Daa'uud Nuurow

Daa'uud Nuurow

Share

Financial Economics, Business Entrepreneurship |Politics|Culture Analyzer.

26/04/2024

The beautiful city of Baidoa, Somalia 🇸🇴

25/04/2024

G0OOOL MAN CITY DE BRUYNEEEEE

19/03/2024

Munkarka Saddex arrin ama shey ayaa lagu Suuliyaa ama looga Hortagaa sida Diinta qabto

1- Awood ama Gacan
2- Afkaada
3- Uurka oo ka Nacdo

Diinta ha la barto

Photos from Daa'uud Nuurow's post 15/03/2024

اللهم أمين

04/12/2023

Abtirsiimothis lang meel dheer orooraso
asalshey eeb ing lahaayne isirshey ligorithaw
amaangtiyo liing dhikaane abshey lisuuraw
usuuny eeng inis weela madby meelo uskithaw
Allyma aykiingly moqing.

Afyaal Ibdow Aasy

Photos from Daa'uud Nuurow's post 07/10/2023

TAARIIKH LAMA ILAAWAAN:

1992 to 1996 MASIIBADII CUNA QABATEYNTA EE AY KU DHINTEEN 500.000 REER SOUTHWEST AH, WAXAA KA DAMBEEYAY OO MAS’UUL KA AHAA 3 REER OO KALA DEGA JUBALAND - GALMUDUG IYO PUNTLAND.

Waa 1992. Gawaaridii dhagaxyada dhismaha loogu talo galay, kuwa BL-ka ay shacabku raacaan, gaari gacanno, gaari dameero dhammaantooda waxaa lagu rararayaa jawaanno is dul saaran oo magaalada gudaheeda iyo daafaheeda laga soo ururiyay, waxaana lagu daadiyaa qabri wadareedyo laga qodayo qubuuraha Caro-Tuurka. Waa dhacdadii "Xawaal Jawaan" ee uu Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Jeneraal Maxamed Xaashi Gaani iyo jabhaddooda SNF ay macluul iyo gabood-fal insaaniyadda ka fog ugu baab'ayeen muwaaddiniin ay wakaaladaha wararka caalamiga ah ICRC, HRW iyo Qaramada Midoobay ay qireen 500,000 (nus milyan) muwaadin.

Meesha aan ka hadlayo ma aha Hargeisa oo ay Somaliland sheegto in uu Moorgan ku galaaftay 50,000, waxaan ka hadlayaa 10 jibbaar ka badan intaas, nus-milyan oo qofood, waa hareeraha Baydhabo (inta u dhaxaysa Afgooye, Baardheere iyo Baydhabo) oo adduunka u aqoonsaday 1992 Saddex Xagalka Geeriyada.

Inta xusuusata sannadkii ka h**eeyay, beeraha deegaankaas waxay ahaayeen cagaar, waraha biyo ayaa buux dhaafiyay, nimcoolayda xoolaha ayaa meel walba daaqayay. In kastoo uu dagaal dalka ka qarxay, haddana dadka baadiyaas degganaa noloshooda caadi ayay ahayd. Ma ahayn dad filaayay in sannadka soo socda ay macluul u dhammaan doonnaan in badan oo markaas noolaa.

Md. Cali Mahdi iyo Jen. Caydiid, oo SNF la dagaalsanaa ayaa Muqdisho isku qabtay oo shacabka Muqdisho hoobiye ku garaacayay, Moorgan iyo Gaani waxay heleen fursad ay Baydhabo iyo gobolada ku xeeran ay saldhig ka dhigtaan, SDM oo ahayd jabhadda goboladaas ka dagaalamaysay ma lahayn awood ay iskaga difaacaan SNF, dagaalkooda ugu dambeeyay ee tuulada Kurtun ayay SNF ku jebisay.

SDM way jabtay, USC oo ay isku dhinac ahaayeenna dagaalkii afar billood ayaa ka dhex qarxay. Morgan, wuxuu helay fursad uu wuxuu doonno goboladaas kaga geysto. Morgan SDM ma sii raadsan, wuxuu fal insaaniyadda ka fog ku billaabay shacabka. Olole bakaaro faagasho iyo dhaca xoolaha ayuu billaabay, si uu ciidankiisa sahay iyo hanti ugu helo, wuxuuna galaaftay tuulo walba. Shacabkii mar dhow lahaa keyd badar iyo xoolo nool, waxay bilo gudahooda noqdeen dad fara maran, oo qaarkood dhowr neef oo ay la baxsadeen maqaarkooda iyo hilibkooda cunaya. Dadka aan weli tuuladooda la soo gaarin, dhowr loor ayay habeenkii kala baxaan ayagoo dhuummaalysi ah.

Dadka keliya ee la badbaadiyo waxay ahaayeen Asharaaf ama qofkii sheegta Ashraaf. Muddo kaddib xitaa dadkaas ma badbaadeynin oo waxay dhihi jireen, "umaddoo dhan ma wada Ashraaf baa?".

Waxaa intaasi la socday dil saf mar ah oo loo geysto ragga, dhallinyarada. Rag badan oo dil ka qaxay, ayaa qaarkood ku fekerayay in gabdhaha umusha ah iyo hooyooyinka da'da ah ayay uga tagaan bakaaraha ayagoo rajaynaya in aan la waxyeeleyn doonnin. Tii bedelkeeda gabdhihii ayaa lagu amrayay in ay bakaarta faagaan, badarkana raraan. Dhacdooyinka xannuunka badan waxaa ka mid ah gabar markaas umusha ka baxday, ayaa ayadoo bakaarta u faagaysa ciidamadii Morgan, waxaa ooyay wiilkeeda. Mid ka mid ah maleeshiyada ayaa yiri, "ma ka aamusiyaa?", “haa”, ayay tiri ayadoo naxariis ka sugeysa, kaddibna xabbad ayuu ku furay; sidoo kale hooyo dhimatay, wiilkeeda oo noolna uu weli naaskeedu jaqayo.

Jeneraal Caydiid, ayaa Baydhabo iyo Baardheere ka qabsaday Moorgan, xilli ay dadka baaba’ayaan. Jeneraal Caydiid asagoo arkaya in magaalooyinkaas ay maalin walba ku dhimmayaan dad tiro badan wuxuu diiday in hay’adaha gargaarka ay yimaadaan, oo raashiin la geeyo meelaha aysan ciidamadiisa heysan. Warkii naxdin lahaa ee uu ICRC ku yiri ayaa ahaa, “dadka macluusha heysa, u soo daad gureeya meelaha ay ciidamaydu joogaan, halkaasna ku quudiya”. Raashiin badan oo gargaar ah ayay isbaaraysteen, qaarkood dhacayeen ciidamadiisa.

Haddii ciidamadii Maraykanka iyo UNOSOM aysan maquunin lahayn, baaba'a wuu ka sio dari lahaa. Adduunka oo dhan ayaa u soo gurmaday Saddex Xagalka Geerida. Madaxda adduunka ee Baydhabo yimid waxaa ka mid ahaa madaxweynihii Maraykanka George Bush, Mary Robinson, madaxweynihii h**e ee Ireland.

Sida ka muuqata qoraalka Reuters, macluushii Baydhabo iyo gobolada ku xeeran waxaa u dhintay 500,000 Baydhabo. Reer Hargeysa inta ay sheegaan waa 50,000, Soomaalina taas ayuu maanta og yahay waayo reer Hargeisa maalin walba ayay sheegaan, reer Koonfur ma hadlaan!

Moorgan maanta waa halyay, lagu abaal marin doonno xilka madaxweynaha Puntland.

Soomaaliya ayadoo sidaasi ah ha noolaato.

Dhammaan caddeymahaas waa la hayaa!

Qalinkii_hassan adam Hoosow I

02/10/2023
Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu