10/08/2026
Hadalka laga soo sheegay madaxweyne Deni dhinacyadaan aan ka fiirinno;
1- Hadal kastaa wuxuu leeyahay xilli ku habboonoo siyaasigu yiraahdo, xilligaan ay dadku u muuqatay rajo hub-ka-dhigis, waxaa abuurmay dareen xukun kororsi, madaxweynuhu si dadka kale hubka looga dhigo wuxuu u baahanyahay fariimo dajin ah, nuxurkeeduna yahay: in mindiyaha wax lagu bireeyo dhammaantood gacantiisa soo galaan.
2- Waxaan fiiriyay barta rasmiga ah ee madaxtooyada, kuma qorna in madaxweynuhu hadalkaa yiri, muuqal duubanna ma jirin! Sidaa daraadeed, hadalku madaxweynuhu yiri, wuxuu ahaa: ( Off the record).
3- Waxaa jira wax la yiraahdo " Contextual Intelligence" oo ah fahamka guud siday wax u socdaan, waa aragtii qoraagii Mareekanka ahaa: Joseph S. Nye curiyay, dhacda kastaa waxaa lagu falanqeeyaa waqtigay ku soo aadday, armaan gacanta u galnay kali-talisnimo halis ah.
4- Shareecada Islaamka, waxaa jira ganacsi xaaraan ah, waa inaad qofka ka iibiso badeeco aan Jirin ( BAYCUL AL-MACDUUM WAL MAJHUUL) tusaale: kalluun badda ku jira oo an weli la soo jilaabin, midho aan weli bislaan oo aan soo go’in IWM, xisbiga “Kaah” waxaa shaqo ugu dambeeysay dhamaadkii 2023-kii, in la yiraahdo murashax xisbiga ah ayaan dhisayaa waa kala iibsigii xaaraanta ahaa, horta dalku nidaamkii dimuquraadiyadda ahaa haku soo noqdo.
5- Dastuurka oo lagu dhaqmaa waa badbaado, madaxweynuhu hadduu rabo inuu taariikhda baal qurxoon ka galo haku dhaqmo dastuurka, muddo xileedkiisuna siduu dastuurku qabo hadduu fuliyo ogaada isaguna wuu is badbaadiyay, dalkana wuu bad baadiyay, ee ma sameyn doonaa arrinkaa?!! Maalmahaa noo macallin ah!
Ashkir Nuur
10/08/2026
HOOSAASIN NABDOON
Waxay dhaheen si ardayda badan ee imtixaanka ku dhaceysa loo yareeyo ayaa darajada gudbitaanka hoos loo dhigay oo 35% laga dhigay.
Taas waxa ay la mid tahay dhaqaatiirta oo dhaha si dadka cudurka Dhiigkarka (Hypertension) qaba loo yareeyo kor ha loo qaado cabbirka cadaadiska dhiigga caadiga ah (Normal Blood pressure).
Ka warran haddii intan shir u fariisanno isku raacno in Normal blood pressure ku eg yahay 160/120? Sow sidaas ku yaraan maayaan dadka cudurka Dhiigkarka la nool?
Cudurka arrinkaas ma nala fahmayaa oo dadka aan in ay caafimaad qabaan u aqoonsannay jirkooda waxyeellada ma ka deynayaa? Taas waxaa la mid ah ardayga asiga oo aan aqoontiisa ku gudbin la isku raacay in la gudbiyo.
Ardayda yaan la saahumin ee si dhab ah ha loo baaro waxa keenay in ay imtixaanka ugu dhacaan si quman na wax ha looga qabto. Markii wixii qaldan la saxo ardaygii kaddib imtixaanka ku baasi waayo na yaan been looga marqaati kicin ee warqadda marqaatiga ha loogu qoro in uu DHACAY.
Cilmi Faradheere
06/08/2026
SOW SAGAARO IMA BARATO: SOOYAALKA TAARIIKHDA IYO KALITALISNIMADA
Taariikhdu waxay ina baraysaa in kalitalisnimadu aysan mar walba ku dhalan afgambi ama xoog ciidan. Mararka qaarkood waxay ku timaaddaa hoggaamiye si dimoqraadi ah loo doortay oo si tartiib tartiib ah u wiiqa hay'adihii ilaalin lahaa dastuurka iyo kala dambaynta awoodda, ilaa ugu dambayn awooddii oo dhan ku ururto isaga. Sidaas darteed, kalitalisnimadu hal maalin kuma dhalato; waxay ka unkantaa duruufo siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale oo muddo soo taxnaa.
Calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto jidka loo maro waxaa ka mid ah:
Dhibaato weyn oo dhacda: Dagaal, burbur dhaqaale, amni-darro ama qalalaase siyaasadeed ayaa bulshada ku riixa inay mudnaanta siiyaan xasilloonida, xitaa haddii qiimaha lagu bixinayaa noqdo in xorriyadaha iyo awood-qaybsiga la dhimo. Xilliyadaas kala guurka ah, indheergaradka iyo dadka digniinta bixiya inta badan waa la takooraa oo waxaa lagu tilmaamaa cadowga horumarka iyo dawladnimada.
Hoggaamiye isu muujiya badbaadiyaha: Wuxuu bulshada ku qanciyaa in isaga mooyee uusan jirin ruux kale oo dalka badbaadin kara. Mar kasta oo dhaliil loo jeediyana, wuxuu eedda dusha ka saaraa mucaaradka, kooxo gaar ah ama quwado shisheeye si uu uga leexiyo dareenka shacabka.
Wiiqidda hay'adaha dowladda: Baarlamaanka, garsoorka, guddiyada doorashada iyo hay'adaha kale ee madax-bannaan ayaa si tartiib tartiib ah awooddooda loo dhimaa, ilaa go'aannada muhiimka ahi ku soo ururaan hal xafiis ama hal qof.
Xakamaynta warbaahinta: Warbaahinta madaxa-bannaan waa la cabburiyaa ama la aamusiyaa, halka la xoojiyo warbaahinta iyo weriyeyaasha u adeega danaha taliska. Ujeeddadu waa in la maamulo waxa ay bulshadu maqlayso.
Caburinta mucaaradka: Siyaasiyiinta mucaaradka, aqoonyahanka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada waxaa lagu sameeyaa handadaad, xarig ama cadaadis joogto ah si loo waayo cid si xor ah ula xisaabtanta maamulka.
La wareegidda ciidamada amniga: Ciidanka iyo hay'adaha sirdoonku waxay ka leexdaan waajibaadkoodii dastuuriga ahaa, waxayna u adeegaan ilaalinta kursiga hoggaamiyaha halkii ay ka ilaalin lahaayeen shacabka iyo sharciga.
Doorashooyin muuqaal uun ah: Doorashooyin waa la qabtaa, balse tartanku ma noqdo mid hufan. Sharciyada, hay'adaha iyo awoodda dowladda ayaa loo adeegsadaa in lagu adkeeyo fursadda cidda talada haysa.
Ugu dambayn, awooddu waxay si buuxda ugu ururtaa gacanta hogaamiyaha. Xeerarkii xaddidayay muddada xilka ama kala qaybsanaanta awoodaha waa la beddelaa ama la baabi'iyaa, waxaana meesha ka baxa isla xisaabtan iyo isu dheellitirkii hay'adaha dowladda.
Sidaas ayay taariikhdu marar badan u muujisay: kalitalisnimadu inta badan kuma bilaabato xoog, balse waxay ku bilaabataa tanaasul yar oo loo sameeyo hogaamiyaha, kaas oo haddii aan la joojin, ugu dambayn noqda nidaam ay adag tahay in dib looga soo noqdo.
Gabagabadii in Puntland ku talaabsatay dhabihii guusha iyo kii kelitalisnimada, waxaa kala qeexi doona wakhtiga iyo waayaha. Hadii nidaamka dawladninadu uu si wacan u shaqaynayo, waa wax fiican in maamulka lays farab taago. Hase yeeshee nin baa laga sheegay " Sow Sagaaro Imabarato". Ninka maalintii uu tabarta yaraa xeerka dardaray haduu xoogaysto maxaa laga filan karaa? Dad badan oo maanta ku faraxsan awooda u korortay ini Deni, oo waxaa la arki doonaa haaraamaya maalin aan dheerayn. Anse waxaan kusoo af-meerayaa qormadan:
Saacadaha jidbada iyo
Marka dareenku saahido
Dadku wuu siloonyee
Ninka sacab tumaayow
Adna saadamaad Garan
Wuxuu waqalku soo sido
Inay tahay sir iyo samo
Sebenkaana kala guri
Wa bilaahi towfiiq
said dheere
01/08/2026
Dakhal Jabay.
...............
Waxaa jira geeri ka baxda xadka qoyska, ehekal iyo asxaabta. Waxaa jirta geeri ummad dhan dareensiisa in bog ka mid ah taariikhdeedii la laabay. Maanta, geerida Hoobal Axmed Cali Cigaal ma aha oo keliya geerida qof dhintay; waa sagootinta cod ka mid ahaa codadkii ugu xalladda dheeraa ee fanka Soomaaliyeed.
Marka ay geeridu garaacdo albaabka hal-abuurka, waxay dadka ku khasabtaa inay dib u eegaan wixii ay haysteen iyagoo aan dareensanayn qiimahooda. Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa tiirarkii ay ku taagnayd madasha fanka Soomaaliyeed. Codkiisu ma ahayn cod lagu maaweelo; wuxuu ahaa cod xambaarsanaa xusuus, jacayl, waddaniyad, hilaad iyo dareenka nololeed ee bulshada Soomaaliyeed.
Qofka fanaanka ahi ma noola oo keliya inta uu neefsanayo. Wuxuu sii jiraa inta ay dadku ku heesayaan heesihiisa, ku xusuusanayaan masraxyadiisii, kuna cabbirayaan dareenkooda ereyadii iyo laxamadii uu bulshada uga tegay. Sidaas awgeed, geerida Axmed Cali Cigaal ma damin karto iftiinkii uu shiday. Waxay keliya soo afjartay socdaalkiisii adduunka, balse ma aysan soo afjarin safarkii farshaxankiisa.
Muddo ka badan nus qarni ayuu ka tirsanaa hormuudkii fanka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa fannaan, jilaa, laxamiiste, muusikiiste iyo hal-abuur fahmay in fanku aanu ahayn madadaalo keliya, balse uu yahay kaydka xusuusta bulshada. Jiilal badan ayaa ku barbaaray codkiisa, kuwo kalena waxay ka barteen in fanku leeyahay masuuliyad dhaqan iyo mid bulsho.
Waxaa jira fannaaniin lagu xusuusto hal ama laba heesood, waxaana jira kuwo lagu xusuusto waayihii ay bulshada la soo mareen. Axmed Cali Cigaal wuxuu ka tirsanaa kuwa dambe. Mar kasta oo codkiisu hawada ka yeedho, waxaa soo noolaanaya waqtiyo badan oo dadka Soomaaliyeed wadaagaan. Heesihiisu waxay noqdeen buug aan waraaqo lahayn, balse qalbiyada lagu kaydiyo.
Geeridu mar walba waxay tijaabisaa xusuusta dadka. Waxay ina weyddiisaa: maxaa hadhay? Jawaabta maanta waa mid cad. Waxaa hadhay cod aan gaboobin. Waxaa hadhay hal-abuur aan waqtigu duugin. Waxaa hadhay taariikh uu ku leeyahay meel aan cidina ka tirtiri karin.
Waxaa murugo gaar ah leh in jiilkii dahabiga ahaa ee fanka Soomaaliyeed uu si tartiib tartiib ah uga sii guurayo dunida. Mid kasta oo naga tagaa wuxuu la tegayaa xusuus, waayo-aragnimo iyo sheekooyin aan dib loo soo celin karin. Laakiin wuxuu sidoo kale inoo reebayaa dhaxal ina faraya inaan ilaalinno afkeenna, suugaanteenna iyo fankeenna.
Bulsho aan xafidin hal-abuurayaasheeda waxay halis ugu jirtaa inay lumiso qayb ka mid ah nafteeda. Sidaas darteed, baroordiiqda ugu weyn ee loo hayo Axmed Cali Cigaal ma aha ilmo keliya; waa in la ilaaliyo heesihii uu qaaday, la ururiyo taariikhdiisa, lana baro jiilasha imanaya sababta loogu yeedhi jiray hormuudka fanka Soomaaliyeed.
Maanta waxaa aamusan codkii fanaanka, laakiin ma aamusin codkii taariikhdu. Waxaa istaagay garaacii wadnaha hal-abuurka, balse ma istaagin garaacii heesaha uu bulshada uga tegay. Taasi waa guusha dhabta ah ee fanaanka: inuu geeridu qaaddo jirkiisa, balse aanay qaadi karin raadkiisa.
Alle ha u naxariisto Hoobal Axmed Cali Cigaal. Samir iyo iimaan haka siiyo qoyskiisa, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaa laga yaabaa in masraxyadu ay waayaan joogitaankiisii, laakiin ma waayi doonaan magaciisii. Waxaa laga yaabaa in codkiisii aanu maanta innaga dhex yeedhin, laakiin wuxuu weligiis ka sii dhex guuxi doonaa qalbiyada dadka Soomaaliyeed.
Rag waa dhintaan; raadkooduna waa hadhaa. Axmed Cali Cigaal wuxuu ka tagay raad aan dabayluhu tirtiri karin iyo dhaxal uu waqtigu sii xoojin doono.
"Doorroone mawdkii hadduu, dunida kaa dheelmay
Malag Eebbe soo diray hadduu, maradii kaa diiray
Gegi ay dillaacsheen haddii, lagugu hoos duugey.
Rabbi kuu dallaayadi qabriga, labada daamoode
Oo derejo dheer iyo ku saar, dadab sariireede"
Khaliif Sh. Maxamuud
Abdille
25/07/2026
Colaadda soo noqnoqotay ee u dhexaysa beelaha walaalaha ah ee Gobolka Sanaag waxay u baahan tahay waxkaqabad dhab ah. Waxaa muddooyinkii u dambeeyey la wada arkayay baaxadda khatarta taagnayd iyo isku-hub uruursiga sii xoogaysanayay, hase yeeshee laguma guulaysan in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu raadinayo xal laguna baajinayo dhibaatada maanta dhacday.
Masuuliyadda ugu weyn waxay saaran tahay Xukuumadda Puntland oo waajib ka saarnaa ka hortagga iyo xal u helidda xiisadda u dhexaysay beelaha walaalaha ah. Sidoo kale, hoggaanka dhaqanka, culimada iyo guud ahaan waxgaradka Gobolka waxaa saaran masuuliyad culus oo ku aaddan ilaalinta nabadda, dhex-dhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka bulshada.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay qaataan masuuliyaddooda, gaar ahaan hay’adaha dowladda, isimada dhaqanka, culimada iyo waxgaradka, si loo soo afjaro colaaddan, loona helo nabad waarta oo ka hortagta in musiibo noocan oo kale ahi mar kale soo noqoto.
Ugu dambayn, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayey colaaddan, kuwa dhaawacmayna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu naxariistiisa ku mannaysto intii geeriyootay, nabadna ku soo dabaalo deegaannada ay colaaddu saamaysay, kana dhigo tan middii ugu dambaysay ee dhiig ku daato dayac iyo dulmi awgood.
Dr. Guled Salah