18/07/2020
Sookoobid Buug (Book Summary).
7-Habit of Highly Effective People
Todobo (7) Caad oo ay leeyihiin dadka waxtarka leh. Buugaan waxa qorey - Stephen covey - oo ah qoraa Mareykan ah 2009.
Guudmarka Dhiganaha.
Buuggaan oo ah buug , si wayn uga hadlayaaya caadooyin ku dhaqankooda qofka ka dhigi kara mid wax soo saar iyo wax tarba leh, waa buug xiiso badan, oo luuqad fududna ku qoran, samayna ku yeelan kara qofkii akhriya.
Buuggu bilowga horaba waxa uu dhigayaa in qofku maro sedex heer oo isku xiran:
Mar qofku ku tiirsan yahay cid kale (Dependent). Mar uu madaxbanaan yahay, asaguna isku tiirsan (independent). Iyo mar la isku xiran yahay, oo bulsho wax wada qabsanayso (Interdependent).
Sidoo kale qoraagu waxa uu muujinaya qof walba inuu leeyahay Paradigm u gaar ah (Aduun arag ama maqaallad) uu u arko waxyaalaha ku gadaaman.
Qofku Waxa uu caado saameyn leh ku yeesha waxyaalo ay kamid yihiin xirfadaada aqoontada iyo doonitaankaga.
Waa kuwaan caadooyinka qoraagu buugiisa ku tixay, waana caadooyin qof walba u sahli kara in uu noqdo qof wax tar leh.
1.Noqo qof firfircooni hal abuura ah (Be proactive)
Ereyga (Proactive) Inkasta oo aanan garan Karin erey-bixintiisa rasmiga ah ee luuqadeena Hooyo ( Af- Soomaali) lakiinse qeexitaanka dhabta ah waa qof leh hal abuur, masuulka ah
waxwalba, Xalna u raadiya isagoo aan cid ka sugin, Waa qofka arrimaha ka hortaga intaysan dhicin. Waa qofka arrimaha u kala qaada laba qaybood.
Circle of concern (Waxyaalo aynan waxba ka qaban karin Dadyawga sida cimilada ama ra'yiyada kala Duwan ee dadka) waxa waqti ku lumiya qofka reactive ka ah ka falceliyaha ah.
Circle of influence (Waxyaalo aan awoodno inan xadididno sida dabeecada ficiladaada iwm) waxa marwalba midaa wax ka bedela qofka Proactive ka ah.
Adiga ayaa sababi kara isbedelka caado ee nafsadaada. caadadan waxa ay ku salaysan tahay (Self awareness, Imagination, Conscience, Independent will)
2.Begin with end in mind (bilow adoo maskaxda ku haya dhamadka) caadadan wuxaa uu qoraagu ka dhigayaa in ay tahay hal abuurka kowaad ee qofka proactiveka ah.
Sidoo kale Waxa caado u ah dadka waxtarka leh , in ay Maskaxda ku hayaan caqabad kasta oo ka hor imaan karta iyaga oo diyaarsada Tabaha ay kaga gudbi karaan. Shay waliba waxa uu mara laba wadiiqo Mar waxa uu ahaa Fikir, Ka dib buu u banaan baxaya Hawl Qabad (Thinking and Action). caadadan waxay ay ku salaysan tahay (Imagination and Conscience).
3.Put First Thing First (U dhig waxwalba sida ay u kala h**eeyaan) Waa in arrimuhu kuu kala muhiimsan yihiin oo aysan iskaga kaa dhex yaacsanayn. Waxa jirta 4 khaanadood oo qofku ku maareyn karo waqtigiisa oo uu sameeyey qoraagu.
Manage (Maamul)
Noloshada waxaa soo wajahaya Waxyaalo muhiim ah Kuwaa Kuwaa doonaya in aad si degdeg ah u wajahdo sida adiga oo wata qorshahaga maalin laha ah in qof Qoyska ka mid ah u baahdo dhakhtar ama xaalad degdeg ah waa inad maareysa.
Focus (Xoogga saar)
Waxaa jira waxyaabo muhiim ah balse aan degdeg aheyn. waa khaanad aad u muhiim ah waa mid laga doonayo qofka waxtarka leh. Tusaale sida jaamacada inad dhamayso waa muhiim, balse degdeg ma aha Waa yool muddo kadib aad higsanayso.
Avoid (Ka tanaasul ama iska ilaali)
Waxyaalo aan muhiim aheyn balse degdeg ah. waxyaalahan oo kale waa waxyaalo saameyn inagu yeesha oo waqtigeena badi qaata. Tusaale sida ciyaar soo dhaceysa ama call asxaapta ah
Limit (Xadid)
Waxyaalo aan muhiim aheyn degdegna ahayn waa midda ugu saameynta badan dhalinta oo caqabada ku ah sida social media iyo waxyaalo la hal maala xadid oo yarey kuwan.
4. Think win win (Marwalba u fikir in la wada guulaysto)
Caadadan waa mid ka dhalaneysa xiriirka kaaga la dhexeeya bulshada kugu xeeran, waxa laga maarmaan ah in aad ahaato mid dadka kale u rajeeya guul si aad adinga u guuleysato
" Getter generally don't get happiness giver get it".
5. Seek First to Understand then to be understood (Dhegayso oo fahan marka h**e si markaaga lagu fahmo). Waa caado muhiim u ah bulshada oo abuureysa in lays maqlo oo ay timaado in shay laga wada hadalo. Dhegayso marka aad dooneyso in lagu dhegaysto waxa ay ka turjumaysa sida aad u la dhaqanto dadka ayaa adina laguula dhaqmayaa.
6. Synergies (Iskaashi) Waa caado kale oo bulshada kaala dhexeysa iskaashigu waa Hawl qabadka Fududeynaya waxyaabaha ku adag Hal qof.
7. Sharp the saw (Afeyso miishaarta) Caadadan ayaa ka hadleysa cusbooneysiinta shay si aad dhakhso uga gudubto. Wuxu soo qaadanaya qoraagu sheeko nin jarayey geed oo miishaarta uu ku jarayey ay aheyd mid af daran kadib waxa soo ag marey nin socoto ah wuxuna ku yiri afeyso miishaarta, si aad dhakhso ugu jarto wuuse ka diidey wuxuna usheegay inuu mashquul yahay hadda.
sheekada dulucdeedu waa inad diyaarsato qalabkaaga si aaney waqti kale kaaga qaadan kala dhinaanshaha shay iyo inad si dhakhso leh ku dhamayso.
Buugan waa mid aad u faa’iido badan oo dhiirigelin iyo dardar gelin laga helayo, kuuna tilmaamaaya in aad caadooyinkaaga aad ka dhigto kuwa wax tarleh oo hormarsan. Wuxu kale oo uu cadeynayaa qaabka aan u maareyneyno waqtigeena sidoo kale aanu u maamulno iyo waxyaala saameynta inaku yeesha mararka qaar sida xal loogu heli lahaa.
Fikrada guud ee buugu xambaarsan yahay ayaa ah, in aad marwalba adigu masuul ka tahay ka falcelinta waxyaalaha kugu geedaaman iyo caadooyinkaga iyadoo aaney jirin cid kaagala masuul ah midaa.
W/Q: Mohamud M Said Arab