Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU

Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU

Share

Kusoo dhawoow page-ka Midowga ardayda kulliyadda Xanaanada Xoolaha iyo Dawaynta Ee Jamacadda Ummadda soomaliyeed.๐Ÿ„๐Ÿ๐Ÿ‚

04/06/2026

Gudoomiye ku-xigeenada Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU
Amina Abdinour Haashi

04/06/2026

๐‡๐€๐Œ๐๐€๐‹๐˜๐Ž!

Gudoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda xanaanada iyo daaweynta xoolaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) mudane Mucad Adan Hassan ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐ง๐š๐ฌ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‹๐ฎ๐ช๐š๐๐š๐ก๐š.
Waxaan uu urajaynaynaa hoggaan hufan, guul iyo in aad si daacadnimo leh ugu adeegto ardayda kulliyaddaada. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aad ka shaqayn doonto horumarinta wadajirka, tayeynta waxbarashada iyo difaacidda danaha ardayda.
Hambalyo mar kale, waxaana kuu rajaynaynaa guul iyo barwaaqo inta aad xilkan hayso.

22/05/2026

Agaasimaha guud ee Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU mudane Mohamed Mohamud Hanshi Dheere ayaa kahadlay muhiimada xoolaha ay u leeyihiin dhaqaalaha soomaliya

20/05/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardeyda Kulliyadda Xanaanada Xoolaha iyo Daaweynta Xoolaha mudane Mucad Adan Hassan ayaa si rasmi ah u furey boga cusub ee midowga ardeyda ay kuleeyihiin barta tiktok ga๐Ÿ„๐Ÿฉบ
Boggaan wuxuu noqon doonaa meel lagu wadaago:
โœ… Aqoon iyo wacyigelin la xiriirta xanaanada xoolaha
โœ… Casharro iyo cilmi ku saabsan daaweynta xoolaha
โœ… Wararka iyo howlaha kulliyadda
โœ… Madadaalo, hal-abuur iyo hormarka ardeyda
Waxaan idinka codsaneynaa taageero buuxda: โค๏ธ Follow saar
https://vt.tiktok.com/ZSxh8sEbE/
๐Ÿ“ค Share garee
๐Ÿ’ฌ Fikirkiinna nala wadaaga
โ€œMidnimo โ€ข Aqoon โ€ข Horumarโ€ โœจ

19/05/2026

๐Ÿ™ MAHADCELIN GAAR AH ๐Ÿ™

Waxaan mahadcelin iyo bogaadin u jeedinayaa Guddoomiyaha Sports-ka Kulliyadda mudane Ibraahim Abdiasis Omar dadaalka, waqtiga iyo shaqada wanaagsan ee uu geliyey qabsoomidda iyo hirgelinta tartanka ciyaaraha kulliyadda.

Doorka aad qaadatay wuxuu muujiyey hoggaan, karti iyo sida aad uga goโ€™an tahay horumarinta isboortiga iyo mideynta ardeyda kulliyadda.

Waxaan kuu rajeynayaa horumar iyo guulo kale oo badan. ๐Ÿ‘โšฝ

Photos from Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU's post 19/05/2026

Waxaad muujiseen dadaal, karti iyo iskaashi dhab ah oo horseeday guushan qiimaha leh. Waxaan idiin rajeynayaa guulo kale oo badan mustaqbalka.
๐Ÿ† Guuleystayaasha Final-ka: B10 MEDICINE ๐Ÿฅ‡

18/05/2026

๐Ÿ† GUNAANADII FINALKA KOOBKA KULLIYADDA ๐Ÿ†

Waxaa maanta si rasmi ah loo ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee Final-ka, kaas oo dhex maray BATCH 10 MEDICINE iyo BATCH 9 A.H/VM.

Ciyaar aad u xiiso badan, tartan adag iyo bandhig heer sare ah kadib, waxaa guusha raacdey kooxda BATCH 10 MEDICINE oo ku adkaatay 5๏ธโƒฃโ€“4๏ธโƒฃ.

Waxaan hambalyo u dirayaa labada kooxood oo soo bandhigay ciyaar qurux badan, anshax iyo isku duubni. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan ardeyda, taageerayaasha iyo guddigii soo qabanqaabiyey tartankan gaar ahaan gudoomiyaha sports midowga ardeyda kulliyada xanaanada iyo daaweynta xoolaha .

โšฝ Natiijada Final-ka:
B10 MEDICINE 5๏ธโƒฃ
B9 A.H/VM 4๏ธโƒฃ

Photos from Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU's post 14/05/2026

Goโ€™aan kasta oo lagu ilaalinayo cadaaladda, hufnaanta, iyo xuquuqda ardayda waa tallaabo mudan in la taageero. Hoggaan wanaagsan wuxuu ku yimaadaa doorasho xor ah iyo kalsoonida bulshada ardayda.

05/05/2026

MIDOWGA ARDAYDA KULLIYADDA XANAANADA XOOLAHA IYO DAAWEYNTA
Guddoomiyaha Midowga Ardayda mudane Mucad Adan Hassan ayaa si rasmi isku-shaandheyn iyo magacaabista cusub kusameeyey guddiga midowga taas oo lagu saleeyay baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka, korna loo qaado tayada adeegyada loo hayo ardayda.
Isbeddelkan cusub wuxuu ka tarjumayaa dadaal joogto ah oo lagu horumarinayo hannaanka maamulka ardayda, iyadoo diiradda la saarayo hufnaan, isla xisaabtan, iyo ka miro-dhalinta himilooyinka ardayda kulliyadda. Guddigan cusub waxaa lagu soo xulay karti, aqoon, iyo waayo-aragnimo, si ay u gutaan waajibaadkooda si masuuliyad leh oo waafaqsan danaha guud ee ardayda.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqayaa dhammaan ardayda kulliyadda inay la shaqeeyaan guddigan cusub, isla markaana ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo kobcinta kulliyaddooda.
Wadajir, waxaan ku gaari karnaa horumar muuqda iyo mustaqbal ifaya.

Photos from Midowga Ardada Kuliyada Xanaanada Xoolaha iyo Daawaynta-SNU's post 02/05/2026

Ka Qaybgalka Dhagax-dhigga Dib-u-casriyeynta Xarunta Gaheyr

Guddoomiyaha Kulliyadda Xannaanada Xoolaha mudane Mucad Adan Hassan ayaa kaqeyb galey munaasabad muhiim ah oo ah dhagax-dhigga dib-u-casriyeynta Xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Tani waa bilow cusub oo muujinaya horumar iyo dadaal lagu xoojinayo tayada waxbarashada iyo kaabeyaasha jaamacadda.

Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Guddoomiyaha Kulliyadda Xannaanada Xoolaha, oo door muuqda ka qaadanaya hirgelinta iyo hormarinta mashruucan qeyb kamid beerta kulliyada iyo casriyeynta labka kulliyada . Hoggaankiisa iyo dadaalkiisu waxay dhiirrigelinayaan ardayda iyo macallimiinta si loo gaaro waxbarasho tayo leh.

Dhagax-dhiggan wuxuu astaan u yahay mustaqbal ifaya iyo rajo cusub oo loo qabo horumarinta cilmiga iyo adeegyada jaamacadeed.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Gahayr Campus
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 04:30
Tuesday 07:00 - 04:30
Wednesday 07:00 - 04:30
Thursday 07:00 - 04:30
Saturday 07:00 - 04:30
Sunday 07:00 - 04:30