01/05/2025
Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Aadanaha (CRHD) waxay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed ku bogaadinaysaa dhammaan shaqaalaha gudaha iyo dibadda dadaalkooda, kartidooda iyo hal-abuurkooda hormarinta bulshada.
Waxaan si gaar ah u ammaaneynaa doorka muhiimka ah ee shaqaalaha u leeyihiin kobcinta cilmi-baarista, horumarinta aadanaha, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. Maalintaan muhiimka ah waxaan idiin rajeyneynaa farxad, caafimaad, iyo dhiiranaan sii xoojisa howlaha wanaagsan ee aad bulshada u haysaan.
Waad ku mahadsan tihiin dadaalkiinna aan kala go’a lahayn. Hambalyo.