Cilmi-Sahal Mathematics & Applied Engineering

Cilmi-Sahal Mathematics & Applied Engineering

Share

Page kaan waxaan uugu talagalnay in aan uugu adeegno bulsho weynta Soomaliyed gaar ahaan inta daneysa Xisaabaadka iyo Engineering ka. Page Admin: Abdulahi Sahal

30/06/2022

Ka faaideyso waa fursad weyn

02/03/2022
Photos from Sigma Academy Of Science and Technology's post 16/07/2021
03/05/2021

Subject : Math
Course : Exam Preparation Course
Lecturer : Eng. Abdulahi Sahal

Sigma Academy Of Science and Technology

For More Info :

618424201 - 616139496

Sigma Academy - Home Of Quality Education

02/04/2021

Bishaaro ... Bishaaro ... Bishaaro

..

Dhamaan Ardayda Fasalka 12 Ee Dugsiga Ayaa Ka Faaideysan Kara Koorsadaan Muhiimka Ah ..

Sigma Academy Of Science and Technology waa - Saacidaha Ardayda Soomaaliyeed
Nagala soo xariir:
0615063021
0618424201
0616139496

10/01/2021

“Farxada dhabtaa maahan in aadan ooyin ama aadan murugoon, ee waa in aad raali ku tahay wax walba oo maalmuhu kuu qarinayaan kuna mahad naqdaa adiga oo dhoola cadaynaya ”

Eng-Abdulahi Sahal

29/10/2020

Dhamaan Ardayda F4 ka ah sanadkaan Waxaan ogeysiinayaa in aan dhawaan bilaabi doono Course Mathematics ah oo aan uugu talgalnay Ardayda sanadkaan qalin jabineyso inay wax badan ka kororsadaan, course da waxaan ku dhigi doonaa Chapters ugu muhiimsan we dugsiga sare inagoo dhigi doono Manhajka Caalamiga ee IGCSE & Extended, Waxay ardayda inta badan ogyihiin in Exams ka lagu gali doono F1 ilaa F4 sidaas aawgeed ardayda waxaa si qor dheer u bari doonaa Chapters ugu muhiimsan oo ay Exams-ka ka imaan karaan.

Waa Fursad Dahabi ah oo aan kusoo mari doonin, Fadlan ka faaideyso.

Course da waxaa lagu dhigi doonaa iskuulka Academy, Baar Ubax Agagaarka Masjidka Xareed.

Waxii Faahfaahin dheeri ah ee Course da kaliya quseeya nagala soo xariir.

WhatsApp wa.me/252616139496

Eng-Abdulahi Sahal

wa.me

18/07/2020

Sookoobid Buug (Book Summary).
7-Habit of Highly Effective People

Todobo (7) Caad oo ay leeyihiin dadka waxtarka leh. Buugaan waxa qorey - Stephen covey - oo ah qoraa Mareykan ah 2009.
Guudmarka Dhiganaha.

Buuggaan oo ah buug , si wayn uga hadlayaaya caadooyin ku dhaqankooda qofka ka dhigi kara mid wax soo saar iyo wax tarba leh, waa buug xiiso badan, oo luuqad fududna ku qoran, samayna ku yeelan kara qofkii akhriya.

Buuggu bilowga horaba waxa uu dhigayaa in qofku maro sedex heer oo isku xiran:

Mar qofku ku tiirsan yahay cid kale (Dependent). Mar uu madaxbanaan yahay, asaguna isku tiirsan (independent). Iyo mar la isku xiran yahay, oo bulsho wax wada qabsanayso (Interdependent).

Sidoo kale qoraagu waxa uu muujinaya qof walba inuu leeyahay Paradigm u gaar ah (Aduun arag ama maqaallad) uu u arko waxyaalaha ku gadaaman.

Qofku Waxa uu caado saameyn leh ku yeesha waxyaalo ay kamid yihiin xirfadaada aqoontada iyo doonitaankaga.

Waa kuwaan caadooyinka qoraagu buugiisa ku tixay, waana caadooyin qof walba u sahli kara in uu noqdo qof wax tar leh.

1.Noqo qof firfircooni hal abuura ah (Be proactive)

Ereyga (Proactive) Inkasta oo aanan garan Karin erey-bixintiisa rasmiga ah ee luuqadeena Hooyo ( Af- Soomaali) lakiinse qeexitaanka dhabta ah waa qof leh hal abuur, masuulka ah
waxwalba, Xalna u raadiya isagoo aan cid ka sugin, Waa qofka arrimaha ka hortaga intaysan dhicin. Waa qofka arrimaha u kala qaada laba qaybood.

Circle of concern (Waxyaalo aynan waxba ka qaban karin Dadyawga sida cimilada ama ra'yiyada kala Duwan ee dadka) waxa waqti ku lumiya qofka reactive ka ah ka falceliyaha ah.

Circle of influence (Waxyaalo aan awoodno inan xadididno sida dabeecada ficiladaada iwm) waxa marwalba midaa wax ka bedela qofka Proactive ka ah.

Adiga ayaa sababi kara isbedelka caado ee nafsadaada. caadadan waxa ay ku salaysan tahay (Self awareness, Imagination, Conscience, Independent will)

2.Begin with end in mind (bilow adoo maskaxda ku haya dhamadka) caadadan wuxaa uu qoraagu ka dhigayaa in ay tahay hal abuurka kowaad ee qofka proactiveka ah.

Sidoo kale Waxa caado u ah dadka waxtarka leh , in ay Maskaxda ku hayaan caqabad kasta oo ka hor imaan karta iyaga oo diyaarsada Tabaha ay kaga gudbi karaan. Shay waliba waxa uu mara laba wadiiqo Mar waxa uu ahaa Fikir, Ka dib buu u banaan baxaya Hawl Qabad (Thinking and Action). caadadan waxay ay ku salaysan tahay (Imagination and Conscience).

3.Put First Thing First (U dhig waxwalba sida ay u kala h**eeyaan) Waa in arrimuhu kuu kala muhiimsan yihiin oo aysan iskaga kaa dhex yaacsanayn. Waxa jirta 4 khaanadood oo qofku ku maareyn karo waqtigiisa oo uu sameeyey qoraagu.

Manage (Maamul)
Noloshada waxaa soo wajahaya Waxyaalo muhiim ah Kuwaa Kuwaa doonaya in aad si degdeg ah u wajahdo sida adiga oo wata qorshahaga maalin laha ah in qof Qoyska ka mid ah u baahdo dhakhtar ama xaalad degdeg ah waa inad maareysa.

Focus (Xoogga saar)
Waxaa jira waxyaabo muhiim ah balse aan degdeg aheyn. waa khaanad aad u muhiim ah waa mid laga doonayo qofka waxtarka leh. Tusaale sida jaamacada inad dhamayso waa muhiim, balse degdeg ma aha Waa yool muddo kadib aad higsanayso.

Avoid (Ka tanaasul ama iska ilaali)
Waxyaalo aan muhiim aheyn balse degdeg ah. waxyaalahan oo kale waa waxyaalo saameyn inagu yeesha oo waqtigeena badi qaata. Tusaale sida ciyaar soo dhaceysa ama call asxaapta ah

Limit (Xadid)
Waxyaalo aan muhiim aheyn degdegna ahayn waa midda ugu saameynta badan dhalinta oo caqabada ku ah sida social media iyo waxyaalo la hal maala xadid oo yarey kuwan.

4. Think win win (Marwalba u fikir in la wada guulaysto)
Caadadan waa mid ka dhalaneysa xiriirka kaaga la dhexeeya bulshada kugu xeeran, waxa laga maarmaan ah in aad ahaato mid dadka kale u rajeeya guul si aad adinga u guuleysato
" Getter generally don't get happiness giver get it".

5. Seek First to Understand then to be understood (Dhegayso oo fahan marka h**e si markaaga lagu fahmo). Waa caado muhiim u ah bulshada oo abuureysa in lays maqlo oo ay timaado in shay laga wada hadalo. Dhegayso marka aad dooneyso in lagu dhegaysto waxa ay ka turjumaysa sida aad u la dhaqanto dadka ayaa adina laguula dhaqmayaa.

6. Synergies (Iskaashi) Waa caado kale oo bulshada kaala dhexeysa iskaashigu waa Hawl qabadka Fududeynaya waxyaabaha ku adag Hal qof.

7. Sharp the saw (Afeyso miishaarta) Caadadan ayaa ka hadleysa cusbooneysiinta shay si aad dhakhso uga gudubto. Wuxu soo qaadanaya qoraagu sheeko nin jarayey geed oo miishaarta uu ku jarayey ay aheyd mid af daran kadib waxa soo ag marey nin socoto ah wuxuna ku yiri afeyso miishaarta, si aad dhakhso ugu jarto wuuse ka diidey wuxuna usheegay inuu mashquul yahay hadda.
sheekada dulucdeedu waa inad diyaarsato qalabkaaga si aaney waqti kale kaaga qaadan kala dhinaanshaha shay iyo inad si dhakhso leh ku dhamayso.

Buugan waa mid aad u faa’iido badan oo dhiirigelin iyo dardar gelin laga helayo, kuuna tilmaamaaya in aad caadooyinkaaga aad ka dhigto kuwa wax tarleh oo hormarsan. Wuxu kale oo uu cadeynayaa qaabka aan u maareyneyno waqtigeena sidoo kale aanu u maamulno iyo waxyaala saameynta inaku yeesha mararka qaar sida xal loogu heli lahaa.

Fikrada guud ee buugu xambaarsan yahay ayaa ah, in aad marwalba adigu masuul ka tahay ka falcelinta waxyaalaha kugu geedaaman iyo caadooyinkaga iyadoo aaney jirin cid kaagala masuul ah midaa.

W/Q: Mohamud M Said Arab

21/04/2020

Ka jawaab su'aashaan waxaana kor saaran lacag dhan $5 qofkii ka jawaaba.
Shuuradaha
1. Like saar page ka.
2. Share gareey page ka.
3. Jawaabta saxda ah bixi.

28/01/2020

Inoogu imaaw Sigma Academy Of Science and Technology si aan kuugu faaideyno.

Course kaan waa Course kii ay arday badan sugayeen fadlan yoosan ku dhaafin ee ka faaideyso.
Waxyaabaha course ka aad ka heli karto:-
1. Notes ( Khulaaso ) oo ah dhmn maadiyinka faslka F4.
2. In ardayga lagala shaqeeyo dhmn Exams kii Dowlada ee laqaaday sanadihii 2015-2019.
Fadlan hamoogan oo yeysan ku seegin.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00