Save Construction Company SCC

Save Construction Company SCC

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Save Construction Company SCC, Education, Mogadishu.

05/11/2025

"Wax Walba Ha Ka Hadlin Hadaa Dhalinyaro Tahay!

Waxaa jiray wiil dhalinyaro ah oo la oran jiray Ayaanle. Wuxuu ahaa wiil firfircoon, hadal badanna ah. Meel kasta oo uu tago, hadal iyo dood ayuu ka dhex bilaabi jiray arrin uu fahamsan yahay iyo mid uusanba aqoon.

Maalin ayaa Ayaanle lagu casuumay kulan ay dhalinyaro isugu yimaadeen oo looga hadlayey horumarinta bulshada. Markii qof kasta hadalkiisa dhammeeyey, Ayaanle ayaa gacanta taagay oo bilaabay inuu ka hadlo wax walba - siyaasadda, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo diinta - isagoo aan si dhab ah u garaneyn. Dadkii qaar way qosleen, qaarna way ka niyad jabeen.

Markii uu kulankii dhammaaday, nin waayeel ah oo goobta joogay ayaa u yeeray Ayaanle wuxuuna ku yiri:

> "Wiilkaygiiyow, dhalinyaronimo waa waqtiga lagu baranayo, lagu dhageysto, lagu fahmo dunida. Qofka wax walba ka hadla wuxuu lumiyaa fursadda wax lagu barto."

Hadalkii odayga Ayaanle si qoto dheer ayuu u taabtay. Maalin kaa wixii ka dambeyey wuxuu bilaabay inuu inta badan wax dhageysto, in yarna hadlo, oo marka uu hadlana uu hadalkiisu noqdo mid miisaan leh.

Muddo kadib, dadkii deegaanka ayaa bilaabay inay ku qiimeeyaan fikirkiisa iyo taladiisa, sababtoo ah wuxuu noqday mid xikmad leh ma aha mid hadal badan, balse hadalkiisu yahay dahab.

Casharka sheekada:

'Dhalinyaronimo waa da'da lagu dhiso mustaqbalka, ee ha noqon mid hadal badan oo aan wax baran, ee noqo mid dhageysta, falanqeeya, oo ficil ku tusaya xikmad.

"Waxaa shekada xaquq dedaleh[ Dr's Cagayar]

'Waxaa Idin sogud biyay anigoo ah

Abdinajiib deck (Haldor Najiib)

Share like & follow thanks

03/12/2020

Survey is not easy job.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Culinary Team

Attire

Website

Address


Mogadishu