxamed
Oo kamid ahaa ardaydee dufcadii 1aad ee dugsiga Badbaadiye School

Dhamaan reerka Abuukar maxamed waxaa leynahay ilaah samir iyo Iiman ha naga wada siiya ..
waxan ilaah ugo baryaynaa in uu kitabkisa gacantisa midigta ah ka siyo kana warabiyo janadii fardowza. Anagana ilaahay gadashiisa nama fidneeyo…….

Kuwii dilayna maalinta qiyaama ayaa alle la idin horkeeni doonaa insha allaah

‎( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)

‎إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى

Aamin aamin….

Photos from Badbaadiye High School's post 05/12/2025

Isku duubniddu waa awoodd

Wadijirka waa wanaag iyo waayo wacan

Saaxiibada Waxbarashada, waa walaalo iska jecel dadka kale way iskaga dhowyihiin ...

Waxay isu yihiin wehel inta lagu jiro safarka waxbarashada ee tacliinta (Dugsi; hoose, dhexe, sare iyo xataa tacliinta sare). Wey istaageeraan oo is dhiirigeliyaan.

Saaxiibka wanaagsan waa sed iyo deeq rabbi uu siiyo dadka qaar.

Soo xasuuso saaxibadaada aad ku midowdeen, dariiqa waxbarashada. ✍️👇




Photos from Badbaadiye High School's post 30/11/2025

Xuska MAALINTA MACALINKA soomaaliyeed

Xuska MAALINTA MACALINKA SOOMAALIYEED.

Wali waxaan kujiraan xuska macaliminteena

Macalinka Soomaaliyeed waa tiirka ugu weyn ee dhismaha bulshada. Waa qof u shaqeeya nolol-dhis, halgan iyo himilo, isaga oo mar walba wata ujeeddo sare: in uu badbaadiyo jiilka maanta oo uu dhiso jiilka berri. Isagu waa halyey aan hadal badnayn balse ficil badan, waa iftiin u baxa ubadka Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo hogaamiya, hal-abuura, oo mustaqbal leh.

Macalinka Soomaaliyeed waa hanti qaran oo aan qiime lagu dhajin karin. Wuxuu ka shaqeeyaa meel kasta oo nolol ka jirto – baadiye, tuulo, magaalo iyo xataa meelaha ugu adag ee adeegga ka liita. Wuxuu ardayda barayaa ma aha oo kaliya xisaab, af-soomaali ama saynis, balse wuxuu barayaa sabir, dadaal, dadnimo, anshax iyo riyo leh yool.

Wax kasta oo bulshadeenu maanta ku faanto – dhakhtarro, injineerro, culimo, macallimiin kale, ganacsato iyo hoggaamiyeyaal – waxaa asal u ah hal macallin oo maalmo badan seexan waayey si uu jiilka u kobciyo.

Waa halyey Qaran macalinkeena
Waa iftiinka ummadaha oodhan
Waa u gargaar aha bulshadeena.
Waa umaciin badaha bulshadiisa

28/11/2025

MACALINKA waa hagaha bulshada

Waa hormariyaha bulshada

Waa deeqsi iyo dardargaliyaha bulshada

Waa udiirnaxaha dadkiisa iyo diintiisa

Macallinku waa ilayska
Nolosha iftiimiya,
Waa hoggaamiyaha
qalbiyada curyaansan kicisa,

waa dhisaha bulshada iyo

kobciyaanka mustaqbalka.

Amaan macallin waa amaan lagu sharfo qof halgan iyo hawl adag u jira in uu wax baro jiil dhan.

Waa meerisyo ay kujireen
Tuducya ay kujiraan amaan macalin
Oo ay qaadeen qaar kamid ardaydeen.

Barashada MACALINKA waa aqoon iyo aqlaaq.




Photos from Badbaadiye High School's post 24/11/2025

Waxaa wali socda dabaal daga iyo xuska MAALINTA MACALINKA soomaaliyeed.

Macallinku wuxuu door mug weyn ka qaataa dhismaha ardayga, bulshada iyo dalka oo dhan.

Macallinka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaannaa adkeysi, dulqaad iyo howlkarnimo, isaga oo ku shaqeeya duruufo adag oo uu la wadaago dadkiisa, haddana aan ka daalin hagidda jiilasha soo koraaya ee dalka leeyahay.

Waa macallinka midka soo saara qof walba oo bulshada iyo dalka u qabta hawl muhiim ah.

Sidaas darteed, wuxuu naga mudan yahay qadarin, qiimeyn iyo in aan ku garab istaagno gudashada waajibaadka sharafka leh ee macallinnimo uu nooheeyo.

Macallinkeen Allow kaal, macallinkiis Allow kaal, qof walbana Allow kaal. 🤲🤲



21/11/2025

FASAX GUUD MAALINTA MACALINKA

Asc dhamaan bahda dugsiga badbaadiye waalidiin, macalin iyo arday waxaan kuwargilineeynaa maalinta bari ah dugsiga fasax yahay 22/11/2025

Maalinta MACALINKA soomaaliyeed ogowgeed.

Photos from Badbaadiye High School's post 21/11/2025

HAMBALYO
MAALINTA MACALLINKA

maanta oo ay taariikhdu tahay 21-ka November u diraayaan hambalyo iyo maamuus gaar ah dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba, munaasabadda Maalinta Macallinka awgeed.

Macallinku waa laf-dhabarta horumarka ummadda; waa halgamaa u hura waqtigiisa, aqoontiisa iyo tamartiisa sidii uu u dhisi lahaa jiil aqoon, akhlaaq iyo u adeegid bulsho leh. Waxbarashadu maaha oo kaliya buug iyo fasal, balse waa tababar qalbi iyo maskax lagu kobciyo — waxaana shaqadaas culus leh oo sharafteedu weyn tahay qabta macallinka.

Maamulka Waxbarashadu wuxuu bogaadinayaa:
1:dadaalka joogtada ah ee macallimiintu geliyaan tayeynta ardayda,
2: adkeysiga iyo dulqaadka ay ku wajahayaan caqabadaha waxbarashada.
3: daruufaha dhaqaale iyo mid bulsha intaas.

Waxaan u rajaynaynaa macallimiinta oo dhan caafimaad, sharaf, guul iyo in lagu xuso maalin kasta, ma aha oo kaliya maanta oo kale.

Hambalyo Maalinta Macallinkeena
Waxaad leedihiin mahadnaq aan la soo koobi karin.
Guuleysta Adduun Iyo Aakhiro...

Waxaad dhistaan mustaqbalka ummada oodhan.
Macalinkeen allow ka aal


17/11/2025

Ubadkeena waaa amaana kaloo dhiibtay waana furaha waxsoosaarka mustaqbalka iyo jiilka dambe.

Arday kamid ah ardayda dugsiga oo soojeedinaayo gabay amaan macalinka ah

Soojeediye

Xamdi Abdi cilmi



Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu
252