Barcelona News Somali

Barcelona News Somali

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Barcelona News Somali, Mogadishu.

waxaad halkaan kala socon doontaa wararkii ugu dambeeyay Ee kooxda Barcelona

Fadlan Nagu Soobiir oo Page-ka Like Saar Si ay Kuusoogaaraan aqbaaraadka Kooxda Barcelon

Mahadsanid.

21/06/2021

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo cusub ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara koxda Lazio ee Joaquin Correa sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa Arsenal iyaga oo dalab 17 milyan ah ka gudbiyay laakiin kooxda Lazio ayaa si deg-deg ah u diiday dalabkaas.

Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Il Messaggero Arsenal ayaa haatan dalab cusub oo u dhexeeya 17 ilaa 20 milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Argentine

19/08/2020

Ku soo dhowow guriga

RonaldKoeman

14/08/2020

🔥 MATCHDAY

Barcelona🆚 FC B. München

🏟 Estádio do Sport

🏆 UEFA Champions League quarter-finals

⏰ 9pm CEST

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa kulankan dhaawac kaga maqan difaaca reer France ee Samuel Umtiti, waxaase usoo laabtay oo diyaar ah Ousmane Dembele oo muddo sagaal bilood ah dhaawacyo ku maqnaa

Dhinaca Bayern Munich, difaaca khibradda badan ee Jerome Boateng oo dhibaato badan uu u gyestay Lionel Messi kulankii ugu dambeeyey ayaa kasoo kabtay dhaawac kasoo gaadhay kulankii Chelsea, sidoo kalena Kingsley Coman ayaa la filayaa in uu illoobo tabashooyinka yar ee uu ka dareemayo muruqa

📲

10/08/2020

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Bernardo Silva si ay xagaaga u keenaan Camp Nou

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Barcelona isha ku hayso xaalada xiddiga iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa xagaagan.

Isla wargayska ayaasheegaya in ay Barcelona isku diyaarinayso in ay lacag iyo waliba xiddiga Nelson Semedo miiska u saarto Man City si ay uga hesho Bernardo Silva

10/08/2020

Khadka dhexe ee ree Brazil ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo warramayaa inuu kaliya doonayo inuu kooxdiisa Bayern Munich ka caawiyo hanashada Champions League kahor inta uusan Barcelona kala hadlay heshiis uu kaga baxayo.

Coutinho ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay kooxda Premier League ee Arsenal suuqa xagaagan iyagoo hal sano oo amaah ah ku doonaya halka Barca ay isha ku hayso heshiis ay gabi ahaanba ku iibinayso

09/08/2020

Intii aanay bilaabmin ciyaartii Barcelona iyo Napoli ee xalay ka dhacday garoonka Camp Nou, waxa albaabka lagu joojiyey mid ka mid ah xiddigaha kooxda reer Spain oo loo diiday inuu gudaha usoo galo garoonka, kaas oo ku qasbanaaday inuu ku laabto gurigiisa

Saacad iyo badh ka hor intii aanay ciyaartii Barcelona iyo Napoli bilaabmin, waxa garoonka soo gaadhay xiddiga reer Brazil ee Arthur Melo oo kasoo laabtay waddankiisa isla markaana khilaaf weyni u dhexeeyey kooxda, qaab fasax la’aan ahna iskaga tegay

23 jirkan ayaanay Barcelona h**e ugu sii sheegin in aanu tegi karin garoonka, laakiin markii uu albaabka soo gaadhay ayey ilaaladu u sheegtay in lagu amray in aanay u ogolaanin inuu gudaha gaoronka u galo

09/08/2020

Kooxda Barcelona ayaa cashar ugu dhigtay gurigeeda Camp Nou kooxda Napoli iyagoo ku garaacay 3-1 ah lugtii labaad ee wareega 16ka Champions League taasoo ka dhigan inay wadar ahaan labada lug kooxda Barca ay ku garaacday Napoli 4-2

08/08/2020

🔥Barcelona vs. Napoli 🔥

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Napoli

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga 16ka.

Natiijada lugtii h**e: Barca 1-1 Napoli

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Barcelona waxa dhaawac kaga maqan difaaca dhexe ee reer France ee Samuel Umtiti, halka ay Sergio Busquets iyo Arturo Vidal ay ganaaxan yihiin.

Ousmane Dembele ayaa tababarka kusoo laabtay isaga oo kasoo kabtay dhaawac, laakiin laguma soo darin liiska ciyaartoyda kulanka caawa, waxaase taam ah oo kusoo laabtay garoonka Griezmann, Clement Lenglet iyo Fredie de Jong oo dhamaantood dhaawacyo ahaa, halka Ivan Rakitic uu filayo in ciyaarta lagu soo bilaabo
DhinacaNapoli, Kostas Manolas ayaa dhaawac cidhibta kasoo gaadhay ku maqan, laakiin waxa kooxda Talyaaniga ah farxad geliyey Lorenzo Insigne oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda kooxda iyadoo uu ka cabanayay dhaawac muruqa ah.

07/08/2020

Barcelona ayaa qorsheyneysa inay dalab 36 milyan ginni ah ka gudbiso daafaca kooxda Leicester City Caglar Soyuncu sida laga soo xigtay NTV Spor

Dhanka kale, Soyuncu wuxuu soo jiitay indhaha Barca ee doonaya inay xoojistaan difaaceeda xagaagan Telefishanka Turkiga ayaa sheegaya in Barca ay wadahadalo la jirtay Foxes muddo

Hadii kooxda ka ciyaarta La Liga ay heshiis ka gaarto lacagta suuqa kala iibsiga waxaa ay u soo bandhigi doonaan Soyuncu heshiis shan sano ah

Dabayaaqadii Bishii May, wakiilkii h**e ee Soyuncu Mustafa Dogru ayaa shaaca ka qaaday in daafaca uu u saxiixi karo Barca xagaagan

Like
Share

07/08/2020

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setién ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Napoli kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League

Like
Share

07/08/2020

Manchester City ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso difaaceeda da’da yar ee Eric Garcia oo go’aansaday in aanu kordhin qandaraaskiisa oo uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay

Haddaba, waxay kooxdu go’aansatay inay Garcia ku iibiyaan lacag la mid ah inta ay ku bixiyeen Ferran Torres oo oh 23m iyo 12m ku xiran qaab ciyareedka waxaanay si cad ugu wargeliyeen kooxaha doonaya oo ay ugu horreyso Barcelona inay lasoo diyaar-garoobaan caddadkaas

Like
Share

07/08/2020

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Eric Garcia uu diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda, iyadoo ay u badan tahay inuu baxayo xagaagan.

19 jirkaan aadka loo qiimeeyo ayaa ku biiray akadeemiga City sannadkii 2017 isagoo markaas ka soo wareegay akadeemiga Barcelona, wuxuu qeyb ka noqday koox koowaad ee Man City xilli ciyaareedkan

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu