Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Share

Bogga Rasmiga ee Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 15/06/2026

Waxaa si guul leh u soo gabagaboobay tababar socday muddo saddex maalmood ah oo ku saabsan Maaraynta Cadaadiska iyo Dhaawacyada Nafsiyeed (Stress and Trauma Management), kaas oo loo qabtay ardayda dhigata Diploma-ga Saxaafadda.

Tababarku wuxuu ardayda siiyay aqoon iyo xirfado wax-ku-ool ah oo ku saabsan sida loo aqoonsado, loo maareeyo, loogana hortago saameynta cadaadiska iyo dhaawacyada nafsiyeed, gaar ahaan marka ay gudanayaan hawlaha la xiriira saxaafadda iyo warbaahinta.

Intii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay barteen farsamooyin lagu xoojinayo caafimaadka maskaxda, adkaysiga shaqsiga, iyo hababka looga falceliyo xaaladaha adag ee ay la kulmi karaan inta ay ku guda jiraan xirfaddooda mustaqbalka.

Kuliyadda Culuumta Bulshada waxay sii waddaa dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo dhisidda awoodda ardayda, si ay u noqdaan xirfadlayaal leh aqoon, karti, iyo adkaysi, kana qayb qaata horumarinta bulshada iyo warbaahinta dalka.

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 11/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11 Juun 2026, Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta isgarsiinta iyo Warbaahinta, waxa lagu qabtay tababar loogu talagalay 15 arday oo ka qalin-jabisay Diploma-ha saxaafadda. Tababarkan ayaa ah wajigii labaad ee tababarka Maaraynta Walbahaarka iyo Qalbiga Jabka Nafsadeed (Stress and Trauma Management), wuxuuna socon doonaa muddo saddex maalmood ah

Tababarka waxaa bixinaya shan (5) Tababare Tababarayaal (TOT) oo ku soo tababartay wajigii koowaad ee tababarka, kaas oo la qabtay 4–6 May 2026
Tababarka waxaa furay Ku-simaha Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada, Prof. Cumar Maxamed Cabdi, Waxaana goob-joog ka ahaa Madaxa Qaybta isgaarssinta iyo Warbaahinta, Ustaad Xasan Shiikh Cumar, iyo Madaxa Qaybta Shaqada Bulshada iyo Cilmiga Bulshada, Dr. Cabdiraxmaan Daahiye. Sidoo kale, tababarka waxaa qayb ka ahaa labo khabiir oo horay u tababary shanta tababare oo ahaa Khubaro dibadeed (external experts) oo qabtay tababarkii koowaad: oo kala ah Dr. Maxamed Daahir oo ku takhasusay Cilmi-nafsiga. (psychology), iyo Ahmed Cali Maxamed oo ah khabiir ku takhasusay warbaahinta (media expert).
Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ardayda saxaafadda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay helaan tababaro la xiriira maaraynta walbahaarka iyo qalbiga jabka nafsadeed ee ka dhalan kara shaqada saxaafadda iyo xaaladaha kala duwan ee nolosha.

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 24/05/2026

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay kulan cilmiyeed muhiim ah oo uu marti ku ahaa Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda wadajirka bulshada, ilaalinta qiyamka mideeya ummadda, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka dalka.

Danjiraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka bulshada si loo xoojiyo midnimada iyo xasilloonida qaranka. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay kaalinta waxbarashada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhismaha bulsho mideysan.

Ardayda kulliyadda ayaa madasha ku weydiiyay su’aalo la xiriira xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, horumarinta waxbarashada, iyo doorka dhalinyarada ee horumarka bulshada.

Kulliyadda Culuumta Bulshada waxay sii waddaa qabashada kulamo aqooneed oo kor u qaadaya fahamka iyo wacyiga bulshada.

— DHAMMAAD —

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 18/05/2026

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta Warbaahinta, ayaa qabatay tababar qayb ka ah Barnaamijka Digital for Development (D4D) oo loo qabtay ardayda saxaafadda.

Ku-simaha Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada, Prof. Cumar Maxamed Cabdi, ayaa daah furay tababarka, waxaana goob joog ka ahaa Madaxa Qaybta Warbaahinta ee kulliyadda, Ustaad Xasan Shikh Cumar, Madaxa Xiriirka iyo Maamulka Mareegyada ee Xafiiska Guddoomiyaha, Ustaad Maxamed Suudi, iyo Ustaad Kowther Cabdiraxmaan oo ah Madaxa Digital Lab-ka kulliyadda. Mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ardayda saxaafaddu helaan tababaro la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda iyo warbaahinta casriga ah.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray soo saarista barnaamijyada raadiyaha ee hababka casriga ah, iyadoo ardayda lagu barayay diyaarinta, duubista, tafatirka iyo soo gudbinta barnaamijyada tayada leh.

Waxaa tababarka bixinayay Cabdicasiis Maxamed Diiriye oo ah khabiir saxaafadeed oo khibrad dheer u leh soo saarista barnaamijyada raadiyaha.

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 06/05/2026

Waxaa maanta qabsoomay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray soo dhaweyn, isbarasho, iyo kala warqaadis, kaas oo uu guddoominayay Raktarka Ku-Xigeenka Arrimaha Tacliinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Prof. Abdurezak Abdulahi Hashi
Kulankan waxaa ka soo qayb galay dhammaan madaxda iyo howl-wadeennada Kulliyadda Culumta Bulshada, kuwaas oo uu Raktarka Ku-Xigeenka Arrimaha Tacliintu booqasho ku yimid,
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay horumarinta tayada waxbarashada, xoojinta cilmi-baarista, iyo kobcinta iskaashiga gudaha kulliyadda, si loo gaaro himilooyinka jaamacadda.
Kulankan wuxuu dhidibada u aasayaa isfaham wanaagsan wada-shaqeyn joogto ah iyo horumar waara oo ku saleysan aqoon iyo cilmi-baaris

01/04/2026

Waxaa no so dhamamaday book difacashada aradayda kulliyadda culuumta bulshda Hambalyo dhammaan Ardayda qimaha badn ee KCB

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 01/04/2026

Maalinta 2-aad — Maalinta Gunaanadka Kulliyadda Culuumta Bulshada waxay hambalyo diirran iyo bogaadin u diraysaa dufcadda 5aad ee qalinjabisay, munaasabadda maalinta 2aad oo ah maalinta gunaanadka difaacashda .

Waxaan idin rajaynaynaa in aqoontii aad soo barateen ay noqoto mid idin anfacda, idinkana dhigta hormuud kaalin muuqata ka qaata horumarka bulshada iyo dalka.
Mustaqbal ifaya, guul waarta iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynaynaa.

Hambalyo mar kale, dadaalkiinnii wuu miro-dhalay

Photos from Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed's post 31/03/2026

Thesis defense 2026

Kulliyadda Culuumta Bulshada waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dufcadda 5aad ee qalin-jabisay.
Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.

Day 1

31/03/2026

Hambalyo Dufcadda 5aad
Kulliyadda Culuumta Bulshada waxay idiin kugu hambalyaynaynaa qalin-jabintiinna.
Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar, iyo mustaqbal ifaya

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


KM4
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:30 - 15:30