09/08/2026
Waxaan hambalyo u direynaa dhammaan ardayda soomaaliyeed ee ku baasay imtixaanka fasalka 8aad ee Gobalka Banaadir oo natiijadiisa maanta lasoo bandhigay, waxaan si gaar ah hambalyo ugu direynaa ardaydeenna oo dhammaantood ku baasay imtixaanka.
Ardaydeenna ayaa Alle fadligiis, waxaa u suura gashay in ay sanadki 6aad oo xiriir ah ku wada baasaan imtixaanka fasalka 8aad, taas oo muujineysa dadaalka iyo kartida ardaydeenna iyo macallimiinteennu ay bixiyeen.
Waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynaa ardayadeenna; Ismahaan Liibaan Cabdullaahi oo ugu darajo sarreysa ardayda dugsiga.
Alle ayaan uga mahad naqeynaa guusha weyn ee uu na gaarsiiyey, hambalyo mar kale ardaydeenna qiimaha badan.ππ
Another unbeaten year, six six in a row, alhamdullilaah.
02/08/2026
-----------TARTAN AQOONEEDKA PART TIME OO LASOO GEBAGEBEEYEY---------
Waxaa maalinnimadi jimcada aheyd ee ina weydaaratay lasoo gebagebeeyey tartan aqooneedki sanadka ee qeybta part time.
Tartan aqooneedkaan oo ah mid u gaar ah ardayda dhigata qeybta jimcaha iyo khamiista ee dugsiga ayaa waxaa sanadkaan ku guuleystay fasalka 2aad oo finalka kaga guuleystay dhiggooda 4aad oo ay kaga badiyeen natiijo 1-0 aheyd, taas oo ka saacidday in ay sanadkaan naqdaan horyaalka qeybta jimcaha iyo khamiista.
Hambalyo ayaan leenahay ardaydeenna fasalka 2aad iyo sidoo kale fasalka 4aad oo meel fiican kasoo tiigsaday tartanka.
Hambalyo mar kale ku guuleystayaasha tartanka.
16/07/2026
Waxaa maalinnimadii shalay aheyd inoo qabsoomay kulan ay soo agaasimeen guddiga ardayda oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan macallimiinta, maamulka iyo qeybo ka mid ah ardayda dugsiga.
Kulanka oo ujeedkiisu ahaa wada sheekeysi iyo kala warqaad, ayey guddiga ardaydu kula wadaageen maamulka iyo macallimiinta fikrado iyo barnaamijyo ay kasoo aruuriyeen ardayda dugsiga ayna u arkayeen in lagu hormarin karo howlaha waxbarasho iyo hormarineed ee ardayda dugsiga, maamulka ayaana ballan qaaday in la tixgelin doono codsiyada iyo aragtida ardayda, isagoo ardayda ku bogaadiyey sida kalsoonida iyo hal abuurka leh ee ay ulasoo wadaageen aragtidooda ku aaddan hormarinta ardayda.
.
24/06/2026
Arbaco 24 June, 2026; Waxaa maanta si rasmi ah innoogusoo gebageboobay imtixaanki k**a danbeysta ahaa ee sanad dugsiyeedka 2025-2026.
Kadib markii uu soo gebageboobay imtixaanka, maamulka iyo macallimiinta ayaa ardayda la dardaarmay, iyagoo ku dhiiri geliyey in ay labada bilood ee fasaxa ah watigooda uga faa'iideystaan fursadaha kale ee ay heli karaan, sidoo kale ardayda iyo macallimiinta ayaa wadaagay duco iyo iscafin, iyagoo Alle ka rajeeyey in uu dib iskugu soo keenna celiyo annagoo nabad iyo caafimaad qabna.
Fasax kheyr leh ππ
18/06/2026
Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa dhammaan ardayda fasalka 8aad gaar ahaan ardaydaydeenna oo maanta uu usoo idlaaday imtixaanki shahaadiga ahaa ee dugsiga dhexe ee uu qaadayey Maamulka Gobalka Banaadir.
Kadib muddo 10 bilood ah, oo ay ku jireen soo jeed, fikir iyo dadaal faro badan, ugu danbeyn maanta ayuu soo dhammaaday dadaalki iyo juhdigi ku aadanaa imtixaanka, balse markaan waxaa soo haray fikirki oo ku aaddan natiijada imtixaanka, waxaan Eebbe weyne uga baryeynaa ardayda in uu ku guuleeyo dadaalkoodi iyo juhdigi ay soo bixinayeen muddadaa, farxadda inta ka dhimanna ay u dhameystiranto.
Guul aad ku faraxdaan ayaan idiin rajeyneynaa dhammaan ardayda ka qeyb gashay imtixaanka.
14/06/2026
SAWIRRO QEYBTA 2aad: munaasabaddi sagootinta form four iyo class8.
13/06/2026
SAWIRRO qeybta 1aad: xafladda sagootinta fasallada form four iyo 8aad.
10/06/2026
Waxaa maalinnimadii shalay aheyd oo taariikhdu ku asteysneed 09-06-2026 si rasmi ah loosoo gebagebeeyey tartan aqooneedki sanadlaha ahaa ee dugsiga.
Waxaa k**a danbeysta tartanka isku arkay fasalka form three oo metelayey qeybta subaxleyda iyo fasalka 6aad oo ka socday dhanka galableyda, tartanka oo ay usoo daawasho tageen ardayda qeybaha kala duwan ee dugsiga iyo asxaabtooda oo si xiiso iyo xamaasad leh ku bilowday ayey labda fasalka soo bandhigeen aqoon iyo dadaal dheeri ah, iyadoo qeybti h**e ee tartanka la is mari waayey laguna kala nastay bareejo 12-12 ah, iyadoo fasalladu min hal su'aal qaldeen, min 6 su'aalna saxeen, laakiin qeybtii danbe ee tartanka ayey fasalka form three u suura gashay in ay ka faa'iideystaan su'aal kasoo fakatay fasalka 5aad taas oo dhaxalsiiyey in ay noqdaan horyaalka aqoonta ee sanad dusgiyeedka 2025-2026.
Fasalka form three ayaa sanadkaan wacdaro ka dhigay dhammaanba tartamadi dugsiga oo ay ku wada guuleysteen sida; tartan aqooneedka dugsiga, tartanki kubadda cagta, tartanka guddiga ardayda dugsiga, oo ay kusoo wada baxeen gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.
Hambalyo fasalka form three oo muujiyey karti, dadaal, aqoon iyo isku xirnaan dheeri ah taas oo gaarsiisay guulahaan isku sidkan.
Congratulations, champions of Alfatxi 2025-2026ππ