TAYO Education Services Association

TAYO Education Services Association

Share

Contact us: 0615541387 / 0618454544

26/01/2023

Xaflada Daahfurka Macmalka Computer ka Dugsiga Albirri oo kamid ah dugsiyada ay maamusho Jimciyada Tayo.

Photos from Tayo For Education's post 26/01/2023
22/01/2023
06/01/2023

Dr Ibrahim Farah Bursaliid oo ka hadlaya waxa loo yaqaano Maareynta Fasalka ( Class Management).

Bal si fiican u dhuux.

06/01/2023

Fursad barennimo oo bannaan

Waxaa lagu wargelinayaa barayaasha Soomaaliyeed in ay dugsiyada Jimciyada ka bannaan tahay dhigista :


1- Physics

Shuruudaha laga doonayo baraha danaynayo:

1- Inuu ka soo baxay Kulliyad Waxbarasho takhasusna u leeyahay Maaddada kor ku xusan.
2- In uu ugu yaraan 3 sano soo dhigayey fasallada 1aad - 4aad ee dugsiga sare.
3- Inuu leeyahay aqoon barennimo oo uu ardayda ka haqab tiri karo fahamsiinta maaddada.
4- Inuu ku soo baxo tartan wax dhigis oo uu imtixaan u gelayo.
5- In uu leeyahay xirfadda maareynta fasalka (Class management).

Tartanku waxa uu ka billaabanayaa Xarunta jimciyada Tayo oo ku taal dhismaha Dugsiga oo ku yaalla agagaarka suuqa Ceel Tubaweyne ee Degmada Yaaqshiid 07/01/2023 Maalinta sabtida ah 8:00 Subaxnimo, baraha daneynayo tartankaas waa inuu wataa dikumintigiisa sida midka waxbarashada, wax dhigista iyo taariikh nololeedkiisaba.

F.G
Fursadu waxa ay ka banaantahay dugsiga Al-fajri Model CEELASHA

05/01/2023

Ustaad Ali Moallim oo ka sheekeynaayo qisa cajiib ah.

Bal dhageyso

11/11/2022

Ardayda Dugsiga Mujamac Yaaqshid oo kamid ah dugsiyada ay maamusho Jimciyada Tayo ayaa doortay gudoonka ardayda sanad dugsiyeedka 2022-2023.

Photos from Albirri primary and secondary school's post 28/10/2022
27/10/2022

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

Maamulka Jimciyada TAYO Education Services Association wuxuu hambalyo iyo duco la wadaagayaa Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Mudane .

Mudane Suleiman ayaa kamid ahaa ardayda ka aflaxday dugsiyada jimciyada Tayo isla markaana bare kasoo naqay.

Mudane Suleiman waa aqoonyahan da´yar karti iyo howlkarnimo badan aan ku naqaano, waxaan leenahay Allah kula garab galo xilka culus ee laguu igmaday.

Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa inuu degmada Yaaqshid iyo guud ahaan qaranka uu ugu shaqeyn doono hufnaan iyo daacadnimo waxbadan oo hormar ahna uu kusoo kordhin doono degmada uu ku barbaaray waxna kusoo bartay.

Gudoomiye mar labaad hambalyo Allah kula qaado xilka culus ee dusha lagaa saaray.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


30 Street
Mogadishu
NONE

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00