Al-Imam Ibnu Khuzeyma

Al-Imam Ibnu Khuzeyma

Share

Al-imaam Ibnu Khuzeyma Private Schools

17/02/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyada oo fulineysa ammarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, waxay ay ku wargalineysaa dhammaan ardayda sannad-dugsiyeedkii 2015–2016, ee uu amray Ra’iisul Wasaaraha in loo fasaxo shahaadooyinkoodi in laga billaabo maannta oo isniin ah, 16ka Febraayo 2026 ay fasaxanyihiin Shahaadooyinkooda.

SHURUUDAHA:
• In ardaygu uu dhammeeyey dugsiga sare sannad-dugsiyeedkii 2015–2016
• In xogtiisu ku jirto diiwaanka dalladda wasaaradda loo gudbiyey
• In uu haysto aqoonsiga qaranka
• In uu bixiyo khidmadda adeegga
• In uu dalbado shahaadada inta u dhexeysa 16 Febraayo 2026 ilaa 16 Febraayo 2027.

DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir
Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Wasaaradda Waxbarashada
Abdiaziz Wali
Email: [email protected]

24/08/2025

Ogeeysiis
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan macalimiinta ardayda iyo waalidiintaba iyo dhamaan bulshada ku xiran dugsiga al-imaam ibnu khuzeyma in dugsiyadu furmi doonaan sanad dugsiyeedka cusub 2025-2026 kuna beegan taariikhdu markay tahay 30/08/2025 oo ah maalin Sabti.
Mahadsanidin.
Wada Shaqayn Wacan

01/08/2025

Ogeysiis
Dhammaan waalidiinta soomaaliyeed ee ubad kooda la jecel waxbarasho tayo leh, waxaa la ogeysiinayaa In dugsiyada AL_IMAAM IBNUKHUSEYMA ay bilaabeen diiwaan galinta ardayda sanad dusiyeedka 2025/2026.

HOYGA WAXBARASHADA TOOSINTA IYO TARABIYADA ARDAYDA

Photos from Al-Imam Ibnu Khuzeyma's post 10/03/2025

Markale iyo baraarujinta fasallada 12aad
Wiilasha

Photos from Al-Imam Ibnu Khuzeyma's post 25/09/2024

Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto faro ku heyntiisa
Weligaa ha sii deyn

✍Abwaan Maxamed Warsame (Hadraawi)

21/09/2024

Waxaan jirsanay 28 sano.

26/04/2024

Allow u naxariiso, Ust:Cabaas Sadiiq Muumin oo ka mid ahaa barayaasha dugsiyada Al-Imam Ibnu Khuzeyma.
Waa maalin jimcaa aan u wada ducayno macalinka oo waqtigiisa u huray sare u qaadidda aqoonta ubadka Soomaaliyeed.

Al-Imam Ibnu Khuzeyma Primary school

09/04/2024

CIID WANAAGSAN

Maamulka, macalimiinta iyo dhammaan shaqaalaha dugsiyada Al-Imam Ibnu Khuzeyma waxa ay ummadda muslimiinta, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed la qaybsanayaan farxadda ciidul fidriga.

Rabbi ha inaga aqbalo camaladii wanaagsanaa ee bishii barakeysneed, Ramadaanka dambana baraaro iyo barwaaqo Alle ha inagu gaarsiiyo.

10/02/2024

إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka, macalimiinta, ardada iyo dhammaan bahweynta Al-Imam Ibnu Khuzeyma waxa ay tacsi tiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo saaxiibadii uu ka baxay ustaad maxamad warsame abiikar.

Ustaadka waxuu kamid ahaa maamulada iskuul .Waxaan Alle oga baryeeynaa inuu ku manneysto Jannatul Firdows Aclaa.

04/02/2024

إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka, macalimiinta, ardada iyo dhammaan bahweynta Al-Imam Ibnu Khuzeyma waxa ay tacsi tiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo saaxiibadii uu ka baxay ustaad Xasan Tahliil Cabdi oo dhawaanahaan ku xanuunsanaay magaalada Muqdisho.

Ustaadka waqtigiisa oo idil waxa uu u huray horumarinta iyo waxbarida ubadka soomaaliyeed. Waxaan Alle oga baryeeynaa inuu ku manneysto Jannatul Firdows Aclaa.

21/09/2023

Hambalyo dhammaan bahweynta Al-Imam Ibnu Khuzeyma
21/Sept/1996 waa maalintii dhidibada loo taagay dugsiyada Al-Imam Ibnu Khuzeyma.

Hambalyo hambalyo

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 18:00
Tuesday 08:00 - 18:00
Wednesday 08:00 - 18:00
Saturday 08:00 - 18:00
Sunday 08:00 - 18:00