09/07/2024
Ma tahay sawir-qaade? Fariimo bulsho maku gudbisaa adiga oo adeegsanaya kaamiradaada? Ma daneyneysaa in aad horumariso xirfaddaada sawir-qaadidda oo aad ku guuleysato kaamiro casri ah?
Tartanka JidkaXariirta ee sawir qaadidda dhallinyarada ee UNESCO waxaa uu kusiinayaa fursad aad kusoo gudbiso sawirradaada islamarkaana abaalmarin caalami ah ku guuleysato. Haddaba haddii aad daneyneyso xogta iyo shuruudaha iyo isdiiwaangelintaba ka daalaco linkiyada hoose.
Xogta Barnaamijka
https://en.unesco.org/silkroad/unesco-silk-roads-programme-0
https://unescosilkroadphotocontest.org/
Shuruudaha
https://unescosilkroadphotocontest.org/en/about-rules
https://unescosilkroadphotocontest.org/en/gallery
15/06/2024
Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka waxa uu idin kugu hambalyaynayaa munaasabadda qiimaha badan ee Ciida Carafo. Ciiddan teeda kale alle hanagu gaarsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
----------------------------------------------------------
يطيب للجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة أن تهنئكم بحلول عيد الاضحى المبارك، أعاده الله علينا باليُمن والبركات، وكل عام وأنتم بخير.
-----------------------------------------------------------
Somalia National Commission for Education, Science and Culture wishes to congratulate you on the occasion of Eid Al-Adxa, may Allah bring it back to us in prosperity and blessings, and Happy New Year.
02/05/2024
Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Mustafe Xaaji Xasan, ayaa ka qeybgalay shirka wadatashiga xoghayeyaasha guud ee guddiyada qaran ee waxbarashada, seyniska iyo dhaqanka ee dowladaha Carabta iyo UNESCO.
Shirkan, oo lagu qabtay magaalo madaxda dalka Cumaan ee Masqad, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa kaalinta guddiyada qaran ee waxbarashada iyo seyniska ee Carabta iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta ay la leeyihiin UNESCO, iyadoo la is la gartay in la is weydaarsado khibradaha iyo mabaadi'da ugu wanaagsan ee wada shaqeynta.
09/04/2024
Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka waxa uu idinkugu hambalyaynayaa munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fitriga. Ciiddan teeda kale alle hanagu gaarsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
----------------------------------------------------------
يطيب للجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة أن تهنئكم بحلول عيد الفطر المبارك، أعاده الله علينا باليُمن والبركات، وكل عام وأنتم بخير.
-----------------------------------------------------------
Somalia National Commission for Education, Science and Culture wishes to congratulate you on the occasion of Eid Al-Fitr, may Allah bring it back to us in prosperity and blessings.
10/03/2024
Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka waxa uu idinkugu hambalyaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Soonqaad.
Soonqaad wanaagsan.
--------------------------------------------------------
تتقدم اللجنة الوطنية الصومالية للتربية والعلوم والثقافة بخالص التهنئة بمناسبة دخول شهر الخير شهر رمضان المبارك.
---------------------------------------------------------
The Somali National Commission for Education, Science, and Culture extends its sincere congratulations on the occasion of entering the blessed month of Ramadan.
15/02/2024
Waxa Maanta magaalada Abu Dhabi ee Dalka Isku-tagga Imaaraatka Carabta kusoo gabagaboobay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Waxbarashada kaas oo ay si Wadajir ah usoo Abaabuleen Dalka Imaaraatka Carabta iyo Hay’adda UNESCO.
Barashada dhaqanka iyo dhowristiisa ayaa hadda loo arkaa halka asalka u ah ilaalinta jiritaanka umadaha iyo in ay horumar ka gaaraan Nolosha qeybaheeda kala duwan.
Shirka ayaa waxaa Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, waxaana Sido kale qayb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka Mudane Maxammad Mustafa Xaaji Xasan.
20/12/2023
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada, Xildhibaannada ay ka geeriyootay alle ha u naxariistee marxuumad Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, muddo dheerna ka tirsanayd xildhibaannada Baarlamaannadii iyo Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ayaa marxuumadda Alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, ehelladii iyo Xildhibaanadii ay ka baxday.
إنا لله وإنا إليه راجعون.
البقاء لله وحده.
18/12/2023
📣🌍 انضموا إلينا في الاحتفال باليوم العالمي للغة العربية! 🎉📚
تُعتبر اللغة العربية رمزاً للتواصل والتراث، حيث يتحدث بها أكثر من 400 مليون شخص يومياً. 🗣️💬
نحتفل في 18 ديسمبر بفخرها كلغة رسمية في جمهورية الصومال الفيدرالية، ونشجع على الاحتفاء بتراثنا اللغوي الغني. 🌐📖
22/11/2023
Kulan qaab fogaan arag ah u qabsoomay oo ay iska kaashadeen Beijing Normal University iyo hay'adda qaramada midoobe u qaabbilsan arrimaha Waxbarashada Seyniska iyo Dhaqanka ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaanno UNESCO loogana hadlayay doorka garaadka macmalka uu ka qaadan karo horumarinta waxbarashada Soomaaliya.
Guddiga Qaran oo shirka ku matalayay Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay qeybaha kala geddisan ee daneeyayaasha arrimaha waxbarashada iyo Tiknolojiyadda Soomaaliyeed.